You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maamulka Joe Biden: Shan caqabadood oo aad u waaweyn oo hor taagan madaxweynaha Mareykanka
Waxaa jirta oraah caan ah oo uu yiri feeryahanka lagu magacaabo Mike Tyson - taasoo ah "qof walba qorshe ayuu leeyahay ka hor inta aan feer looga dhufanin afka" - isla oraahdaas ayaana mararka qaar loo adeegsadaa arrimaha siyaasadda.
Joe Biden waxa uu muddo xileedkiisa madaxweynenimada billaabay isagoo heysta qorsheyaal badan - sida hannaanka kasoo kabashada Covid-19, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, maalgashiga iyo ballaarinta dowladda.
Balse muddo hal bil iyo bar ah oo lasoo dhaafay waxa uu ku dhammeystay isagoo feer afka looga garaacayo.
Heerka ay taagneyd taageerada shacabka ee Mr Biden ayaa hoos u dhacday markii ugu horreysay, kaddib markii ay isbiirsadeen arrimo ay ka mid yihiin buuq ka dhashay go'aankii ciidanka Mareykanka looga soo saaray Afganistan, hubanti la'aan soo food saartay kobaca dhaqaalaha iyo walaac ku aaddan faafitaanka nooca cudurka Covid-19 ee loo yaqaanno Delta.
Dadka taageeradooda hoos u dhigay ayaa u badan kuwa aan xisbi gaar ah taageersaneyn ee ka madaxa bannaan Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga labadaba.
Halka qaar ka mid ah qorsheyaasha madaxweynaha, sida kharashka loo qoondeeyay kasoo kabashada cudurka safmarka ah, ay dhaqan galeen, waxaa jira kuwo kale oo uu shaki badan hareeyay, iyadoo gudaha xisbigiisa Dimuqraaddigana uu ka soco isqabqabsi ku aaddan sida loo wajahayo caqabadaha.
Dhanka kale waxaa cadaadis xoog leh uu ka heystaa siyaasiyiinta xisbiga kasoo horjeeda ee Jamhuuriga.
Hadda oo la filayo in Mr Biden uu kasoo muuqdo shir madaxeedka Golaha Qaramada Midoobay, caalamka iyo dadweynaha Mareykankaba waxay ka dhowrayaan sida uu u maareyn karo caqabadaha waaweyn ee hor yaalla.
Culeysyada heysta madaxweynaha Mareykanka waxay abuuri karaan fursado dib loogu soo nooleeyo siyaasadda, balse sidoo kale waxay keeni karaan khatar weyn oo ku aaddan in laga soo kaban waayo dib u dhaca.
Qorshihii Biden ee 'Dib u dhiska habboon'
Xilli hore oo sannadkan gudihiisa ah, hoggaamiyeyaasha Dimuqraaddiga waxay dejiyeen qorshe labo tallaabo ah oo loogu talo galay in la hirgeliyo kalabarka hore ee waqtiga madaxweynenimada Biden.
Midka hore waxa uu ahaa in la diyaariyo dhaqaalaha ku baxaya dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha. Aqalka odayaasha ee Senate-ka ayaa arrintaas ansixiyay bishii August, haddana waxa uu yaallaa Aqalka.
Waxaa lala sugayaa qaybta labaad ee qorshaha Biden, oo ay ku baxeyso lacag dhan dhowr tirilyan oo doolar, si loogu kharash gareeyo barnaamijyada ay ka mid yihiin xannaanada carruurta, waxbarashada, caafimaadka, xannaaneynta waayeelka, qoysaska iyo deegaanka.
Qaybta labaad waxaa ansixin doona Aqalka Wakiillada ee Congress-ka.
Soo rididda ilmaha uurka ku jira
Arrintan waxaa la filayay inay noqoto mowduuca ugu weyn ee laga doodo sanadka dambe, marka ay maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka billowdo dhageysiga dacwadda ku saabsan in la mamnuuco hannaanka caafimaad ee lagu soo rido ilamaha uurka ku jira wixii ka dambeeya 15 isbuuc.
Balse hadal heynta ayaa sii billaabatay durba, iyadoo dad badan ay diiddan yihiin in dowladdu ay tallaabo u qaaddo dhankaas.
Horaantii isbuucan waxaa dhacay mudaharaadyo lagu taageerayo soo ridista ilmaha, taasoo cadaadiska ku kordhisay madaxweynaha dhowrka bilood xafiiska jooga.
Covid-19
Aqalka Cad ee Biden ayaa in badan ku celcelinayay guulaha uu maamulkooda ka gaaray wax ka qabashada cudurka safmarka ah ee Covid-19. Mararka qaarkood waxay u muuqatay in arrimaha ay u socdeen sidii la rajeynayay.
Bishii July waxa uu madaxweynaha u sheegay shacabka in lagu dhow yahay marxalad lagu dhawaaqi karo "in laga xoroobay" fayraska.
Laakiin waxaa si lama filaan ah usoo baxay nooca fayraska ee lagu magacaabay delta, kaasoo dhaliyay cabsi aad u weyn. Isbitaallada ayaa mar kale dib u buuxamay, iyadoo faafitaan kalena laga baqayo.
Mareykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay qorsheyaal lagu khafiifinayo xayiraadihii adkaa ee dhinaca safarrada lagu soo rogay 18 bilood ka hor, si la isugu dayo in la xakameeyo cudurka safmarka ah.
Dadka tallaalka loo dhammeystiray ee ka imaanaya dalalka Brazil, Shiinaha, Hindiya iyo qaar badan oo ka mid ah waddamada reer Yurub ayaa loo oggolaan doonaa inay u duulaan Mareykanka, laga billaabo bisha November.
Afghanistan
Ka bixitaankii ciidamada Mareykanka ee dalka Afghanistan waxa uu ahaa go'aan taageero usoo jiidayay dowladda Mr Biden iyo hannaankeeda siyaasadeed.
Waxaa durbadiiba kordhayay tirada dadka taageersan madaxweynaha. Inkastoo Aqalka Cad uu filayo taageero haddana wax kasta waxay ku xirnaanayaan mustaqbalka Afghanistan.
Guul darro weyn ayaa maamulka Biden soo wajaheysa haddii Afghanistan ay mar kale hoy u noqoto kooxha Islaamiyiinta ah, islamarkaana ay khatar gasho muwaadiniinta Mareykanka ah ee wali ku harsan dalkaas.
Culeysyo dhinaca diblomaasiyadda ah
Halka Biden uu xoogga saarayo caqabadaha gudaha, dunida inteeda kale meel ismaha fadhiso.
Siyaasadda arrimaha dibadda ayaa la filayay in ay xuddun u ahaato howsha madaxweyne Biden, oo siddeeddii sano ee uu madaxweyne ku xigeenka ahaa ku jiray guddiga arrimaha dibadda. Hase yeeshee khibraddi wax kasta ma fududeyso.
Isbuucii lasoo dhaafay oo kaliya Mareykanka waxa uu lugaha la galay xiisad diblomaasiyadeed kaddib markii uu heshiis la galay Australia, kaasoo sababay in laga baxo heshiis lagula jiray Faransiiska.
Xukuumadda Paris ayaa carootay kaddib markii Australia ay saxiixday heshiiska Aukus oo lagu dhisayo maraakiibta badda hoosteeda quusa oo ku hubeysan nuclear-ka.
Heshiiska Aukus waxa uu abuuray khilaaf weyn oo soo kala dhex galay dalalka reer galbeedka ee saaxiibbada dhow isu ahaa.