Maxay tahay sababta dadka doobabka ah ay u shiiraan?

Xigashada Sawirka, Michal Bialozej)
Shiirka kasoo baxa jirkeena wuxuu faahfaahin ka bixin karaa xaaladda caafimaadka ee qofka, sida ogaanshaha cudurrada, tusaale ahaan qofka haddii uu carabkiisa ka dareemo macaan waxaa laga yaabaa in uu hayo daacuun calooleed halka qofka qabo cudurka macaanka uu urin karo sida tufaax quruntay.
"Shiirka wuxuu sidoo kale daaha ka qaadi karaa macluumaadka ku saabsan cuntadeenna," ayuu yiri Mehmet Mahmut,oo ku takhasusay cilmi-nafsiga, udgoonka iyo shiirta kana tirsan Jaamacadda Macquarie, ee Australia.
"Waxaa jira dhowr daraasadood oo tilmaamaya arrintani oo is burinaya, laakiin kooxdaydu waxay ogaatay in hilibka badan oo aad u isticmaashid ay ka dhigan tahay in aad u shiirto"
Ragga waxay shiirta haweenka u arkaan mid udgoon oo soo jiidasho leh xilligga ay ku gudo jirto wareegga caadada, waana xilligga ay u badan tahay inay uur yeelato.
Waxaa arrintani laga yaabaa inay caawin jirtay dadkii hore si ay u ogadaan haweenka taranka badan, sida uu soo jeediyay qoraaga.
Waxaana sidoo kale laga yaabaa in hormuunka ragga ee testosterone uu sare u qaado karo shiirta haweenka.
"Tani waa muhiim sababtoo ah waxay muujinaysaa in hidde-sideyaasha ay saameeyaan sida aan wax u urinno," ayay tiri Agnieszka Sorokowska, oo ku takhasustay cilmi-nafsiga iyo urta aadanaha kana tirsan Jaamacadda Wroclaw, Poland.
Waxay hadalkeeda sii raacisay, "Sidaa darteed, waxaa laga yaabaa inaan awoodno inaan ogaano macluumaadka hidda-sidaha dadka kale, annaga oo ursaneyno iyaga."
Daraasad kale oo isla arrimahan lagu sameeyay, dumar xaasas ah ayaa keenay funaanadaha ragga qaba kuwo kalena waxay keeneen funaanadaha nimanka shukaansada, kaddibna waxaa lagu dhex daray funaanado ay leeyihiin niman kale oo aan lasoo xulin.
"Dumarkii xaasaska ahaa ama kuwii saaxiibbada lahaa ma waxay la noolaayeen rag ay shiirkooda dookh ahaan u jeclaayeen marka la barbardhigo kuwo kale?" ayuu yiri Mahmut.
Isagoo ka jawaabaya ayuu hadalkiisa sii watay: "Maya Khasab ma aha taas. Ma jirin caddeyn aad u weyn oo muujineysa in shiirka nimankooda ay ka dhigeen kan ay ugu jecel yihiin."Taas waxay ka dhigan tahay in dumarka aysan ninka guursanayay shiirkiisa u arkin midka ugu habboon ee ay door bidi lahaayeen.

Xigashada Sawirka, Michal Bialozej
Daraasad kale oo tan ka duwan oo uu sameeyay Mahmut, waxay muujineysaa in ragga iskaabulada ah ay ka shir kulul yihiin ragga xaasaska leh.
Wuxuu sababta ku sheegay "inay jiraan caddeymo muujinaya xiriirka ka dhexeeyo heerarka hormuunka ragga ee testosterone iyo shirta ragga ee xooggan"
Waxaan ognahay in uu jiro xiriir ka dhexeeyo hoos u dhaca ku yimaada hormuunka ragga ee testosterone iyo da'da qofka, waxaa uu hoos u dhac ku yimaadaa hormuunkan ragga marka uu da' noqdo, tusaale ahaan qofka haddii uu da' noqdo, waxaa hoos u dhacayaa hormuunka, ragga iskaabulada aad bey u shiiraan marka loo barbardhigo ragga guursaday maadama uu xooggan yahay hormuunkooda testosterone.
Markaa, waxaan ognahay macluumaadka ku saabsan sida tayada taranka ay u saameyneyso shiirka, markaa waan la socon karaa shiirka, inkasta aanan la socon.
"Haddii aad raadineyso qof aad dooneyso in nolosha aad la wadaagto oo leh hiddo-side wanaagsan markaa waxaa laga yaabaa inaad fiiro gaar ah u yeelato shirkiisa" ayay tiri Sorokowska.
"Laakiin dadka intooda badan , arrintaas muhiim uma ahan, badanaa dadka ma sameeyaan."












