You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Shaqaale gargaar oo sheegay in ay arkeen ciidanka Itoobbiya oo laynaya dad shacab ah
Shaqaalaha dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkeen dilkii sharci darrada ahaa ee askarta Ethiopia u geysanayeen afar qof oo rayid ah horraantii toddobaadkan.
Koox ka tirsan MSF iyo laba bas oo dadweyne ayaa askartu joojisay kadib weerar gaadmo ah oo ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee deegaanka.
Rakaabka ayaa lagu qasbay in ay ka degaan baska; afar nin ayaana laga soocay dadka oo la toogtay, sida ay soo werisay MSF
Saraakiisha ayaa sheegaya in eedeymaha ay u jeedisay hay'adda samafalka ee gargaarka caafimaadka la baadhri doono."Ma jiro qof, askartana ha ahaatee, sharciga ka sarreeyaa," ayay BBC-da u sheegtay safaaradda Ethiopia ee London.
Colaadda woqooyiga Itoobiya ayaa qaraxday bishii Nofember markii ay dawladdu qaadday guluf ay xukunka kaga saarayso xisbigii hayay talada gobolkaas ka dib markii dagaalyahannadeedu qabsadeen saldhigyo milatari oo heer federaal ah oo ku yaal Tigray.Jabhadda Xoreynta Shacbiga ee Tigray (TPLF) ayaa khilaaf aad u weyn kala dhexeeyey ra'iisal wasaare Abiy Ahmed kaas oo ku aaddanaa habka mustaqbalka dhow ee nidaamka federaalka ee Itoobiya.
Mr Abiy wuxuu shaaca ka qaaday in iskahor-imaadkaas la soo afjaray dhamaadkii bishii Nofeembar, laakiin dagaalka ayaa ka sii socda qaybo ka mid ah gobolka, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in kumanaan qof la dilay, boqollaal kunna laga qaxiyey guryahooda.
"Waan ka argagaxnay rabshadaha sii socda ee ka socda Tigray," MSF ayaa ku tiri hadal ay soo saartay oo ku saabsan dilalkii kooxdoodu aragtay.
Dhacdadan naxdinta leh waxay sii xoojineysaa baahida loo qabo in la ilaaliyo dadka rayidka ah inta lagu jiro iskahor-imaadkan socda, iyo in kooxaha hubeysan ay ixtiraamaan bixinta gargaarka bani'aadamnimada, oo ay ku jiraan gargaarka caafimaadku.
Maxay MSF sheegatay?
Dilka ayaa ka dhacay waddada isku xidha magaalo madaxda gobolka, Mekelle iyo magaalada Adigrat, sida ay sheegtay MSF.Saddex ka mida shaqaalaheeda ayaa wax ay wateen gaadhi ay si cad u ugu calamaadsan tahay MSF, kaddib markii ay la kulmeen gawaadhi dagaal oo gubanaya
Waxay u muuqatay saacado kaddib weerar gaadmo ah oo koox ciidan ah ay ku qaadeen kolonyo kale oo ciidan.Gaadhiga MSF ayaa la joojiyay, iyadoo ay wehliyaan labada bas ee rakaabkooda lagu amray inay ka degaan.
Haweenka ayaa loo ogolaaday inay ka fogaadaan waxyar uun, ka dib ugu yaraan afar nin ayaa la toogtay. Meydadkooda waxaa lagu arki karay waddada dhinaceeda, ayay kooxdani sheegaysaa.
Kooxda MSF ayaa loo ogolaaday inay baxaan, laakiin kadib waxaa mar kale istaajiyey askarta oo soo dejiyey darawalkoodii, kuna garaacay qori dabadiisasida oo kalena ugu hanjabay inay dilayaan.
"Kooxaheenna ayaa wali la il-daran inay markhaati ka ahaadaan khasaarahan macno darrada nafeed ah ee ka dhashay weerarkan ugu dambeeyay," ayay tiri MSF, iyadoo sheegtay in shaqaalahooda ay ugu dambeyn awood u yeesheen inay dib ugu laabtaan Mekelle.