SEG Plaza: Dowladda Shiinaha oo garan la’ sababta uu u gariiray hal dabaq oo dheer

SEG Plaza

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dhismaha SEG Plaza ee magaalada Shenzhen wuxuu kusoo xigaa 100-ka dabaq ee ugu dheer dalka Shiinaha
Published
Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Guri aad u dheer oo 70 biyaano ah ayaa dadkii ku sugnaa laga daad-gureeyay kaddib markii uu billaabay inuu gariiro, arrintaas ayaana cabsi xoog leh ku dhalisay dadkii dukaameysanayay oo isu buurtay inay naftooda la baxsadaan.

Dhismahan ayaa ku yaalla magaalada Shenzhen ee koonfurta dalka Shiinaha.

Mas'uuliyiinta maxalliga ah ayaa sheegay in aysan wali garaneynin sababta keentay in gurigaas oo dhirirkiisu yahay 300m (980ft) uu gilgisho gelinkii dambe ee maanta oo Talaado ah.

Ma jirin wax dhul gariir ah oo la soo tebiyay xilligaas. Waxaa hadda socda baaritaan ay khubaradu ku doonayaan inay ku ogaadaan sababta.

Dhismahan oo jira 20 sano ayaa saldhig u ah suuq qalabka korontada ku shaqeeya lagu iibiyo iyo xafiisyo.

Wuxuu dhex qotomaa faras magaalaha Shenzhen, oo ah magaalo ilbaxsan oo ay ku nool yihiin in ka badan 12 milyan oo ruux. Waxay magaaladan caan ku tahay suuqyada qalabka korontada iyo warshadaha tiknoolojiyadda.

Muuqaal lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa lagu arkayaa boqollaal qof oo ka cararaya goobta uu ku yaallo dhismahaas wax yar kaddib markii la qeylo dhaamiyay.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

1px transparent line

Wargeyska Global Times ee kasoo baxa Shiinaha ayaa tebiyay in maamulka degmada Tutian ee ay magaalada Shenzhen ka tirsan tahay heleen xog ku saabsan gariirka dhismaha SEG Plaza, macluumaadkaasna ay ka heleen shaqaalaha dabaqa gudihiisa ku sugnaa saacaddu markii ay ku beegneyd 12:31 waqtiga maxalliga ah (05:31 GMT).

Markii la gaaray 14:00, qof walba oo gudaha dhismaha ku jiray waa laga saaray, sida uu tabiyay wargeyska.

Bayaan ay goor dambe soo saareen ayay maamulka dowladda maxalliga ah ku sheegeen in baaritaanno hordhac ah lagu ogaaday "in aysan jirin wax dillaacyo ama tarar ah oo guriga uu leeyahay" sidoo kalena uusan ka muuqanin dhaawac "qeybaha darbiga bannaanka".

Dhismaha SEG Plaza oo la dhameystiray sanadkii 2000 waa dabaqa 104-aad ee ugu dheer dalka Shiinaha, liiska dabaqyada ugu dhaadheer caalamkana wuxuu uga jiraa 212, sida laga soo xigtay golaha xog aruurinta dhismayaasha caalamka, oo macluumaadkooda ku soo bandhiga dhinaca online-ka.

Shenzhen waxaa ku yaalla dabaqa 4-aad ee ugu dheer caalamka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Shenzhen waxaa ku yaalla dabaqa 4-aad ee ugu dheer caalamka

Shenzhen oo ah magaalo isku xirta Hong Kong iyo dhul-weynaha Shiinaha, waa meel astaan u ah cilmiga teknoolojiyadda iyo hindisaha cusub ee waddankaas. Ganacsiyada waaweyn ee xarumahooda dhexe ay magaaladaas ku yaallaan waxaa ka mid ah shirkadaha Tencent iyo Huawei.

Dabaqa Afaraad ee ugu dheer caalamka, oo lagu magacaabo Ping An Finance Centre, dhirirkiisuna yahay 599m ayaa ku yaalla magaaladaas.

Shiinaha ayaa aad loogu yaqaannaa in ay dhismeyaasha ku dumaan. Bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay, hoteel loo isticmaalayay xarun lagu karantiilo dadka uu ku dhacay fayraska corona oo ku yaalla magaalada Quanzhou ayaa dumay, waxaana ku dhintay 29 ruux.