Bangladesh oo u dabaal dagaysa xorriyadii ay dagaalka kaga qaadatay Pakistan konton sano ka hor

.
Qoraalka sawirka, .
Published

Maata waxa dalka Bangladesh u dabaal dagayaa 50 guurada xorriyadiisa markii ay ka adkaadeen ciidamadii Pakisatan ee oo markii ay muddo sagaal bilood ka hor dagaalkaas ah ku dhawaaqday madax bannaanideeda ay Pakistan weerartay.

Aad baa loogu damaashadaadayaa xorriyadaas dalkaasi konton sano ka hor gaadhay oo ay u bixiyeen maalintii guusha. Waxaana xalfladaha la dhigayo ka qayb galaya wufuud ka socda dalka Inida oo ciidankiisu waagaa dagaalka ka qayb galay iyaga oo gacansiinayey Bangladesh.

Qoraalka Muuqaalka, Qaxootiga Rohingya ee Bangladesh ku u qaxay

Dagaalka oo socday muddo sagaal bilood ah ayaa waxa uu ujeedkiisa ahaa in Bangladesh ay ka xorowdo Pakistan waxaana ku daatay dhiig badan.

Deegaankaan oo looga hadlo luuqada Bengali ayaa waxaa Ka hor inta aysan ka xoroobin Pakistan la oran jiray bariga Pakistan.

Taageerayaasha dhaqdhaqaaqii Bangaladesh Awami League waxay dileen tobanaan kun oo rayid ah oo ay shakiyeen daacadnimadooda, hase yeeshee xadgudubyada iyo dambiyada dagaal ee ciidamada Pakistan ayaa aad uga baaxad weynaa.

Qiyaas ahaan waxaa dagaalkaasi ku dhintay inta u dhaxaysa saddex-boqol- kun iyo saddex milyan oo qof. Ka dib markii ay rabshaduhu cirka isku sii shareereen milatariga Hindiya ayaa soo farageliyay dagaalka bishii deceember ee 1971-gii waxayna taasi horseedday in 16-kii isla bishaas ay is dhibaan milatariga Pakistan.

Munaasabadda maanta ee lagu xusayo sannad guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay dagaalka ay maalaayinta ku naf-waayeen waxaa marti Sharaf ka noqon doono madaxweynaha Hindiya Ram Nath Kovind. Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqan doona xuska geesiyaashii dagaalka ee ka dhacaya xarunta baarlamaanka.

Geesiyaasha maalinta xorriyada la xuso taariikhdooda waxa ka mid ah duuliye u dhashay dalkaas oo la odhan jiray Mutiur Rahaman. Waxaana lagu xusaa arin dhacday 20 Ogost 1971.

Duuliye da'yar oo reer Pakistan ah, oo la oran jiray Rashid Minhas ayaa soo kaxeeyay diyaarad nooceedu ahaa T-33 oo ah kuwa tababarka lagu sameeyo. Wuxuu sameynayay duullimaadkiisii labaad oo uu uga kacayay saldhigga ciidamada cirka, Mauripur, ee magaalada Karachi, xilli duhur ah.

Markii uu gaaray meesha ay diyaaradda cagaha ka qaaddo, waxaa istaajiyay duuliye ku xigeenkiisii u qaabilsanaa amniga duullimaadka, oo lagu magacaabi jiray Labo xiddigle Matiur Rahman.

Joojinta noocaas ah waxaa marar badan lagu sameeyaa duuliyeyaasha cusub ee maraya xaaladaha la xiriira sida diyaaradaha dagaal loo duuliyo.

Minhas wuxuu moodayay in loo joojiyay si loo hubiyo xaaladda ka hor inta uusan diyaaradda dhulka uga qaadin cagaha. Balse Matiur Rahman ujeeddo kale ayuu lahaa.

Matiur Rahman iyo kooxdii ay isla shaqeynayeen

Xigashada Sawirka, Bangladesh Defence

Qoraalka sawirka, Matiur Rahman iyo kooxdii ay isla shaqeynayeen

Matiur waxa uu ahaa askari u dhashay Bangladesh, mana uusan ku faraxsaneyn ficillada ay militariga Pakistan ka wadeen magaalada Dhaka ee caasimadda u ah Bangladesh.

Isaga iyo saaxiibkiis Sadruddin waxa ay qorsheynayeen in ay diyaaradda ula baxsadaan dhinaca waddanka Hindiya. Dowladda Pakistan way ka war heysay qorshahaas.

Markii ay jirtay saansaantii dagaalka Hindiya iyo Pakistan, ayaa duuliyahaas oo ay wehlinayeen askar kale oo reer Bangladesh ah laga dhigay kaaliye oo qaabilsan dhinaca badbaadada duulimaadka.

Taariikh yahanka wax ka qora ciidamada cirka ee Pakistan, Kaiser Tufail, ayaa ku qoray buuggiisa "Bluebird 166 waa la afduubtay" in askarta ka soo jeedday Bangladesh ee ku sugnaa Karachi ay garowsadeen in sirdoonka Pakistan ay ku raad joogeen, maadaama uu jiray tuhunka afduubka diyaaradda.

Sidaas darteed, Matiur Rahman wuxuu sii waday saaxiibtinnimada uu la wadaagayay askarta kale ee saldhigga joogtay. Laakiin wuxuu ka shaqeynayay sidii uu diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee Pakistan ugu afduubi lahaa dhanka Hindiya.

Markii hore qorshaha waxa uu ahaa in la qafaalo hal ama labo diyaaradood oo ah nooca F-86 Saber, balse waxaa laga cabsaday in laga shakiyo ka hor inta aan tallaabada lagu dhaqaaqin.

Suurtagal ma ahayn in la afduubto diyaaradda labaad haddii aan garab laga helin ciidanka ku sugnaa saldhigga. Markaas kaddib ayaa la go'aansaday in la afduubto diyaaradda tababarka ee T-33, taas oo aadeysay howlgal carbis ah oo kaligeed ah.