Mataano sameynaya tijaabo seyniseed oo 10 sano jirkooda ku socota

Xigashada Sawirka, BBC Reel
Muddo 10 sano ah, mataanaha Hugo iyo Ross Turner waxay wadeen tijaabo iyo baaritaan isboorti.
"Qeyb weyn oo ka mid ah shaqadeenna waxay ahayd inaan jirkeenna diyaarinno. Maaddaama aan nahay mataano, waxaan is barbar dhigi karnaa istaraatiijiyadaha kala duwan amaba cuntadeenna isla markaana waxaan ogaan karnaa waxa noo fiican," ayuu yiri Hugo.
Mataanaha ayaa go'aansaday inay tijaabiyaan nooca cuntada u fiican iyaga.
Waxay xitaa ka qeyb galayaan dhowr daraasadood oo ay sameeyeen koox khubarro ah oo ka tirsan waaxda baaritaanka Gemini ee King's College London, UK.
"Waxaan dooneynaa inaan isticmaalo habka mataanaha, si loo tijaabiyo saameynta cuntada oo aan aragno sida shakhsiyaadkaas ay uga falcelinayaan noocyo kala duwan oo cunto ah," ayuu yiri bare Tim Spector.
Muddo 12 toddobaad ah, walaalaha Turner ayaa la kala fogeeyay: Hugo ayaa bilaabay cunitaanka cunto khudrad laga sameeyay, halka Ross uu sii waday cunidda cunto ku saleysan hilib iyo caano.
Labadooduba waxay helayeen isla xaddiga calories maalintiiba waxayna sameynayeen tababar jireed oo isku nooc ah intii ay socotay muddada tijaabada.
Farqiyada u dhaxeeya
Hugo ayaa sheegay inuu aad ula dhibtooday la qabsashada jadwalkan cusub.
"Toddobaadyadii ugu horreeyay, waxaan doonayay inaan cuno hilib, caano iyo farmaajo. Cuntadeyduna waxay la xiriirtay khudrad iyo noocyo looska ka tirsan," ayuu yiri.
"Dhanka kale, waxaan cunayay cunto aan la warshadeyn, taas oo micnaheedu yahay in heerka sokorta dhiiggeyga ay ahayd mis xasiloon waxaana maalintii oo dhan dareemayay inaan dheregsanahay," ayuu yiri.
"Waxaan sidoo kale u muuqday qof tamar badan leh," ayuu yiri.
Ross ayaa sheegay inuu sidoo kale la kulmayay caqabado.
"Mararka qaar tamar badan baan lahaa mararka qaarna tabar darri ayaan dareemayay," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bare sare Spector ayaa aaminsan in khibraddan ay sababeyso in faham wanaagsan laga qaato sida uu jirku u qaato cuntada iyo sida uu qof walba uga falceliyo, xitaa haddii ay yihiin labo qof oo mataano ah.
Kala duwanaanshahan ayaa sidoo kale lagu arkay mataanaha kale, iyadoo qeyb ka ah daraasadda ay sameeyeen baaraha iyo kooxdiisa kale ee King's College.
"Waxaan rumeys nahay inay suurtogal tahay in mid ka mid ah waxyaabaha hiddo-sidaha aan la xiririn ay sababayaan natiijooyinkan," ayuu yiri Spector.
Waxa loo yaqaanno intestinal flora, ama gut microbiota, waa nooc tarilyan bakteeriya ah iyo walxo kal eoo ilma qabato ah oo ku nool dheefshiidka door muhiim ahna ka cayaara qeybo badan oo jirkeenna ka mid ah.
"Haddii [walxaha il ma qabatada ah] si fiicna loola tacaalo, waxay soo saari doonaan kumannaan kiimiko ah oo toosinaya qaab dhismeedka jirkeenna," ayuu yiri.
"Waxyaabahan kiimikada leh ayaa difaaca jirka ka caawiya inay la dagaallamaan caabuqa ayna gaaraan maskaxda, waxayna naga dhigaan kuwo dheregsan," ayuu yiri.
Mataanaha ayaa keliya 25-30% isaga mid ah gut flora, sida uu qabo Spector. Taasina waxaa laga yaabaa inay tahay sababta ay si kala duwan uga falceliyaan cuntada.
Sidee loo hagaajiyaa caafimaadka dheefshiidka
Spector ayaa inoo sheegaya afar tallaabo oo muhiim ah oo lagu joogteynayo isu dheellitirnaanta jirka.
"Tan ugu horreysa waa in la cuno 30 shey oo dhir ka sameysan toddobaadkiiba," ayuu ku taliyay.
Tan waxay noqon karnaa afar ilaa shan mar oo aad maalintiiba cunto digirta misirta iyo khudaar.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tan labaad, waa muhiim in la doorto dhirta ay ku jiraan maaddooyinka polyphenols, oo cuntooyinkan siiya midabka furan ee ay leeyihiin amaba kharaarka yar ee ku jira," ayuu yiri.
Cuntooyinkaas waxaa ka mid ah kabeejka midabka purple-ka leh, karootada iyo canabka noocyadiisa (strawberry, raspberry, blueberry), noocyada liinta (lemon, orange, tangerine), noocyada looska,kafeeyga, iyo shukulaatada aan macaanka badan lahayn.
Tallaabada saddexaad ee uu soo jeediyay Spector waa cunidda waxyaabaha probiotics-ka.
Kuwani waa noocyo cuntada ka mid ah oo wata walxaha il ma qabatada ah ee ka qeyb qaata isu dheelitiridda jirika.
Cuntooyinkaas waxaa ka mid ah ciirta.
"Ugu dmabeyn, waa muhiim in in la iska daayo cuntooyinka la warshadeeyay," ayuu yiri baraha.











