Seddex arrimood oo maangal ah oo aad sanadkan samayn kartid

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dad badan oo Sanadka Cusub u adeegsada inay baal cusub noloshooda u furaan - si ay u beddelaan dhaqankooda. Haddana waxaan dhammaanteen qireynaa inay fududdahay in afka laga dhoho ayna adag tahay in la dhaqangeliyo.
Waxaan halkan idinkugula wadaageynaa tusaalooyinka taxanaha - La Feker Pinker - ee dabinnada guud ee aan maangalka ahayn iyo sida looga fogaan karo.
1. Mustaqbalkaaga
Marka ay dadku isku qaban weyso waxa ay "ku fekerayaan" iyo waxa ay "dareemayaan", aalaaba waxa ay maanka ku hayaan waa farqiga u dhaxeeya farxadda degdegga ah iyo tan muddada dheer socota. Tusaale ahaan - cunto aad hadda cuneyso iyo jir qurxoon oo aad berri hesho; inaad hadda wax iibsato iyo lacag kugu filan oo aad hesho marka ay kiradu soo dhowdahay; habeen aad farxad ku seexato iyo xaqiiqooyinka aad la kulmi doonto sagaal bilood kaddib.
Arrimahan iska hor imaanaya ee waqtiyada u dhaxeeya ayaa qofka ku noqon kara caqabad, sida inaan leennahay hal naf oo ku raaxeysaneysa daawashada telefishinka iyo naf kale oo ku raaxaysaneysa natiijo wanaagsan oo laga helay imtixaanka. Labadaas oo ah kuwa aanan isqaban karin, suurtogalna ahayn in hal waqti oo isku mid ah ay fulaan.
Waxaan is weydiin karnaa: Ma hadda ayaan nafteenna u hurnaa si aan mustaqbal fiican ugu noolaanno oo nolol wanaagsan leh, mise waxa ku mashquulnaa farxadaha kumeelgaarka ah?
Steven Pinker waa bare sare oo wax ka dhiga Jaamacadda Harvard University, waana qoraha Maangalnimada: Maxay tahay, maxay u sii badaneysaa, maxay muhiim u tahay iyo barnaamin soo jeediyaha taxanaha BBC 4 La FekerThink with Pinker
Waxaa laga yaabaa in ballanqaadka miro dhalku uusan weligii imaan. Intaas kaddibna, mar unbay da' yaraan ku soo mareysaa. Wax micno ah ma sameyneyso inaad tobnaan sano wax meel dhigato si aad u iibsato waxbaayo qaali ah oo aan hadhow waxba kuu tareynin.
Marka dhibaataneeddu maaha inaynaan wax u dhigan mustaqbalka, balse waa inaan ka gaabinno. Waynu cuneynaa, waana cabeynaa sida inaan muddo gaaban gudahood noolaanayno. Waynu ognahay in mararka qaar loo baahan yahay inaan wax u keydsanno maalinta daran , balse lacagta aanu maanta heysanno waxay ku gubaneysaa duleyl jeebkeeda ku dhex yaalla.
2. "Iska dhaadhicinta"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka ay waxyaabo xunxun nagu dhacaan waxaan aaminaa in dadka qaarkood ayba tahay in waxyaabaha xun kaligood ku dhacaan, inaga oo aanan tixgalinin sababaha muuqda ee laga yaabo in waxyaabahaasi horseedka u noqdeen ama kalifeenba.
Waa xaalad sidii xarash iyo madax oo kale ah , oo qofku uu mala awaal samaynayo, halkii uu si wanaagsan u darsi lahaa xaqiiqada hortiisa taala. Inkasta oo laga yaabo in mararka qaar xaaladan ay mirodhal noqon karto.
Nolosha waxaaka buuxa fursado dahabi ah, balse halis weyn ayaa ku sugan in qofka uu wax kasta oo uu arko uu turjunto ama uu isku dayo in uu ka dhex arko wax uu isagu rabo.
Ka fagoow in aad u malaysid in wax kasta u dhacaan sabab lasii ogyahay, waxyaabaha qaarkood ayaa kadis ah, sida ay yihiina ula macaamil.
3. Inaad ku saxsanaato amaba aad sax u aragto

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mar walba oo aan yeelanno wada xaajood caqli gal ah, hadafkeennu waa inuu la fal falaa runta. Balse aamdigu sidaas maaha.
Waxaa laga yaabaa in qofku uu raadiyo inuu dadka kale kaga awood bato doodda, isagoo adeegsanaya khiddado xun oo laga dhigayo qofka mid u muuqda daciif amaba doqon. Kuwan waxaa ka mid noqon kara:
- Muranka - in la weeraro qofka intii doodda qudheeda la weerari lahaa
- In la beeneeyo doodda qofka kale
- In la raadiyo dad kuu garaaba - beddelkii la soo bandhigi lahaa waxyaabaha ka khaldan doodda
Haddii qodobka ugu muhiimsan ee dooddu tahay in naloo bayaaniyo qaabka aan wax u fahannay, waxaa noo furan inaan xakameyno dhaqamadaas xun.
Dhammaanteen waxaan sameyn karnaa qaabab lagu beddelayo wada xaajoodka caqliga ku saleysan.











