Malaga yaabaa inuu caalamka ugu qanisanaado waddankan horay uga mid ahaa dalalka ugu saboolsan?

Published

Dalka labaad ee ugu saboolsan qaaradda Koonfur America ayaa qodanaya saliiddiisa, waxaana suurta gal ah in tallaabadaas ay horseeddo inuu dalku galo liiska waddamada ugu qanisan adduunka.

Balse waddankan oo lagu magacaabo Guyana ma ka hor tagi karaa waxa loogu yeero habaarka saliidda, oo ma xaqiijin doonaa in hantidiisa ay si caddaalad ah uga faa'iideystaan dadka muwaadiniinta ah?

"Dad badan wali ma fahansana sida ay arrintan u weyn tahay iyo hantida faraha badan ee laga heli karo", waxaa sidaas yidhi danjirihii hore ee Mareykanka u fadhiyay Guyana, Perry Holloway oo bishii Nofembar ka hadlayay magaalada caasimadda ah ee Georgetown.

"Sannadka 2025-ka dhaqaalaha wuxuu sameyn doonaa kobac dhan 300% ilaa 1,000%. Waa mid baaxad leh. Waxaad noqon doontaan waddanka ugu qanisan qaaradda, waxaana suurta gal ah inaad xitaa noqotaan waddanka ugu qanisan caalamka oo dhan", ayuu yidhi.

'Habaarka Saliidda'

Lacagta waxaa dalkan looga soo dhaweyn doonaa si weyn.

Waddankan, oo horay uu u gumeystay ingiriiska, waa dalka kaliya ee luuqadda ingiriiska looga hadlo guud ahaan qaaradda Koonfur America.

Waxaa ka jirta shaqo la'aan baahsan iyo faqri saameeyay dhammaan qeybaha kala duwan ee dalka.

Laakiin hadda oo keyd shidaal laga helay, waxaa waddankan u digeysa taariikhda.

Dalalkii horay sidan oo kale saliidda ugu helay waxaa la haray musuqmaasuq iyo caddaalad darro. Arrintaasna waxaa loo aqoonsaday magaca ah 'Habaarka saliidda'.

Waxaa la soo tabiyay in hadda uu dalkan ka jiro musuqmaasuq ku baahsan laamaha kala duwan ee dowladda iyo adeegyada shacabka.

Bishii Disembar ee sannadkii lasoo dhaafay, isbahaysiga talada haya ee dalkaas ayaa ku guul darreystay cod kalsooni kala noqosho ah.

Laakiin intii uu ku dhawaaqi lahaa doorasho cusub, waxa uu natiijada la tiigsaday maxkamad. Tallaabadaas ayaana horseedday mudaharaadyo.

Dagaalka xagga sharciga ayaa wali socda, maxkamadda caddaaladda ayaana isbuucan laga dhowrayaa inay dhageysato racfaankii ugu dambeeyay ee laga qaatay kiiskaas.