TOOS, Maraykanka oo qaaday duqeymo cusub oo ka dhan ah Iiraan, iyadoo Trump uu ka digay aargoosiga dilki askarta Maraykanka
Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inuu qaaday wareeg kale oo duqeymo ah oo ka dhan ah Iiraan, si "loo sii wiiqo" awooddeeda ay ku weerari karto maraakiibta maraysa Marin-biyoodka Hormuz.
War deg deg ah, Mareykanka oo Iiraan kala kulmaya weerarro khasaare badan gaustay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in
ku dhowaad 100 askari oo Mareykan ah ay ku dhaawacmeen weerarro lala
xiriirinayo Iiraan labadii toddobaad ee la soo dhaafay, arrintaas oo muujinaysa
sii xoogaysashada xiisadda u dhexeysa labada dal.
Pentagon-ka ayaa sheegay in inta badan askartaasi ay ku
dhaawacmeen weerarro ay fuliyeen kooxo ay Iiraan taageerto oo lagu qaaday
saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe.
Wasaaraddu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku
saabsan heerka ama halista dhaawacyada.
Saddex ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay
weerarradaas.
Dhanka kale, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee
Iiraan ayaa ku dhawaaqay inay weerarro ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla
Baxrayn, Kuweyd, iyo Urdun, kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah ay sababeen
dhimashada saddex askari oo Mareykan ah.
War deg deg ah, Dowladda Qadar oo ka dacwootay Iiraan kana dalbatay magdhow
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Qadar ayaa warqad u
dirtay Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku
eedaysay Iiraan weerarradii lagu qaaday dalkeeda isla markaana ka codsatay inay
bixiso magdhowga dhammaan khasaaraha ka dhashay.
Warqadahaas, Qadar waxay ku
sheegtay in Iiraan ay 7-dii Luulyo weerartay markab shidaal oo ku sugnaa meel u
dhow Marinka Hormuz, ka hor inta aysan gantaallo kale u soo ridin dalka 12-kii
iyo 17-kii Luulyo.
Mas'uuliyiinta Qadar ayaa sheegay
in saddex qof, oo uu ku jiro hal cunug, ay ku dhaawacmeen weerarkii 12-kii
Luulyo, kaddib markii burburka gantaallo qarxay uu ku dhacay xaafado ay dad
rayid ahi deggan yihiin.
Qadar waxay sheegtay in
weerarradani ay yihiin xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo
qarannimadeeda, isla markaana ay halis gelinayaan amniga iyo xasilloonida
dalka.
Dowladda Qadar ayaa sidoo kale ku
celisay inaysan ka laba labeyn doonin qaadista tallaabo kasta oo lagama
maarmaan ah si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, amniga qaranka iyo
muwaadiniinteeda.
Dhankeeda, Iiraan ayaa sheegtay in
weerarradeeda ka dhanka ah dalalka gobolka ay beegsanayaan saldhigyada
ciidamada Maraykanka iyo ciidamadiisa ku sugan waddamadaas.
War deg deg ah, Dad Afghanistaaniyiin ah oo lagu laayay xadka Iiraan xilli ay doonayeen in dalkaasi galaan
Xigashada Sawirka, SHAMSHAD TV
Shan qof oo u dhashay Afgaanistaan
oo isku dayay inay si sharci darro ah ugu gudbaan Iiraan iyagoo adeegsanaya
waddooyinka tahriibka ayaa dhawaan meydadkooda laga helay meel saxare ah oo ku
taalla gobolka koonfureed ee Nimroz, halka 14 kale weli la la'yahay, sida ay
warbaahinta Afgaanistaan baahisay.
"Mas'uuliyiinta ammaanka ayaa
sheegay in kooxdan ay qorsheynaysay inay si sharci darro ah uga gudubto xadka
Iiraan iyagoo maraya saxaraha gobollada Helmand iyo Nimroz," ayay qortay
warbaahinta 2 Lo News 19-kii Luulyo. Shan ka mid ah ayaa u geeriyooday kulayl
daran iyo biyo la'aan, halka kuwa kale weli la la'yahay.
Hay'adda Qaramada Midoobay u
qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa tiri: "Musiibadan waa xusuusin murugo
leh oo muujinaysa khasaaraha bani'aadannimo ee ka dhasha safarrada halista ah
iyo kuwa sharci darrada ah. Waxay sidoo kale iftiiminaysaa baahida loo qabo in
dadka la siiyo ilaalin iyo fursado wanaagsan si aan loogu qasbin inay naftooda
khatar geliyaan."
Sawirro lagu baahiyay baraha
bulshada ayaa muujinayay qaar ka mid ah meydadka oo yaalla ciidda saxaraha,
halka kuwo kalena ay qayb ahaan ciiddu dabooshay.
Warbaahinta Afghanistan
International, oo xarunteedu tahay UK, ayaa sheegtay in "shaqo la'aanta,
saboolnimada, xayiraadaha lagu soo rogay bixinta fiisooyinka Iiraan, iyo
masaafurinta ballaaran ee qaxootiga Afgaanistaan ee ka imanaya Iiraan" ay
yihiin arrimaha ku riixaya dhalinyarada inay adeegsadaan waddooyinka tahriibka.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo
saartay wakaaladda gaarka loo leeyahay ee Hasht-e-Bah, "dhibaatooyinka
dhaqaale, caqabadaha siyaasadeed, iyo fursado la'aanta" ayaa ah sababaha
ugu waaweyn ee ku kallifa muwaadiniinta Afgaanistaan inay tahriibaan, taasoo
keenta in qaar ay doortaan waddooyin sharci darro ah oo aad u halis badan.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay
in sannadihii u dambeeyay ay dad badan oo Afgaanistaan u dhashay ku dhinteen
iyagoo isku dayaya inay si sharci darro ah ugu gudbaan Iiraan. Khataraha ugu
waaweyn waxaa ka mid ah biyo la'aan, kuleyl aad u daran, marin-habowga
saxaraha, iyo in tahriibiyeyaashu dadka kaga tagaan jidka. Waxaa intaas dheer
in qaar ka mid ah Afgaanistaan ay dileen ilaalada xuduudaha Iiraan iyagoo isku
dayaya inay si sharci darro ah dalka u galaan.
Dhanka kale, Pakistan ayaa dib u
billowday masaafurinta muwaadiniinta Afgaanistaan ee aan haysan dukumentiyo
sharci ah, kaddib markii uu dhacay waqtigii kama dambaysta ahaa ee 10-kii
Luulyo.
War deg deg ah, Iiraan oo ku dhawaaqday in ay dishay askar Mareykan ah
Ciidanka Ilaalada Kacaanka
Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegtay in dhowr askari oo Maraykan ah lagu dilay
weerarro ay ka fuliyeen deegaanka Rukban ee dalka Urdun.
IRGC ayaa war-saxaafadeedkooda ku
sheegay inay bartilmaameedsatay "xero hoy ah oo ay isticmaalaan ciidamada
Maraykanka" oo ku taalla Rukban, intii lagu jiray " Hawlgalka Nusr
2", isla markaana ay ku dileen "askar badan" oo Maraykan ah.
Dowladda Maraykanka weli kama
aysan jawaabin sheegashadan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed
ay soo saareen ciidamada Maraykanka, 17-kii Luulyo, weerarro ay Iiraan ku
qaaday gantaallo riddo dheer iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayaa lagu dilay saddex
askari oo Maraykan ah gudaha dalka Urdun.
FIFA oo bilowday baaritaan ay ku sameyneyso fal ay sameeyeen Argentina
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Messi
Argentina
ayaa wajahaysa baaritaan ku saabsan dhacdooyinkii foolxumaa ee ka dhacay
dhammaadkii finalka Koobka Adduunka, sida ay xaqiijisay Xiriirka Kubadda Cagta
Adduunka ee FIFA.
Guddiga
Anshaxa ee FIFA ayaa magacaabay dacwad-ooge si uu u qiimeeyo wixii dhacay kadib markii
garsooruhu yeeriyay seeriga dhammaadka ciyaarta ka dhacday garoonka MetLife
Stadium.
Ciyaaryahan
ama tababare kasta oo ku lug lahaa isku dhacaas ayaa wajihi kara ganaax ama ka
maqnaansho ciyaaro, halka Xiriirka Kubadda Cagta Argentina (AFA) isna lagu
ganaaxi karo.
Kadib
guuldarradii 1-0 ahayd ee Axaddii, xubno ka tirsan xulka Argentina iyo
shaqaalaha farsamada ayaa waxay isku dhaceen ciyaartoyda Spain xilli ay
bilaabeen dabaaldegga guusha Koobka Adduunka.
Nahuel
Molina, Leandro Paredes, Thiago Almada iyo kaaliyaha tababaraha Roberto Ayala
ayaa dhammaantood loo muuqday inay ku lug lahaayeen dhacdada.
Waxaa si
khaldan loogu sheegay nidaamka macluumaadka faallooyinka FIFA in Paredes la
siiyay kaarka cas oo uu garsoore Slavko Vincic ka saaray ciyaarta kadib markii
uu qoorta qabtay ciyaaryahanka Spain, Eric Garcia.
Markii
seerigii ugu dambeeyay la yeeriyay New Jersey, qaar ka mid ah ciyaartoyda
Argentina — oo uu ku jiray Lionel Messi — ayaa fariistay iyagoo
niyad-jabsan.
Qaar kale ayaa
iska taagnaa, xilli ciyaartoyda Spain ay garoonka ku ordayeen iyagoo farxad iyo
dabaaldeg ku jira.
Rodri, oo la
beddelay intii lagu jiray waqtigii dheeriga ahaa, ayaa ka soo orday kursiga
keydka si uu ugu biiro saaxiibbadiis oo u dabaaldega guusha.
Maxay tahay sababta dadka doobabka ah ay u shiiraan?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Michal Bialozej)
Shiirka kasoo baxa jirkeena wuxuu faahfaahin ka bixin karaa xaaladda caafimaadka ee qofka, sida ogaanshaha cudurrada, tusaale ahaan qofka haddii uu carabkiisa ka dareemo macaan waxaa laga yaabaa in uu hayo daacuun calooleed halka qofka qabo cudurka macaanka uu urin karo sida tufaax quruntay.
"Shiirka wuxuu sidoo kale daaha ka qaadi karaa macluumaadka ku saabsan cuntadeenna," ayuu yiri Mehmet Mahmut,oo ku takhasusay cilmi-nafsiga, udgoonka iyo shiirta kana tirsan Jaamacadda Macquarie, ee Australia.
"Waxaa jira dhowr daraasadood oo tilmaamaya arrintani oo is burinaya, laakiin kooxdaydu waxay ogaatay in hilibka badan oo aad u isticmaashid ay ka dhigan tahay in aad u shiirto"
Ragga waxay shiirta haweenka u arkaan mid udgoon oo soo jiidasho leh xilligga ay ku gudo jirto wareegga caadada, waana xilligga ay u badan tahay inay uur yeelato.
Waxaa arrintani laga yaabaa inay caawin jirtay dadkii hore si ay u ogadaan haweenka taranka badan, sida uu soo jeediyay qoraaga.
Waxaana sidoo kale laga yaabaa in hormuunka ragga ee testosterone uu sare u qaado karo shiirta haweenka.
"Tani waa muhiim sababtoo ah waxay muujinaysaa in hidde-sideyaasha ay saameeyaan sida aan wax u urinno," ayay tiri Agnieszka Sorokowska, oo ku takhasustay cilmi-nafsiga iyo urta aadanaha kana tirsan Jaamacadda Wroclaw, Poland.
Iiraan ayaa
ugu baaqday beesha caalamka in aysan u dulqaadan wax weerar ah oo lagu qaado
xarumaha nukliyeerka ee loo isticmaalo ujeeddooyin nabadeed, iyadoo sheegtay in
ilaalinta xarumahaas ay tahay mas’uuliyadda beesha caalamka oo dhan.
Bayaan ay
soo saartay Ergada Iiraan u qaabilsan Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta
Nukliyeerka (IAEA), ayay ku sheegtay in Mareykanku subaxnimadii 18-ka Luulyo uu
gantaallo ku garaacay goobta dhismaha warshadda tamarta nukliyeerka ee Karun (Darkhovin).
Bayaanku
wuxuu xarunta ku tilmaamay “astaan muujinaysa sharafta iyo isku-filnaanshaha
cilmiyeed ee shacabka Iiraan.”
Waxay intaas
ku dartay in inkastoo Iiraan ay diyaar u tahay inay qaaddo dhammaan
tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalinta danaha qarankeeda iyo
xuquuqdeeda madaxbannaanida, haddana ka hortagga weerarrada lagu qaado xarumaha
nukliyeerka ee hoos yimaada kormeerka IAEA ee loo adeegsado ujeeddooyin
nabadeed ay tahay mas’uuliyad saaran beesha caalamka oo dhan.
Dhanka kale,
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu weeraray dhowr goobood
oo militari oo ku yaalla Iiraan, oo ay ku jiraan saldhigyada gantaallada,
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo hantida ciidamada badda ee
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), balse ma uusan xusin xarunta Darkhovin.
Dhankeeda,
IAEA waxay sheegtay inay baarayso wararka sheegaya in warshadda tamarta
nukliyeerka ee Darkhovin ee dhismaheedu socdo la weeraray, hase yeeshee weli ma
aysan soo saarin warbixin madax-bannaan oo xaqiijinaysa waxa dhacay.
Iiraan ayaa weerartay markab shidaal oo marayay Marinka Hormuz, taas oo ku qasabtay shaqaalihii markabka inay ka baxsadaan, iyadoo uu weli socdo loollanka lagu doonayo in lagu xakameeyo marin-biyoodkaas.
Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sheegay inay sidoo kale weerareen goobaha difaaca cirka ee Maraykanku ku leeyahay Baxrayn iyo Kuweyt.
Dhanka kale, ciidamada Maraykanka ayaa fuliyay habeenkii tobnaad oo xiriir ah weerarro cirka ah, kuwaas oo looga gol lahaa in lagu wiiqo awoodda Iiraan ee ay ku carqaladayn karto maraakiibta maraysa badda.
Iyadoo dagaalladu sii xoogaysanayaan, dhexdhexaadiyeyaashu waxay laba jibaareen dadaallada lagu soo nooleynayo heshiiskii ku-meelgaarka ahaa ee nabadda ee la gaaray bishii hore.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Iiraan ayaa u safray Baakistaan si uu halkaas ugala yeesho wadahadallo.
Spain ayaa si xarago leh ugu guuleysatay Koobka
Adduunka. Laakiin dad badan ayaa isweydiinaya talow lacag intee le’eg ayay ka
helayaan guushaas?
Waxay sidoo kale gurigeeda ula laabatay in ka badan 51
milyan oo doollar. Taasina waa ka hor inta aan ciyaartoydu helin
gunnooyinkooda.
Kadib 120 daqiiqo oo aad u adkaa oo lagu ciyaaray garoonka
MetLife Stadium, ayuu Ferran Torres ku ayaa noqday geesiga Spain isagoo
dhaliyay daqiiqaddii 106-aad ee waqtiga dheeriga ahaa, isla markaana u
horseeday Spain koobkeedii labaad ee Koobka Adduunka, 16 sano kadib guushii ay
ka gaartay Koonfur Afrika sannadkii 2010.
Koobka marka laga tago, Spain waxay gurigeeda ula laabatay
in ka badan 51 milyan oo doollar. Xiriirka kubadda cagta Spain ayay FIFA akoon
ugu shubaysaa lacagtaas oo ah tii ugu badnayd ee abid la siiyo waddan ku
guuleysta Koobka Adduunka.
Sannadkan, FIFA waxay sidoo kale soo bandhigtay abaalmarin
cusub.
Dhanka Argentina, guuldarradu waxay u ahayd mid aad u
xanuun badan laakiin ay ku heleen abaalmarin dhan 34 milyan oo doollar oo
kaalinta labaad ah.Lacagta
England ayaa iyaduna kaalinta 3aad tartanka kusoo
gabagabeysay si xarago leh. Waxay 6-4 kaga adkaatay France, taasoo ay ku heleen
qiyaastii 30 milyan oo doollar, isla markaana noqotay natiijadoodii ugu
fiicneyd ee Koobka Adduunka ay ka gaaraan tan iyo markii ay ku guuleysteen
sanadkii 1966.
Lacagta abaalmarinta ee laga heli karo Koobka Adduunka 2026 waa $871 milyan (£662 milyan), waana tii ugu badnayd abid.
FIFA waxay markii hore ku dhawaaqday in wadarta lacagta abaalmarintu ay noqon doonto $727 milyan (£552 milyan), taas oo horeba u ahayd koror 50%, marka loo eego lacagtii la bixiyay tartankii Koobka Adduunka 2022 ee Qadar.
Laakiin bishii Abriil waxay ansixiyeen kordhin kale oo lagu sameeyay wadarta lacagta, iyagoo kordhiyay lacagta aasaasiga ah ee ka qaybgalka iyo kharashka diyaar-garowga, taas oo wadarta gaadhsiisay lacagta cusub.
Lacagta abaalmarinta waxa loo qaybiyaa abaalmarinno ku salaysan waxqabadka iyo taageero dhaqaale oo aan ku salaysnayn waxqabadka.
Ku dhowaad 100 ciidamo Mareykanka ah oo lagu dhaawacay weerarada Iiraan
Xigashada Sawirka, US Central Command
Qoraalka sawirka, Pntagon-ka ayaa warkan la wadaagay CBS
Saraakiil
Maraykan ah ayaa u sheegay warbaahinta CBS oo ay bah-wadaag yihiin BBC-da, in
ku dhowaad 100 askari oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ay dhaawacmeen ka dib
weerarro dhowr ah oo dhinaca cirka ah oo ay Iiraan ku qaaday saldhigyada
Maraykanka ee Bariga Dhexe bishan.
Sean
Parnell, oo ah afhayeen sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Maraykanka
(Pentagon), ayaa xaqiijiyay tiradaas isagoo xogtan la wadaagay CBS News
Wuxuu
sheegay in ilaa 7-da Luulyo 2026, ku dhowaad 100 qof ay soo gaareen
"heerar kala duwan oo dhaawacyo ah," halka 96% ka mid ah ay dib ugu
laabteen shaqadoodii ciidamada.
Afhayeen u
hadlay Pentagon-ka ayaa yiri:
"Waxay
muujiyeen go'aan adag oo ay ugu laabanayaan howlaha ciidanka. Inta badan
dhaawacyada soo gaarayna waxay ahaayeen gariir ama jug ka soo gaartay dhanka oo
fudud.
Dhaawacyadan
ayaa la soo sheegay xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Maraykanka iyo
Iiraan, kadib burburkii xabbad-joojin socotay bilooyin badan.
Ciidamada
Maraykanka ayaa sheegay inay muddo 10 habeen oo xiriir ah weerarro ku hayeen
bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, iyagoo sheegay in ujeeddadu tahay in laga
hortago weerarrada Iiraan ay ku beegsanayso maraakiibta ganacsiga.
Dhankeeda,
Iiraan ayaa weerarro ku qaaday saldhigyada Maraykanka ee ku yaalla Urdun,
Kuweyt, Baxrayn, iyo dalal kale oo xulafo la ah Maraykanka oo ku yaalla
gobolka.
Sida ay
sheegeen Pentagon-ka iyo hadallo laga soo xigtay Donald Trump, weerarradan ayaa
ilaa hadda sababay ugu yaraan afar dhimasho.
Dagaal dhex maray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Puntland
Xigashada Sawirka, Ciidamada PSF
Qoraalka sawirka, Ciidamada PSF
Wararka ka imaanaya degmada Laag ayaa sheegaya inu
halkaas iska hor imaad ku dhex maray ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin
dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan la sheegay inay ka
tirsan yihiin dowladda federaalka ay shalay ka soo baxeen magaalada Bosaaso,
balse lagu hor istaagay degmada Laag, taas oo 30 kilomitir u jirta magaalada
Bosaaso .
Khasaare kooban ayaa ka dhashay iska hor imaadka dhex
maray labada dhinac.
Xogo aan ka helnay saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka
Puntland ayaa sheegaya, in hal qof uu ku dhintay dhowr kalena ay ku dhaawacmeen
dagalka isla markaana ay ciidamada Puntland la wareegeen gaadiidkii ay wateen
ciidankaas federaalka oo ay ku safrayeen.
Ciidamadan lagu hor istaagay Laag ayay wararku sheegayaan
inay ku sii jeedeen magaalada Gaalkacyo, iyagoo ku safrayay wadada dheer ee
isku xirta Bosaaso ilaa iyo Galkacyo.
Ilo xog ogaal ah ayaa
sheegay in ciidamadan ay ku jeedeen magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay
doonayeen inay ka soo qaadaan saraakiil kale oo iyaga ka tirsan.
BBC-du weli wx xog ah kama helin dhanka dowladda
federaalka oo lagu xaqiijinayo dagaalkan dhacay.
Weli waan la xiriireynaa dowladda, hadii aan jawaabtooda helno, waa idiin soo gudbin doonaa.
Waa imisa lacagta la siiyo wadanka ku guuleysta Koobka Adduunka?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Yamine iyo Messi
Lacagta abaalmarinta ee laga heli karo Koobka Adduunka 2026 waa $871 milyan (£662 milyan), waana tii ugu badnayd abid.
FIFA waxay markii hore ku dhawaaqday in wadarta lacagta abaalmarintu ay noqon doonto $727 milyan (£552 milyan), taas oo horeba u ahayd koror 50%, marka loo eego lacagtii la bixiyay tartankii Koobka Adduunka 2022 ee Qadar.
Laakiin bishii Abriil waxay ansixiyeen kordhin kale oo lagu sameeyay wadarta lacagta, iyagoo kordhiyay lacagta aasaasiga ah ee ka qaybgalka iyo kharashka diyaar-garowga, taas oo wadarta gaadhsiisay lacagta cusub.
Lacagta abaalmarinta waxa loo qaybiyaa abaalmarinno ku salaysan waxqabadka iyo taageero dhaqaale oo aan ku salaysnayn waxqabadka.
Haddaba, sidee ayaa loo kala qaybiyaa abaalmarinnada?
Abaal-gudka qaab ciyaareedka ku saleysan
Kooxuhu mar kasta oo ay meel fog ka gaadhaan tartanka, waxay helayaan abaalmarin dhaqaale oo intaas ka badan.
Fifa waxay kooxaha ku dhammaysanaya boos kasta u kala abaalmarin doontaa sidatan:
Guuleystayaasha (Koobka):$51m (£38m)
Kaalinta labaad:$34m (£25m)
Kaalinta 3-aad: $30m (£22m)
Kaalinta 4-aad:$28m (£20m)#
Kaalinta 5-aad ilaa 8-aad:$20m (£14m)
Kaalinta 9-aad ilaa 16-aad: $16m (£11m)
Kaalinta 17-aad ilaa 32-aad: $12m (£8m)
Kaalinta 33-aad ilaa 48-aad:$10m (£7m)
Lacagahan la bixinayo waxay qayb ka yihiin $703m oo ka mid ah $871m oo si guud loo qoondeeyey sanduuqa abaalmarinta, iyadoo $168m (£152m) ee soo hartayna loo qaybin doono kooxaha iyado aan la fiirinayn qaab-ciyaareedkooda iyo natiijada ay keenaan.
Qoraalka sawirka, Netanyahy iyo duqa magaalada New York, Zahran Mamdani,
Danjiraha
Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon ayaa ka hadlay hadal uu
dhawaan yiri duqa magaalada New York, Zohran Mamdani.
Mamdani,
ayaa dhawaan sheegay in talada ay ku jirto suurtagalnimada in la xiro Ra'iisul
Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, marka uu yimaado New York si uu uga
qaybgalo shirka Qaramada Midoobay.
Dony ayaa sheegay
in tallaabadan ay tahay isku day lagu marin habaabinayo dareenka shacabka, si
looga jeediyo fashilka duqa magaalada.
“Qofka ay
tahay in la xiro ma aha Ra'iisul Wasaarahayaga; waa adiga, Mudane Mamdani.
Haddaba aan arrinta si cad u sheego. Waa isla duqii magaaladaas oo komishinarkiisa
isku dayay inuu la kulmo wakiilka Iiraan u jooga Qaramada Midoobay, xilli
Maraykanku dagaal kula jiray isla nidaamkaas shar-wadayaasha. Nasiib wanaag,
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa arrintaas joojisay.
Isagoo
hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri:
“Waa isla
duqii magaaladaas oo u baroordiiqay xubin ka tirsanaa Xamaas, kuna tilmaamay
saxafi rayid ah oo aan waxba galabsan. Waa isla duqii magaaladaas oo weli sii
hurinaya naceybka ka dhanka ah Yuhuudda ee ka jira guud ahaan New York”.
“Haddana waa
isla duqii magaaladaas oo ku hanjabaya inuu xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil,
isagoo adeegsanaya awood uusan lahayn. Ra'iisul Wasaare Netanyahu wuu iman
doonaa New York, wuxuu ka hadli doonaa isla madashan. Wuxuu ku hadli doonaa
magaca Dowladda Israa'iil. Wuxuu difaaci doonaa shacabka Israa'iil, mana jirto
wax aad samayn karto oo aad uga hor istaagi karto”, ayuu hadalkiisa ku soo
gabagabeeyay.
Duqa
magaalada New York, Zahran Mamdani, ayaa sheegay in talada ay ku jirto
suurtagalnimada in la xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu
marka uu yimaado New York si uu uga qaybgalo shirka Qaramada Midoobay.
Isagoo
Sabtidii ka hadlayay barnaamijka 'podcast'-gaa ee wargeyska The New York Times,
Mamdani wuxuu sheegay in xafiiskiisu uu eegayo tallaabooyin suurtagal ah oo
lagu xiri karo "dambiilaha dagaalka" marka uu yimaado magaalada New
York bisha Sebtembar.
walaalka yar ee Lamine Yamal ee indhaha caalamka soo jiitay iyo dabaaldagii sameeyay
Inkastoo ciyaaryahanka reer Spain ee Lamine Yamal uu qaaday Koobka Adduunka, haddana walaalkiis yar ee Kenye ayaa u muuqda inuu soo jiitay dareenka dadweynaha.
Wiilkan saddex-jirka ah ayaa si degdeg ah caan uga noqday internet-ka ka dib markii muuqaallo laga duubay isagoo si xamaasad leh u dabaaldegaya guushii 1-0 ahayd ee Spain ay ka gaartay ciyaartii Argentina ay Axaddii ku faafeen baraha bulshada.
Iyadoo Yamal, oo isaguna 19 jir ah, uu sii waday guulihiisa isagoo ka caawinaya Spain inay ku guuleysato abaalmarinta ugu weyn kubadda cagta, ayaa dareenka dadku si degdeg ah ugu wareegay falcelinta farxadda leh ee walaalkiis yar oo garoonka dhinaciisa ka daawanayay ciyaarta.
Laga soo bilaabo inuu carrabka soo saaro isagoo shaashadda weyn ka muuqda ilaa uu si xooggan u dhiirrigeliyo walaalkiis ka weyn, Kenye waxaa taageerayaashu ku tilmaameen mid ka mid ah xiddigaha aan la filayn ee sida lama-filaanka ah u soo shaac-baxay tartankii 2026-ka.
Spain ayaa guul ka gaartay tartan adag oo u baahday dulqaad iyo adkaysi, iyadoo Argentina kaga badisay gool la dhaliyay daqiiqaddii 106-aad ee ciyaarta oo ka dhacday garoonka New York New ee Jersey Stadium.
Guushan oo ahayd tii labaad ee kooxdu ku guuleysato Koobka Adduunka ayaa ka dhigtay Yamal ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee abid ku guuleysta labadaba Koobka Qaramada Yurub iyo Koobka Adduunka.
Walaalkiis yar ee Kenye ayaa noqday qof si joogto ah uga dhex muuqda garoonka dhexdiisa iyo dibaddiisaba - isagoo inta badan ka soo muuqda muuqaallada TikTok-ga ee Yamal, isla markaana soo jiita taageerayaasha daafaha dunida.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron iyo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka ee Raysalwasaaraha cusub ee Britain, Andy Burnham, la hadlay maalintiisii ugu horreysay ee uu xilka qabtay.
Sida uu sheegay xafiiska Downing Street, Burnham ayaa galinkii dambe ee maanta la hadlay Zelensky, isagoo dib u xaqiijiyay isaga iyo Boqortooyada Midowday in ay si adag u garab taagan yihiin shacabka Ukraine.
Afhayeen u hadlay Downing Street ayaa sidoo kale sheegay in Burnham uu Zelensky ku casuumay inuu booqdo Boqortooyada Midowday “fursadda ugu horreysa ee suurtagalka ah”.
Fiidnimadii ayuu Burnham sidoo kale la hadlay Macron, isagoo sheegay inuu sii xoojin doono xiriirka adag ee u dhexeeya Britain iyo Faransiiska. Downing Street ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen taageerada Ukraine, dib u furista marin-biyoodka Hormuz iyo iskaashiga dhinacyada tamarta iyo difaaca.
War deg deg ah, Ciidammada Maraykanka oo ku dhawaaqay weerarro cusub oo lagu qaaday Iiraan
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay in ciidammada Maraykanku ay bilaabeen wareeg cusub oo weerarro ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, iyagoo fulinaya amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Donald Trump.
Sida uu sheegay CENTCOM, ujeeddada weerarradan ayaa ah in la wiiqo awoodda millatari ee Iiraan, taas oo uu ku eedeeyay in loo adeegsanayo weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee marinka Hormuz.
Ku dhawaaqista CENTCOM ayaa timid daqiiqado kaddib markii warar ka soo baxay Iiraan ay sheegeen in qaraxyo laga maqlay agagaarka magaalooyinka Bandar Abbas iyo Sirik.
Angela Rayner oo loo magacaabay xoghayaha arrimaha guryeynta.
Angela Rayner ayaa loo magacaabay xoghayaha arrimaha guryeynta ee xukuumadda Andy Burnham. Waxay xil hore uga soo qabatay dowladdii Keir Starmer.
Maxaan ka og nahay weerarrada Maraykanku uu ku qaaday marinnada gaadiidka ee Bandar Abbas?
Burburka ka dhashay weerarrada Mareykanka kuma ekayn oo kaliya bartilmaameedyada ku yaalla xeebta koonfureed ee Iiraan. Todobaadkii la soo dhaafay, warbaahinta Iran waxay sheegtay in lix buundo la duqeeyay kuwaas oo ku yaalla magaalada 'Khamir' ee gobolka Hormozgan saacadaha hore ee Jimcihii, July 17.
Habeennimadii Jimcaha ee isla maalintaas, warbaahinta ayaa mar kale sheegtay in labo god iyo labo buundo lagu weeraray gobolka Hormozgan.
Warbaahinta Iiraan iyo mas'uuliyiinta dawladda hoose waxay sheegeen in weerarrada Mareykanku ay bartilmaameadsadeen xarumaha korontada, meelaha biyaha lagu sifeeyo, buundooyinka, waddooyinka iyo khadadka tareenka ee koonfurta Iiraan.
Afhayeen u hadlayay Aqalka Cad oo ka jawaabayay su'aal ay weyddiisay BBC-da, ayaa diiday in kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka la bartilmaameadsaday, isaga oo intaas raaciyay weerarrada ka dhan ah Iiraan in Washington uga gol leedahay in la wiiqo awoodaha millatari iyo gaadiid ee Ciidanka ilaalada Kacaanka.
Urdun oo qabatay saddex gantaal oo laga soo riday Iiraan
Telefishinka dawladda Urdun ayaa sheegay in ciidammada qalabka sida ee dalkaasi ay qabteen saddex gantaal oo laga soo riday Iiraan.
Tan iyo markii uu billowday wareegga cusub ee iska horimaadyada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, Urdun waxay noqotay mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee ay beegsadaan weerarrada Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan.
Wargeyska The New York Times oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan millitariga Maraykanka ayaa sheegay in tobannaan askari ay ku dhaawacmeen, islamarkaana dhowr diyaaradood oo nooca qummaatiga u kaca ah ay waxyeello ka soo gaadhay weerarradii ay Iiraan toddobaadkii hore ku qaadday saldhig millatari oo Maraykanku ku leeyahay Urdun.
Madaxweyne Trump: Iiraan "waa ay ka qoomamayn doontaa" haddii la dilo askari qudha oo Mareykan ah
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay bixin doonto qiimo labanlaaban haddii ay disho askari Mareykan ah.
Qoraal uu Isniintii ku daabacay bartiisa Truth Social ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay in uu tilmaamahan u gudbiyay Wasiirka Dagaalka Pat Hegseth, Madaxa Taliyeyaasha Iskudhafka ah ee Ciidanka Mareykanka Dan Kaine, iyo dhammaan saraakiisha ciidanka.