Ergeyga Mareykanka oo la sheegay inuu wasiirrada Soomaaliya, Eritrea, iyo Masar kala hadlay amniga gobolka

Bidix ilaa midig: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, La-taliyaha Sare ee Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Dalalka Carabta iyo Afrika Massad Boulos, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Osman Saalax.
Qoraalka sawirka, Bidix ilaa midig: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, La-taliyaha Sare ee Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Dalalka Carabta iyo Afrika Massad Boulos, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Osman Saalax.
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaa la sheegay in La-taliyaha Sare ee Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Dalalka Carabta iyo Afrika, Massad Boulos, uu wada-hadallo la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Ereteriya iyo Masar, kuwaas oo ku saabsanaa xoojinta amniga Geeska Afrika.

La-taliyaha sare ee Maraykanka, oo Qaahira kula yeeshay kulammo gooni-gooni ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ereteriya Osman Saalax, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay inay ka wada hadleen nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Waxaa xusid mudan in wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar iyo Ereteriya, kadib kulankoodii Qaahira, ay sheegeen in arrimaha amniga iyo maamulka Badda Cas ay khuseeyaan oo keliya dalalka xeebaha ku leh Badda Cas.

Ergeyga Maraykanka ayaa farriin uu Axaddii ku daabacay bartiisa X ku tilmaamay wada-hadalladii uu la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda inay ahaayeen "kuwo miro-dhal ah."

Isagoo ka hadlayay kulankii uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayuu sheegay inay ka wada hadleen amniga gobolka, iskaashiga laba geesoodka ah, iyo sidii si wadajir ah looga shaqayn lahaa xoojinta xasilloonida gobolka.

Waxaa kale oo uu xusay in wada-hadallada siyaasadda gudaha ee Soomaaliya ay ka mid ahaayeen ajandayaasha laga hadlay.

Kulankii uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ereteriya ayuu sheegay inay si gaar ah uga wada hadleen xaaladda adag ee gobolka.

Waxa uu intaas ku daray: "Waxaan falanqaynay fursadaha lagu xoojin karo iskaashigayaga dhinacyada ganacsiga, kobaca dhaqaalaha gobolka iyo arrimaha amniga."

Massad Boulos ayaa sidoo kale sheegay in wakhti kasta oo ka badan hadda ay muhiim tahay dadaal wadajir ah, isagoo intaa ku daray: "Waxaan si buuxda u garawsannahay qiimaha ay leedahay in si wax-ku-ool ah oo iskaashi ku dhisan loo wada shaqeeyo."

Isagoo ka hadlayay kulankii uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ereteriya, ayuu sheegay inay ka wada hadleen sidii si wadajir ah loogu xallin lahaa colaadaha gobolka, loo hirgelin lahaa nabad iyo xasillooni waarta, isla markaana loo horumarin lahaa Badda Cas iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Badda Cas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Badda Cas
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kulankii uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, ayuu sheegay inay ka wada hadleen xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Masar.

Waxa uu sidoo kale xusay in wada-hadalladooda ay ku jireen arrimo goboleed oo labada dhinac mudnaan siinayaan, isagoo sheegay in Masar ay tahay xulafo muhiim u ah Maraykanka dadaallada lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo barwaaqada Bariga Dhexe iyo Afrika.

Boulos ayaa sidoo kale tilmaamay in Maraykanka iyo Masar ay dan wadaag ka leeyihiin arrimaha Liibiya, Suudaan iyo Lubnaan, marka laga soo tago Geeska Afrika.

Waxa uu muujiyay kalsoonida uu qabo in Maraykanka iyo Masar ay sii wadi doonaan wada shaqaynta dhow si Geeska Afrika uu u noqdo gobol ka xasilloon oo ka barwaaqo badan.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa hore u shaaciyay inuu Qaahira kula kulmay wasiirrada arrimaha dibadda ee Ereteriya iyo Soomaaliya, halkaas oo ay uga wada hadleen arrimo la xiriira gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ereteriya Osman Saalax iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty ayaa shaaciyay inay ka wada hadleen xoojinta "iskaashiga istaraatiijiyadeed" ee u dhexeeya labada dal, iyo sidii ay isku waafajin lahaayeen mowqifyadooda ku aaddan arrimaha ay wadaagaan.

Masar iyo Ereteriya, oo bishii hore ee May kala saxiixday heshiis ku saabsan dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee Badda Cas iyo isku xirka dekedaha, ayaa hore u sheegay in arrimaha la xiriira Badda Cas ay khuseeyaan "oo keliya dalalka xeebaha ku leh Badda Cas."

Labada dal ayaa sidoo kale lagu xasuustaa inay sheegeen in Badda Cas ay leedahay "xiriir toos ah oo la leh amniga qaran ee dalalka xeebaha leh", isla markaana "dal aan deris la ahayn Badda Cas uusan ku lug yeelan arrimaha la xiriira Badda Cas."

Masar, Ereteriya iyo Soomaaliya ayaa marar badan sheegay inay xoojinayaan iskaashigooda dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee ku saabsan arrimaha Geeska Afrika.

Kadib markii Itoobiya ay shaacisay rabitaankeeda ah inay hesho marin badeed, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Safiir Nebiyat Getachew, ayaa hore u sheegay in Masar ay u dhaqmayso "qaab u eg go'doomin ama hareerayn."

Masar, Ereteriya iyo Soomaaliya ayaa laba sano ka hor magaalada Asmara ku dhisay iskaashi saddex geesood ah. Waqtigaas, saddexda dal waxay lahaayeen khilaafaadyo kala duwan oo ay la xiriiraan Itoobiya:

Masar waxay ka walaacsanayd Biyo-xireenka Dib-u-dhalashada Itoobiya (GERD),

Ereteriya waxay ka jawaabaysay arrinta dalabka Itoobiya ee marin badeed,

Soomaaliya waxay ka soo horjeedday heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin ujeeddada ugu weyn ee kulanka saddexda dal ay ku yeesheen Qaahira, haddana arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas waxay Itoobiya u aragtaa kuwo la xiriira amnigeeda iyo jiritaankeeda qaran, sida ay sheegtay.