Lix arrimood oo u gaar ah aaska Amiir Philip

Published

Qabanqaabadii ugu dambeysay aaska maanta oo Sabti ah loo sameynaya Amiir Philip ayaa soo idlaatay. Waxaana munaasabadda aasaka barbar socda arrima ay ka mid yihiin cidda ka qayb galeyso, arrimaha isxixiga oo dhacaya ilaa uu aaska ka dhaca iyo arrimaha u gaar ah aaska Amiirka.

Inkasta oo ay ogyihiin shaqaalaha ama ilaalada boqortooyada haddana waxaa jira arrimo la xiriira aaska Amiirka oo u baahan faahfaahinin laga bixiyo.

1) Gaariga Land Rover-ka uu Amiirku jeclaa

Gaariga Land Rover-ka uu Amiirka naqshadeyntiisa iyo dib u habeyntiisaba doorka ku lahaa ayaa maanta oo Sabti ah munaasabadda aaska loo adeegsanayaa. Marka la qorsheynayey gaadiidka aaska Amiirka loo adeegsanaya waxaa soo kormartay in la isticmaalo gaariga Land Rover-ka ah.

Amiirka naqshadeynta iyo diib u habeynta gaarigan noociisu yahay 'Land Rover Defender TD5 130', oo ay sameysay shirkadda Solihull wuxuu waday 16 sano. Wuxuu howshaasi billaabay xilli ay da'diisu ahayd 82 jir wuxuuna dhammeystiray 2019-kii oo ay Amiirka da'diisu gaadhay98 jir.

Gaariga midabkiisa waa cagaar madow ah oo la mid ah nooca ay ciidamadu isticmaalaan. Gaarigaas ayaana naxashaka Amiirka qaadi doona oo geyn doono dhismaha St George's Chapel oo ah halka lagu aaso qoyska reer boqor ee UK.

Wararkuna waxay sheegayaan in sanada badan la qorsheynayey sida loo aasayo amiirka haddii ay geeridiisa kedis noqoto, Amiirkuna wuxuu mar uu boqoradda uu ku yiri: "Gaariga Land Rover-ka naxashkeyga ku qaada oo geeya Windsor."

Cudurka safmarka ee Covid-19 dartiina ma jiri doono socod lagu marayo inta u dhaxeysa Bartamaha London ilaa iyo Windsor oo ah goobta lagu aasayo Amiirka.

2) Gaariga Boqortooyo

Waxaa gaariga boqortooyada ee gaarka ah marki ugu horreysay la soo bandhigay xilli la xusayey boqradda sanad-guuradeeda dahabka oo ku beegnaa sanadkii 2002-dii.

Albaabbada dambe ee gaariga waxaa loo naqshadeeyey qaab boqoradda u sahlaya boqoradda iney istaagto kaddibna ay si dhib la'aan ah ay gaariga uga soo degto, inta gaarigaasi sameyntiisa uu socdayna boqoradda iyo seygeeda haatan geeriyooday ee Amiir Philip waxay marar badan soo muuqdeen iyaga oo isticmaalaya garigaasi gaarka ah.

Gaarigana waa nooca ay xabbaddu karin isla-markaana gaariga gudahiisa hawo fiican oo rakaabka iyo darawalka marxalad kasta gacan ka siinayo ayuu leeyahay. Midabka gaariga dusha sare laga mariyeyna waa madow kaas oo boqortooyada laga isticmaalo.

Gaarigan 'Limousine-ka' ah wuxuu socon karaa xawaara dhan saacaddiba 130 km, taayarrada gaarigana waa nooc aan banjarin oo aad u adag.

3) Dhismaha lagu aaso boqortooyada

Amiir Philip waxaa lagu aasi doonaa kaniisadda St George's ee ku dhex taallo dhismaha Windsor halkaasoo lagu aaso qoyska reer boqor ee geeriyooda. Amiirkana wuxuu si gaar ah uu horay ugu calaamadeeystay halka lagu aasayo.

Sida uu Amiirka amar uu ku bixiyey inta uu noolaa waxaa dhowr madfac oo lagu mamuusaya u ridi doona ciidamada badda uu horay uga tirsanaa.

Ku dhawaad 44 ka mid ah boqortooyada UK ayaa lagu aasay qayb ka mid ah dhulka ay ku fadhido kaniisadda St George's Chapel, waxaana ka mid ah Henry VIII oo geeriyooday 1547-kii, Charles I oo isna qoorta laga jaray 1649-kii, iyo boqorradii qarniga 18aad ilaa iyo 20aad ee kala ahaa Boqorka Geroge III, Gerge IV iyo Geroge V.

Boqoradda walaasheed ka yar Amiirad Margaret oo 2002-dii geeriyootay iyada oo ay da'deedu ahayd 71 jir waxaa sida oo kale lagu aasay isla goobtan.

Balse marki dambe waxaa loo wareejiyey goobta uu ku aasan yahay Boqor Gerorge VI, dhowr toddobaad kaddibna marki ay hooyadeed dhimatay waxaana lagu garab aasay seygeedi dhintay boqor George VI.

4) Garter King of Arms

Amiir Philip marka lagu aaso goobta qoyska reer boqor lagu aaso 'Garter King of Arms' oo ah shaqsiga boqortooyada kala taliya aaska kaddib sida calammada laga yeelayo ayaa ku dhawaqay sida loo maamuusayo Amiir Philip.

Taa micnaheeduna waxaa weeye wuxuu la taliyaha uu akhrinaya xilka Amiirka oo dhammeystiran oo dherer ahaan gaaraya ilaa iyo 133 erey, isaga oo aan ka tageyn xilalki uu qabtay inti uu noolaa. Waxaase joogta ah oo loo boqortooyada laga isticmaalaa ereyga ah 'Sharftaada Boqortooyo ee Sarreysa' ama 'Sharftiisa Boqortooyo ee Sarreysa'.

Qofka xilkaasi hayana magaca iyo maamuus mooyee lacag badan kuma qaato oo waxaa sanadki oo dhan mushaar ahaan loo siiyaa £49 gini oo keli ah. Mushaarka horay u qaadan jiray oo uu go'aamiyey James I waxaa dhimay William IV sanadka marka uu ahaa 1830-kii.

5) Xiddigto Zanzibar ee la yaabka lahayd ...iyo billada kale

Dhismaha St George's ee Amiirka lagu aasayo waxaa lagu soo bandhigayaa billadaha Amiirka inta uu noolaa la guddoonsiiyey kuwoodi ugu mudnaa. Waxaana inta badan billadaha aaskiisa lagu soo bandhigayo horay u soo xulay Amiirka laftiisa..

Xiddiga quruxda badan ee Zanzibar, Amarka qoyska boqortooyada Burunay iyo Amiirka Singapore ee Darjah Utama Temasekwere ee lagu tolay xidiiddada kalluunka, ayaa ka mid ah abaalmarinnada ama billadaha kuwooda ugu mudan.

Waxaana lagu soo warramayaa Amiirka in ka badan 50 dal inuu ka guddoomay abaalmarinno iyo billado. Taasoo la sheegay iney adag tahay dhammaantood in hal goob lagu soo bandhgigo.

6) Amniga iyo arrimaha la xiriira

Qoyska boqortooyada oo ay ka mid yihiin afarta carruur uu ilmaha dhalay, Duke Cambridge iyo Duke Sussex ayaa naxashka daba soconaya, waxaa gadaashoodana soconayaa xubnaha kale ee qoyska. Waxaana dadkaasi kamid ah shaqaalihi u shaqeynayey ee Amiirka u dhawaaoo cunnada iyo cabbitaanka Amiirka u sameeynayey, kuwa dharkiisa ka shaqeynayey iyo kuwa ammaankiisa ka shaqeeynayay.

Xubinka u qaabilsan ilaalada Amiirka iyo Ilaalada khaaska ah ee Amirka, Brigadier Bakewell oo in kabadan 10 sano Amiirka gacantiisa midig u soo ahaa ayaa sida oo kale munaasabadda aaska ka qayb galaya.