Dhaqaalaha: Sida aad u fikirto ayaa faqriga kuugu wacan

Published

Adigoo internet-ka isticmaalaya ayaad arkeysaa dukaan wax xayeysiinaya kaddibna waxaad jecleysaneysaa inaad iibsato waxaas.

Waxaa suuragal ah inuu yahay sheey xoogaa qaali ah oo ka badan lacagta kuugu jirta akoonka, balse waxa uu islamarkiiba kuu noqonayaa waxa ugu weyn adduunka ee aad sida ugu dhakhsiyaha badan ugu baahan tahay.

Waxaad is dhaheysaa, 'ka warran haddii uu qiimaha sare u kaco?' 'Maxaa dhacaya haddii uu ka dhammaado suuqa?'

Niyaddaada waxay durbadiiba kuu sheegeysaa inaad madaxa ka sameyso xisaabta lacagta aad kusoo iibsan lahayd waxaas. Xitaa uma baahnid inaad kaarka bangiga macluumaadkiisa qortid, maadaama uu horayba ugu sii diyaarsanaa kumbuyuutarka.

Maalmo yar kaddib waxaad soo istaageysaa meel cidlo ah, adigoo wax lacag ah aysan jeebkaaga ku jirin, ama sidaas kaba sii daran oo deymo lagugu leeyahay.

Sannadihii dambe, daraasado laga sameeyay habdhaqanka isticmaalka dhaqaalaha iyo sida ay dadku u fikiraan marka ay timaado istcmaalka lacagta, ayaa muujiyay in uu si joogto ah u dhaco fikirka khaldan ee aan ku waxyeelleyno dhaqaalaheenna.

Balse waa kuwee khaladaadka ugu badan ee aan u sameyno dhinaca maaliyadda? Sideese uga badbaadi karnaa "dabinka" ay noo dhigto maskaxdeenna?

Qaabka ugu habboon waa inaan fahanno waxa ay ka hadlayaan daraasadahan iyo inaan baranno cashirka ay naga siinayaan habka aan u wajaheyno nolol maalmeedkeenna.

Ma tahay qof xisaabtama?

"Qaab dhaqameedka loo isticmaalo dhaqaalaha ayaa muddo dheer dadka ka dhigi jiray kuwo ku xisaabtama maskaxdooda, dabacsan, oo doonaya inay sare u qaadaan xaaladdooda, faa'iidadooda dhaqaale iyo kobcinta hantidooda," ayay tiri Barfasoor Renata Taveiros, oo ka tirsan hay'adda ka shaqeysa hab fikirka dhaqaalaha ee FIA oo fadhigeedu yahay waddanka Brazil.

Go'aan qaadashada miyir la'aanta ah, oo dadka aysan fahansaneyn, waxaa lagu tilmaamay dhaqaale khasaarin, sida ay qeexday daraasaddu.

Balse dabayqaadii 1970-meeyadii, koox cilmibaareyaal ah ayaa shaaca ka qaaday horumar weyn oo laga gaaray habka dhaqaalaha ee la xiriira go'aan qaadaashada. Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyayna waxaa socday cilmi baarista lagu hayay mowduucaas.

Baro sida naftaada loogu dhaho 'maya'

Ugu horreyn, ma xuma inaad fikirto iyo inaad dareen maskaxeed yeelato. Kuwaasi waa sababaha keena inaan noolaanno kana shaqeyno waxa u wanaagsan nafteenna.

"Xulashada dabiiciga ah waxay naga dhigtay dad leh sabab ay u noolaadaan, mana aha arrin xun markii dhankaas laga eego, sababtoo ah taasi waxay heerka ugu sarreysa gaarsiineysaa dadaalka aan qaybta uga nahay horumarka dunida. Haddii aad noqoto qof aan damqasho lahayn waxaad meesha ka saareysaa naxariista dadka kale," ayuu yiri Álvaro Machado Dias, oo ah bare ka tirsan jaamacadda Sao Paulo.

Hase yeeshee waa xaqiiqo in dareenka noocaasi ah laftiisa uu noo horseedo khaladaad aad u waaweyn, kuwaasoo sabab u noqda inaan dambiileyaal noqonno ama deymo badan nalagu yeesho.

Sidaas darteed waxaan u baahan nahay cashirrada la xiriira xakameynta go'aan qaadashada iyo fikirka dhinaca dhaqaalaha. Waxaan markaas ka adkaaneynaa dareenka nagu hoggaaminaya go'aannada khaladan.

Xeeladda ugu horreysa ee lagu barayo waa mid sahlan marka la sheegayo, balse xoogaa way adag tahay marka ficil loo baddalayo.

"Ha sameynin wax ay maskaxdaada si kadis ah kuugu amartay adigoo marka hore aan qiimeyn ku sameynin waxa ka dhalan kara. Isku day inaad fahanto saameynta ay arrintaas ku keeneyso mustaqbalkaaga, dhaqaalahaaga iyo rabitaankaaga. Inaad naftaada ku dhahdo 'maya' waxay la mid tahay adigoo cunug yar u diidaya wax aan u wanaagsaneyn, way adag tahay balse faa'iido ayay yeelan kartaa," ayuu yiri Álvaro.

Sidoo kalena, baro marka aad naftaada siineyso fasaxa, oo ah xilliga aad waxyaabo badan xeerisid, una aragtid inay khasab tahay tallaabo kharash gareyn ah.

Sida ay sheegeyso Renata Taveiros, mid ka mid ah waxyaabaha lagaa doonayo inaad sameyso waa in aad ka hor imaato rabitaankaaga ku aaddan inaad lacag ku bixiso waxyaabaha laga maarmi karo ee ay naftaada codsaneyso.

Halkii aad ka fikiri lahayd bixinta lacagta ee bilaashka ah, ka fikir inaad keydsato.

Waxaase xusid mudan in dad badan oo aan shaqo fiican heysanin ay ku adkaaneyso inay lacag keydiyaan.

Talada ugu habboon ee ku anfaceysa waa inaad ka fiirsato bixinta lacagaha aad ku iibsaneyso waxyaabaha aan muhiimka kuu ahayn, xitaa haddii aad u maleyso inaadan ka maarmi karin.

Xeelad kale, waa inaadan maskaxda wax ku xisaabinin, oo aadan isku dayin inaad qiil u sameyso iibsashada sheygaas, sababtoo ah wuxuu kaa qaadayaa lacag kuu qaban lahayd waxyaabo kasii muhiimsan waxaas.

Mar walba xasuusnow inaad ka badbaaddo faqriga barito, sidaasna waxaad sameyn kartaa haddii aadan maanta wax khasaarinin.