Zakaria Boutros: Khilaaf iyo su'aalo ka taagan Masar ka dib markii dib loo baahiyey muuqaalo "aflegaado ah"

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA
Kicinta khilaafku kuma cusba wadaadkan hore ee Sakariya Boutros, taas oo Masaaridu ku yaqaaneen, tan iyo sannadkii 2000, in barnaamijyo diimeed uu ka sii daayo telefishanka.
Boutros ayaa la waayay in muddo ah, dadkana waxay iloobeen hadaladiisa ka hor inta aysan dhowaan ku soo laaban safka hore, taas oo kicisay mowjad faallooyin cadho leh oo kallifay in Kaniisadda Coptic ay ka hadasho.
Haddaba Waa kuma Sakariya Boutros? Maxay yihiin se muuqaalada la baahiyey?
Saacadihii la soo dhaafay hashtag-ga "Rasuulkii Alle mooyee" iyo "Ha la ciqaabo Zakaria Boutros" ayaa qabsaday diiwaanka hal ku dhig-yada ugu caansan Masar iyo tiro ka mid ah dalalka Carabta.
Arrintan ayaa timid ka dib markii la faafiyay muuqaal laga soo duubay wadaadkaa hore ee Masiixiga ahaa, ee Zakaria Boutros, kaas oo ay ku jireen hadallo ay dad badan u arkayeen kuwo meel ka dhac ku ah Nebi Maxamed NNKH.
Taas waxay keentay in Youtube-ka uu tirtiro muuqaalkii sababay faafitaanka hashtagyadan cadhada leh balse waxa hada lagu baahiyay website-yo kale taas oo keentay su'aalo badan.
Faallooyinka ka soo yeedhaya hormuudka shabakadaha isgaadhsiinta waxay sii wadeen cambaareynta iyo in ay dalbanayaan in Boutros maxkamad la soo taago halka qaarkood ay ku baaqeen in aan la gelin dabinka fidno abuurka ah iyo kala qaybinta ah.
Dadka reer Masar ee ku kala duwan aragtiyaha diimeed ayaa se si isku mid ah u cambaareynaya weedhahan, sidoo kalena dhaleecaynaya xagjirnimadu nooc kasta oo ay tahay.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka Instagram boggan
Sidee ayuu muranka ku bilowday?
Zakaria Boutros wuxuu inta badan sababaa khilaafyo badan oo la xidhiidha mawqifyada uu ka taagan yahay diinta Islaamka, balse waxaa jira dad aaminsan in ay jiraan dhinacyo si badheedh ah dib ugu soo celinaya hadaladiisa si ay u kiciyaan ra'yiga bulshada, ugana mashquuliyaan dareenkooda si maalinle ah.
Waxa ay u muuqataa in cajalada la faafiyay ay tahay mid hore sida ay dadka u ololeeya ku tilmaameen in uu soo bilowday in ka badan 10 sano ka hor, xiligaas oo Boutros uu ku soo bandhigayay barnaamij ka baxayay Kanaalka diinta masiixiga oo loo xidhay eed ah in uu baahiyo fadeexaynta Islaamka iyo Muslimiinta.
BBC-da way u suuroobi wayday inay xaqiijiso macluumaadkan, hase ahaatee marka muuqaalkan lagu baadho tiknoolajiyada lagu ogaado goorta la duubaye ee Google-ka, waxa lagu ogaaday in muuqaalku yahay mid hore.
"Al-Faadii" waa Kanaal uu furay Zakaria Boutros, sannadkii 2011, ka dib markii uu si kama dambays ah looga joojiyey kanaanlka "Al-xayaat" ee diinta Masiixiyadda faafiya.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 3
Si dhab ah looma oga cidda ka danbeysa dib u baahinta muuqaaladaa hore ee Boutros.
Qaar badan oo ka mid ah xirfadlayaasha warbaahinta Masar ayaa qayb badan oo ka mid ah barnaamijyadooda iyo bogaggooda internet-ka, in badan kaga hadlay arintan oo ka digay isku dayga la doonayo in fidno lagaga dhex abuuro Muslimiinta iyo Masiixiyiinta Masar.
Wariye Mohamed El Desouki ayaa qoray: "Waxaa soo baxaya qorshe fool xun oo ujeedadiisu tahay in lagu carqaladeeyo dalka oo lagu celiyo in kooxo kooxo la noqdo " isagoo raaciyay in difaaca Nabiga SCW "aanu sabab u noqon af lagaadaynta dadka kale".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 4
Kaniisadda oo ka hadashay
Iyagoo ka jawaabaya faafinta muuqaalladaas, waxay Kaniisadda Masar soo saartay bayaan ay ku diiday Zakaria Boutros waxayna ku nuuxnuuxsatay in ay xidhiidhka u jartay in ka badan 18 sano ka hor.
Kaniisadda ayaa sidoo kale tilmaamtay in Boutros "dhawr jeer soo qortay codsi ah in la siiyo lacagtiisa hawlgabka, ka dib markii laga joojiyay shaqada, codsigiisaana waxaa la aqbalay bishii January, 11, 2003," iyada oo raacisay in "tan iyo wakhtigaasna wax xidhiidh ah lama uu lahayn kaniisadda Orthodox-ka Masar haba yaraatee."
Dhawr ka mid ah siyaasiyiinta Coptic-ga iyo kuwa diinta ayaa sidoo kale cambaareeyay weedhaha wadaadkaa hore, waxaa ka mid ah ciyaaryahankii hore ee kubada cagta, Hani Ramzy iyo xildhibaan Siham Bishayi oo qoraal ay soo dhigtay Facebook ku muujisay sida ay u diidan tahay habdhaqankaa lagu xad gubayo sumacadda diinta, waxaanay ku baaqday "in lagu daydo Masiixi oon dheg loo dhigin hadalada Boutros."
Laga soo bilaabo 2003, Zakaria Boutros wuxuu caan ku ahaa barnaamijyo uu ka siid daayo telefishanka "Al-xayaat" kuwaas oo caan ku ahaa dhalleeceynta Islaamka, taas oo keentay in dad badan ay dalbadaan in la maxkamadeeyo.
Sannadkii 2009, qareen Masari ah ayaa digniin u diray Ra'isal wasaare Axmed Nadiif iyo Baadarigii kaniisadda Coptic-ga, Shenouda III, oo uu ku yidhi "waa in Zakaria Boutros lala xisaabtamo lagana joojiyo shaqada."
Barnaamijka Boutros ee ka baxayay TV-ga Al-Xayaat ayaa la joojiyay sannadkii 2010-kii, ka dib na wuxuu furtay kanaal cusub sannadkii 2011-kii oo xaruntiisu tahay dalka Mareykanka, halkaas oo uu ilaa hadda degan yahay.
Archdiocese-ka Los Angeles ayaa uga digtay dadkeeda in ay wax xidhiidh ah la yeeshaan sida lagu sheegay bayaanka Kaniisadda Masar

















