You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Aukus: Muxuu yahay muranka hubka ee u dhaxeeya Franasiiska iyo UK?
Wasiirka difaaca ee Faransiiska ayaa baajisay kulan wadahadal ah oo ay la yeelaneysay dhiggeeda dalka Ingiriiska, xilli uu muran weyn ka dhashay heshiis cusub oo dhinaca amniga ah oo dhex maray Britain, Mareykanka iyo Australia.
Xukuumadda Paris ayaa carootay kaddib markii Australia ay saxiixday heshiiska Aukus oo lagu dhisayo maraakiibta badda hoosteeda quusa oo ku hubeysan nuclear-ka, waxaana tallaabadaas ay sabab u noqotay in ay ka baxdo heshiis weyn oo ay kula jirtay Faransiiska.
Ra'iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa sheegay in uusan jirin sabab uu Faransiiska uga walwalo heshiiskaas.
Hase yeeshee, wasiirka gaashaandhigga ee Faransiiska, Florence Parly ayaa ku dhawaaqday in ay baajisay shir ay isbuucan ku ballansanaayeen wasiirka difaaca ee UK, Ben Wallace, oo la filayay inuu London ka dhaco.
Lord Ricketts, oo horay UK ugu soo noqday safiirka u fadhiya Faransiiska, ayaa lagu waday inuu shir guddoomiyo wadahadalka socon lahaa labo maalmood, balse waxa uu xaqiijiyay in shirkii "dib loogu dhigay muddo kale".
'Xiriir saaxiibtinnimo weyn ku dheehan tahay'
Wasiirka Arrimaha Dibadda, James Cleverly, ayaa BBC-da u sheegay "in xiriirka labada waddan uu soo maray xilliyo xiisad hareysay", balse waxa uu intaas ku daray: "Shaki iigama jiro in ugu dambeyn xiriirkeenna aan la leenahay Faransiiska uu kusoo noqon doono si wanaagsan."
Waxa uu sheegay in heshiiska ay wada galeen Australia iyo Mareykanka ay ujeeddadiisu ahayd "in la xoojiyo, islamarkaana la qota dheereeyo" xiriirka dhinaca difaaca ee labada waddan ka dhaxeeyay muddada dheer iyo waliba in la taageero shirkadaha tiknoolojiyadda ee ku yaalla qeybaha kala duwan ee UK.
Heshiiska lagu magacaabay Aukus oo la hirgeliyay isbuucii lasoo dhaafay ayaa si weyn loogu arkaa in uu qayb ka yahay dadaal looga hor imaanayo galaangalka uu Shiinaha ku leeyahay badda la isku heysto ee "South China". Laakiin waxa uu dhanka kale soo afjaray heshiis ay ku kaxeysay lacag dhan $37bn (£27bn) oo sanadkii 2016-kii ay kala saxiixdeen Australia iyo Faransiiska, kaasoo looga gol lahaa in Australia loogu sameeyo 12 markab oo ah nooca biyaha hoostooda gala.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jean-Yves Le Drian, ayaa tallaabadan ku qeexay "toorri dhabarka looga dhuftay" oo ka dhigan "dhaqan aan la aqbali karin oo ay iskula dhaqmeen dalal xulafo ah".
Sidoo kale Faransiiska ayaa qaaday tallaabo aan looga baranin dalalka saaxiibbada ah kaddib markii madaxweyne Emmanuel Macronuu amar ku bixiyay in loo yeero safiirrada Faransiiska u kala fadhiya magaalooyinka Washington iyo Canberra.
Midowga Yurub ayaa sheegay in uu "qiimeyn ku hayo" saameynta uu heshiiska Aukus ku yeelan karo xiriirka ganacsi ee ay la wadaagaan Australia, kaasoo lagu wado in dib loo billaabo bisha October.
Ra'iisul Wasaare Johnson oo hadlayay xilli uu ku sii wajahnaa magaalada New York oo uu uga qayb geli doono shir madaxeedka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Faransiiska uusan u baahneyn inuu "ka walwalo" isbahaysiga, waxa uuna ku adkeystay in xiriirka loo yaqaanno Anglo-French uu yahay mid aan "la burburin karin".
Boris Johnson ayaa sheegay in Britain iyo Faransiiska ay lahaayeen "xiriir saaxiibtinnimo oo qota dheer", kaasoo uu ku tilmaamay "mid muhiimad weyn leh".
"Jacaylka aan u qabno Faransiiska ma aha mid la beddeli karo," ayuu ku yiri suxufiyiinta.
Mr Johnson waxaa safarkiisa ku wehlineysa xog hayihiisa cusub ee Arrimaha Dibadda, Liz Truss, oo iyada lafteeda heshiiskan ku difaacday maqaal Axaddii lagu daabacay wargeyska Telegraph.
Dhanka kale, Australia ayaa difaacday burburinta heshiiskii ay kula jirtay Faransiiska, iyadoo ka door bideysa heshiiska cusub ee Aukus.
Ra'iisul Wasaaraha dalkaas, Scott Morrison, ayaa ku gacan seyray eedeymo Australia loogu jeedinayay in ay been shegetay, isagoo ku adkeystay in Faransiiska looga baahnaa inuu ka warqabo markii ay Australia isku diyaarineysay inay ka baxdo heshiiska.
Heshiiska cusub waxa uu ka dhigan yahay in Australia ay noqon doonto waddanka toddobaad ee caalamka ku heysta maraakiibta badda hoosteeda gala ee ku hubeysan nuclear-ka.
Hubka sida ba'an wax u gumaada ayay horayba u heysteen dalal faro ku tiris ah.
Waddamada isbahaystay ayaa sidoo kale wadaagi doona xogta dhinaca internet-ka iyo qalabka kale ee ku shaqeeya tiknoolojiyadda casriga ah.
Balse waxaa arrintan canbaareeyay dowladda Shiinaha, oo saddexda waddan ee kala ah Mareykanka, UK iyo Australia ku eedeysay inay ku jirto "maskax ku fikireysa Dagaal Qabow".
Manata oo Isniin ahna, dowladda Kuuriyada Waqooyi, oo heysta hubka nuclear-ka aadna isha loogu hayo barnaamijkeeda gantaallda, ayaa ka digtay in arrintan ay kicin doonto "tartan dhinaca hubka nuclear-ka ah".
"Kuwani waa ficillo qallafsan oo khatar ah oo khalkal gelin doona isku dheellitirka istiraatiijiyadda ee gobolka Asia-Pacific," ayaa lagu yiri war ay sii deysay warbaahinta KCNA oo soo xiganeysay sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi.
Yaa heysta maraakiibta nuclear-ka ku hubeysan ee badda quusa?
Dalal dhowr ah ayaa ilaa hadda ku guuleystay inay helaan maraakiibta badda hoosteeda gala ee ku hubyesan nuclear-ka.
Waxay kala yihiin:
Mareykanka, oo heysta 68
Ruushka, 29
Shiinaha, 12
UK, 11
Faransiiska, 8
Hindiya, 1