You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Taiwan: Duuliye shaqada looga eryay in coronavirus uu ku dhacay siina fidiyey
Duuliye reer New Zealand ah ayaa lagu eedeeyay inuu sabab u ahaa gudbinta cudurka 'coronavirus' ee ugu horreeyay ee Taiwan muddo bilooyin ah, waxaana shaqada ka joojisay shirkadda Eva Air ee jasiiradda Eva Air.
Maalintii Talaadada, ka helidii xanuunkan ee duuliyahaas, waxay soo afjartay 253 maalmood oo xidhiidh ah oo ay Taiwan jirtey iyada oo aan la helin kiis maxalli ah.
Qaar ka mid ah howlihii ciida masiixiga ayaa tan iyo markii la hakiyay waxayna dowladda u soo jeedisay dadka inay guryahooda joogaan inta lagu guda jiro sanadka cusub.
Guud ahaan, Taiwan waxay diiwaan galisay kaliya 777 xanuunkaasi qaday iyo toddobo dhimasho.
Duuliyaha laga hadlayo waxaa loo maleynayaa inuu qaaday coronavirus horaantii bishii Diseembar laakiin uuu illaa xilligaaa mid aanay astaamuhu ka soo daahirin.
Duuliyayaashii dib ugu laabtay jasiiradda kadib duulimaadkoodii waxay ku jiri doonaan karantiil muddo saddex maalmood ah laakiin lma baadhi doono ilaa ay muujiyaan astaamo.
Isaga oo aan ka warqabin in uu sido fayraska, ayuu sii waday duulimaadkiisa laakiin waxaa la sheegay in uu durba qufacayay intii uu socday duulimaadkii dambe ee uu ka soo laabtay Mareykanka.
Wuxuu laga helay 20 December.
Markii laba maalmood ka dib, Taiwan ay ogaatay in qofkii ugu horreeyay ee gudaha ah muddaba la helay, mas'uuliyiinta ayaa dib u raacay in haweeneydii cudurka qabtay ee la xidhiidhay duuliyahan.
Hadda wuxuu ku eedeysan yahay inuusan shaacin dhammaan dadkii ay kulmeen ka hor qaadiddiisa
Ninkaan ayaa waxaa la dul dhigay ganaax dhan 300,000 oo doolarka Taiwan ah ($ 10,600, £ 7,900) kadib markii uu si sax ah u sheegi waayey cidaha ay kulmeen.
Eva Air ayaa sheegtay in duuliyaha shaqada looga eryay sababo la xiriira ku xad gudubka mabaadi'da hawlgalka, oo ay ka mid tahay ku guuldarraysiga inuu xirto maaskaro safarradiisa
Marka laga reebo haweeneydaas, waxaa loo haystaa inuu ku dhacay laba ka mid ah asxaabtiisa, duuliye u dhashay Japan iyo mid u dhashay Taiwan.
Maamulada iyo shirkada diyaarada midkoodna lama magacaabin duuliyaha laakiin Eva Air ayaa bayaankeeda ku sheegtay "hab dhaqanka shaqsigaas shaqaalaha ahi wuxuu wiiqay dadaalka qof walba ugu jiro kahortaga cudurrada" wuxuuna ku keenay "dhaawac culus oo sumcadda iyo muuqaalka shirkadda".
Dacwadda cusub ka dib, mas'uuliyiinta ayaa ka fiirsanaya adkaynta shuruudaha nabadgelyada fayraska shirkadda duulimaadyada
Maamulka caafimaadka ayaa baadhay ilaa 170 qof oo xidhiidh la sameeyay haweeneyda cudurka qabtay waxayna ku jiraan karantiil guriga, waxaana lala socdaa astaamaha cudurka inta ay ka soo daahirayaan.
Dukaamadii duuliyihaas iyo haweeneydii ay booqatay waa la jeermiyay iyadoo qofkasta oo sidoo kale booqday dukaanka laga codsaday in la baadho.
Shirkada ay haweeneydu ka shaqeyso ayaa xidhay qolka jimicsiga, maqaaxida iyo makhaayadaha, waxay ka xaddiday shaqaalaha inay wax ka cunaan miiskooda isla markaana laga mamnuuco dadka soo booqanaya inay soo galaan guryaha shaqaalahaas.
Taiwan waxay ka mid ahayd meelaha adduunka ugu guulaha badan la macaamilidda 'Covid-19', oo inta badan loo aaneeyo xakameyntii xuduudaha ee hore, mamnuucidda soo-booqdayaasha shisheeyaha iyo karantiil qasab ah oo loogu talagalay dhammaan dadka reer Taiwan ee dalkooda ku soo noqonaya.
23 milyan oo qof ee jasiiradda ku nool ayaa sidoo kale si firfircoon u soo xirtay maaskarada wejiga, xitaa ka hor intii aan looga baahnayn inay sidaa sameeyaan.