Dhaqtarad madow ah oo u geeriyootay Covid "kaddib markii cunsuriyad lagula kacay"

Xigashada Sawirka, Facebook
Dhaqtarad ka soo jeedday Indianapolis, dalka Mareykanka ayaa u geeriyootay Covid-19 toddobaadyo kaddib markii ay dhaqtar ku eedeysay in midabkeeda dartiis uu ugu diiday inuu daryeel caafimaad u fidiyo.
Muuqaal ay isaga soo duubtay sariirteeda dusheeda iyadoo ku sugneyd Isbitaalka Indiana University Hospital North, ayay Susan Moore ku sheegtay inay "ku baryootami jirtay" in la daweeyo.
Isbitaalka oo geerideeda ka tacsiyeynaya, ayaa sheegay in eedeymaha cunsuriyadda ay u qaadanayaan si dhab ah balse aysan ka hadli karin bukaanno cayiman.
Dadka madow ayaa khatar sare ugu jira xanuunka Covid marka loo barbardhigo dadka caddaanka ah, sida lagu xusay daraasad.
Dr Moore, oo 52 jir ahay, ayaa Axaddii ku geeriyootay isbitaal kale.
Qoraal ay 4-tii December soo dhigtay barteeda Facebook, ayay ku sheegtay sida uu xanuunkeeda u dhayalsaday shaqtar, ay sheegtay inuu caddaan yahay, inkastoo ay oyneysay oo ay dhibaato ku qabtay neefsashada.
"Xitaa ma uusan dhegeysan sambabbadeyda, ima uusan taaban si kastaba. Wax baaritaan jireed iguma sameyn. Waxaan ku iri iima sheegi kartid sida aan dareemayo," ayay tiri.
War ka soo baxay isbitaalka ayaa lagu yiri "annagoo ah urur ay ka go`an tahay caddaaladda iyo yareynta farqiyada isirka ee daryeelka caafimaad, waxaan eedeymaya cunsuriyadda u qaadannaa si dhab ah waana baarnaa eedeymo walba".
"Waxaan u taagannahay sida ay uga go`an tahay iyo khibradda shaqaalaheenna iyo tayada daryeelka maalin walba loo fidiyo bukaannadeenna," ayaa sidoo kale lagu yiri warka isbitaalka.
Dr Moore waxaa dadaal caafimaad u fidiyay wiilkeeda 19 jir ka ah, Henry, iyo waaliddiinteeda, kuwaas oo la xanuunsan cudurka xusuus la`aanta, sida lagu xusay bog barta GoFundMe laga sameeyay si gacan looga geysto biilka isbitaalka ee qoyska. Boggaas waxaa haatana loogu deeqay lacag ka badan $102,000 (£75,000).
'Tani waa sida dadka madow loo dilo'
Dr Moore ayaa 29-kii November laga helay Covid-19 isbitaalka ayaana la geeyay iyadoo ay heyso qandho aad ah isla markaana matageysa dhiig oo la dhibtooneysa inay neefsato. Balse inkastoo ay laftigeeda dhaqtarad tahay, waxay sheegtay inay ku dhibtootay in daryeel loo fidiyo.
Dr Moore ayaa sheegtay inay codsatay dawada Remdesivir iyo in raajo laga saaro xabadka. Dhaqtarka ayay sheegtay inuu u sheegay inaysan qaadan karin dawada ayna gurigeeda aadi karto.
"Wuxuu i dareensiiyay sida aan daroogiiste ahay," ayay Dr Moore ku tiri muuqaal ay soo dhigaty Facebook. "Wuuna ogaa inaan dhaqtarad ahay. Ma qaato narcotics. Xanuun ayaan dareemayay."
Dr Moore ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay codsatay in loo wareejiyo isbitaal kale. Waa laga bixiyay isla markiiba, balse saacado kaddib ayay ku soo laabatay kaddib markii ay dhiiggeedu uu hoos u dhacay qandhana ay qabatay.
"Tani waa sida dadka madow loo dilo," ayay tiri Dr Moore. "Markaad guriga u dirto isla markaana aysan aqoon sida ay naftooda u difaacaan."
Waxay markii dambe Facebook soo dhigtay in maamulaha isbitaalka uus heegay in shaqaalaha la siin doono tababar. Balse ballanqaad ka yimid dhaqtarka ay cunsuriyadda ku eedeysay oo ahaa inuu raalligelin bixiyo ayaan rumoobin.
"Waxaan sheegayaa oo aan ku celinayaa, haddii aan caddaan ahaan lahaa, intaasi ma mari lahayn," ayay tiri.
Arrinta Dr Moore iyo geerideeda ayaa dhalisay caro ku aaddan farqiyada ka dhex jira hannaanka daryeelka caafimaad ee Mareykanka ee ay wajahaan dadka madow ee Ameerikaanka ah.
Fayraska ayaa aad u saameeyay dadka madow iyo bulsho kale oo laga tiro badan yahay oo Mareykanka ku nool. Madowga Ameerikaanka ah ayaa saddex jeer halis u ah inay u dhintaan fayraska marka loo eego dadka caddaanka ah.











