Sawirro: Fulkaanaha ka qarxay buurta Nyiragongo ee Koongo
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, kumanaan qof ayaa ka qaxay guryahooda ka dib markii fulkaane ka qarxay buurta Nyiragongo oo uu halist galiyey guryahooda magaalada Goma.
Dhamac ka burqanaysa fulkaanaha ayaa daruuro ifaya ku noqday bariga magaaladaas oo ay ku nool yihiin laba milyan oo qof.

Xigashada Sawirka, EPA

Dadku waxay isku dayeen in ay ololka dhadhaabahaa dhalaalay ee ku soo rogmaday ee soo gaadhay qaybo magaalada ka mid ah iyo wadooyinkaba ku bakhtiiyaan biyo.

Xigashada Sawirka, Enoch David/Reuters
Dad dhadhaabaha dhalaalay oo dhamac ah ayaa lagu arkayey oo dhex qulqualaya dhismeyaasha magaalada dhexdooda.

Xigashada Sawirka, Enoch David/Reuters
Dadka magaalada degan ayaa furaashyo iyo maacuun kale la qaxay.

Xigashada Sawirka, EPA

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markay dhamacdaa soo rogmay gaadhay madaarka oo ku yaal bariga magaalada ayaa haatan la sheegayaa in qulqulkii joogsaday.

Xigashada Sawirka, AFP
Kumanaan qof oo ree Koongo ay oo ay ku jiraan dumar, caruur iyo dad waayeel ahi ayaa u qaxay dalka ay jaarka yihiin ee Rwanda.

Xigashada Sawirka, AFP
Waa iyaga oo maacuuntii ay siteen la jiifa dariiqyada magaalada Gisenyi ee xadka labada dal ku taal.

Xigashada Sawirka, AFP
Buurta Nyiragongo waxay ka mid tahay goobaha fulkaanaha ugu badani ka qarxo dunida. Sawirkanina wuxuu muujinayaa muuqaalka oo meel fog laga sawiray dhanka Harada Kivu ee u dhow Goma.












