'Geesigii' Biljamka u dhashay ee qabsaday biyaha kalluumeysiga UK

Xigashada Sawirka, Shutterstock
Markii uu Victor Depaepe go`aansaday inuu qabsado England, wuu ogaa inay taasi la micno tahay iska hor imaad uu la galayo ciidamada badda ee boqortooyada. Fekerka ah inuu iska daayo, marna kuma soo dhicin maskaxdiisa - waxay ahayd sannadkii 1963, Yurubna nabad ayay ahayd. Balse Victor wuxuu ahaa nin howlgal u socday.
Markii uu ka soo baxay dekadda Zeebrugge ee Biljamka isagoo wata doontiisa yar, wuxuu keliya ku hubeysnaa taariikh, waxaana ka go`neyd inuu ku dhegganaado xuquuqda saaxiibbadiis kalluumeysatada Biljamka ah.
Wuxuu xitaa farriin u diray Boqoradda iyo ciidamada badda ee ku sugnaa London kahor inta uusan soo bixin, si uu ugu xaqiijiyo in uusan ahayn burcad-badeed: "Waxaan ahay qof Britain aaminsan," ayuu yiri, "Waxaana u imaanayaa saaxiib ahaan."
Victor ma uusan ahayn kabtan buuxa, wuxuu ahaa xisaabiye wanaagsan wuxuuna xubin ka ahaa golaha magaalada Bruges, oo ah xarun qaddiimi ah oo waxbarasho iyo ganacsiga waxayna mar ka mid ahaan jirtay magaalooyinka ugu qanisan adduunka.
Muddo qarniyo ah, Bruges waxay ku xirneyd Badda Waqooyi, waxayna hoy u ahayd koox kalluumeysato ah oo ka shaqeysan jiray biyaha qaniga ah ee xeebta Ingiriiska.

Victor waxaa ka go`neyd inuu ku dhegganaado xaqa Biljamku uu u leeyahay in kalluumeysi uu ka sameeyo isla aaggaas, inkastoo uu fahansanaa in taasi ay dareen weyn ku dhalineyso saaxiibbadiis Britain.
"Waa sida qof ajnabi ah oo beertaada yimid kana goostay ubax," ayuu yiri.
Victor wuxuu la yimid fekradda - uu ugu magac daray Howlgalka Charles II - markii uu dokumenti muhiim ah ka helay Keydka Magaalada Bruges. Wuxuu ahaa heshiis, lagu qoray magaca Boqorka, kaas oo in kalluumeysi laga sameeyo biyaha Kanaalka English u damaanad qaadaya ilaa 50 doomood oo ka yimid Bruges.
Kaddib markii aabbihiis Charles I la dilay, dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee Britain ee u dhaxeeyay boqortooyada iyo baarlamaanka, Charles wuxuu dibadjoog ku noqday Bruges isagoo sugayay in la soo celiyo boqortooyada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixin telefishinka BBC-da uu ka sameeyay qabsashadii Victor Depaepe sanadkii 1963, weriyaha ayaa arrintaas ku tilmaamay inay ahayd xilli "dhaqan xumo aan laga gabban".
Taasi waxaa laga yaabaa inay qeyb ka ahayd sababta uu Charles hammi fiican ugu hayay Bruges, balse waxaa xiiso leh in la ogaado in horraantii Qarnigii 17-aad si fiican loo garwaaqsanaa qiimaha dhaqaale ee ay leedahay in la oggolaado meelaha kalluumeysiga.
Heshiisku wuxuu ahaa mid aan caadi ahayn oo lagu qoray warqad adag oo laga sameeyay maqaarka ariga, wuxuuna tilmaamayay inuu ahaa farriin ka timid Boqorka qudhiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii uu Victor, taabtay dokumentiga, wuxuu ogaaday in heshiiskan oo ahaa sanadihii 1660-meeyadii uu weli taagnaa sanadihii 1960-meeyadii. Wuxuu u howlgalay inuu taas caddeeyo.
Wiilka Victor, Paul Depaepe weli wuxuu ku nool yahay xeebta Biljamka oo aan ka fogeyn Bruges. Wuxuu ku faanayaa in iyadoo wada xaajoodyada ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub looga arrinsanayo arrinta xuquuqda kalluumeysiga, ay dowladda Biljamka dib u milicsatay howlgalkii Victor.
Wuxuu ku faanayaa hindisihii aabbihiis, wuxuuna soo ururiyay taariikh ka warbixineysa sheekadaas. Wax shaki ah kama qabo in dokumentigii uu Victor helay uu ahaa muhiim.
Sida uu sharraxayo: "Marka boqor [ama boqorad] uu soo saaro sharci, keliya boqor kale [ama boqorad] ayaa beddeli karta, sidaas darteedna ilaa iyo hadda ma jiro wax sheegaya in heshiiskan uusan sii shaqeyneyn.
Waxba kama dhihi karno doorka uu heshiiskaas ku leeyahay wada xaajoodyada ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, balse waxaan ognahay in wasaaradda kalluumeysiga ee Biljamka ay nuqul u gudbisay Guddiga Yurub si loogu daro heshiis walba oo la galayo.
Haddii aan dib u milicsanno sanadkii 1963, Victor keliya uma diyaarsaneyn inuu wajaho khatarta ah in la xiro - si niyad ah ayuu u soo dhoweeyay. Waxaa ka go`neyd inuu tijaabiyo sax ahaanshaha heshiiska Charles marka la tago maxkamad Ingiriiska ku taalla. Taasi waxay keliya dhici kartaa marka la xiro ee dacwad lagu soo oogo.
Muwaaddiniinta Bruges way u sacabba tumayeen. Kalluumeysatadu muddo qarniyo ahba waxay ka war hayeen in xuquuqda ka shaqeynta biyaha dal kale ay tahay mid mar walba la beddeli karay amaba meesha laga saari karay.
Sidaas darteed Paul wuxuu sheegay in aabbihiis aad looga jeclaa bulshada kalluumeysatada Biljamka dhexdooda.
"Dekaddii hore ee Zeebrugge, aabbahay geesi ayuu ka ahaa bulshada kalluuemysatada ah dhexdooda, sababtoo ah waxay mar walba ka walaacsanaayeen inaysan ka kalluumeysan karin biyaha Ingiriiska."

Shaqaalihii Biljamka u dhashay way ku farxeen markii ay maqleen warka Howlgalka Charles II.
Victor ayaa shabaaggiisa ku riday biyaha Britain dhanka xeebta Sussex kaddibna sida uu filayayba waxaa xiray ciidamada badda Ingiriiska.
Sidoo kale maxkamad ayaa la soo taagay isagoo ka soo muuqday maxkamadda Lewes iee Bariga Sussex.
Marka ay xaaladdu halkaas mareyso wuxuu qof walba xaqiiqsanayaa in kiiskan uusan ahayn muran kalluumeysi oo caadi ah, isla markaana xisaabiyahan edebta leh ee Biljamka ka soo jeeda uu wax uun maaggan yahay.
Mid ka mid ah wargeysyada Britain ayaa soo xigtay sarkaal Britain ka soo jeeda oo yiri "Isaga ayaa u kululaa in la dacweeyo in ka badan intaan annaga dacweyn lahayn". Sidaas ayayna xaaladdu ahayd - Victor wuxuu doonayay inuu si kama dambeys ah u meel mariyo arrinta sharciga ah ee ku saabsan heshiisyada boqortooyada.

Xigashada Sawirka, Alamy
Murankiisii sharciga ku saleysnaa weli si fiican ayay u xusuustaan bahda kalluumeysiga Biljamka, oo walaacooda ku aaddan ka kalluumeysiga biyaha geyiga Ingiriiska uu sii xoogeystay markii heshiiska ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub uu sii xoogeystay.
Job Shot wuxuu ka shaqeeyaa dekadda Ostende, oo wax yar u jirta xeebta Bruges, wuxuuna toddobaad walba doontiisa Job Senior, u qaataa biyaha qaniga ah ee xeebta Sussex.

Wuxuu soo dabtaa kalluunka noocyadiisa kala duwan. Iyadoo ay xilli adag tahay hadda oo uu jiro Covid-19 (xiritaanka ganacsiga maqaayadaha ayaa hoos u dhac ku keenay qiimaha jumlada), muddo qarniyo ahba qoyskiisu waxay ku tiirsamaayeen kalluumeysiga.
Qoyska Shot waxay biyahaasi ka kalluumeysan jireen tan iyo 1700 - sanado yar kaddib markii Charles II uu soo saaray heshiistaas, Job ayaana sheegay in taariikhiyan murannada kalluumeysiga ay ku saleysnaayeen siyaasado iyo diblomaasiyad. Sida uu sheegay wuu fiican yahay xiriirka kala dhaxeeya shaqaalada Ingiriiska qudhooda, ee ku sugan isla meeshii lagu xiray Victor Depaepe.
"Sida aan arkayo arrintani waa mid siyaasadeed. Aagga aan ka kalluumeysanno weligeen wax dhib ah kalama kulmin nimankaan."
Sida uu qabo Job, heshiis waara oo la gaaro kaddib ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub oo ay ku jiraan bahda Biljamka ayaa ah waxa keliya ee mustaqbal fiican u damaanad qaadi kara isaga iyo qoyskiisa.
Xeebta gaaban ee Biljamka waxay ka dhigan tahay in biyaheedu aysan ku filneyn quudinta bahda kalluumeysiga dalkaas, wuxuuna tilmaamay in Kanaalku uu ka dhaxeeyo Faransiiska iyo Ingiriiska.

Wuxuu sheegay in haddii heshiis muddo dheer ah aan la gaarin, ay taasi noqon doonto dhammaadka shirkaddiisa.
"Marka la mamnuuco in laga kalluumeysto meel 12 meyl u jirta biyaha Ingiriiska aniga way ii dhammaatay - 80% kalluunka waxaan ka helaa biyaha Ingiriiska. Dabcan mustaqbalka ayaan u walaacsanahay - waxaa ii jooga afar wiil oo aan awow u ahay waxayna dhammaantood ii sheegaan inay doonayaan inay noqdaan kalluumeysteyaal. Waxa aan u sheegayo waxay tahay, 'Ma lihidiin mustaqbal sababtoo ah biyaha Ingiriiska waa nalaga xiray?'"

Qofna xiriirka ka dhaxeeya Bruges iyo Ingiriiska uma sharrixi karo si ka wanaagsan sida ay u sharraxayso Beernaert, oo ah taariikhyahanad u shaqeysa Golaha Magaalada Bruges City Council.
Waxay leedahay: "Arrinta Ingiriiska iyo Bruges waa sheeko jaceyl. Ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub waxay nagu ahayd la yaab, balse England waa England - wax muhiim ah"
Brigitte waxay dib u milicsaneysaa haweeney lagu magacaabi jiray Emma of Normandy taas oo qarnigii 11-aad, xaas u ahayd labo boqor oo England ka soo jeeda (Aethelred the Unready iyo Cnut) hooyana u ahayd boqorkii saddexaad (Edward the Confessor). Emma waxay sanado degganeyd Bruges, 1,000-kii sano ee ka dambeeyayna, dad kale oo badan ayaa degay halkaas.

Bruges waxay noqotay mid ka mid ah meelihii ugu horreeyay ee ay dalxiisayaasha casrigan ee Britain ay bilaabeen inay booqdaan, taas oo in muddo ah soo jirtay.
Brigitte waxay sheegtay in dalxiisayaasha booqanaya halkaas ay sidoo kale muhiim u tahay muwaadiniinta Bruges: "Dalxiisayaasha Ingiriiska waxay qeyb ka ahaayeen nolosheenna tan iyo intii aan gabar yar ahaa," ayay tiri. "Sanad kasta waxaa la qaban jiray xafladaha booqashada ee wiilasha iskuulleyda ah ee Ingiriiska u dhashay taasina waa wax aan la qabsannay."
"Ma sawiran karo in dadka Britain ay joojin doonaan imaanshaha Bruges," ayay tiri Brigitte. "Britain ma noqon karto tan naga go`aysa annaga. Way inoo baahan yihiin sida aan annaguba ugu baahannahay."
Isla markaana taariikhdu waa mid muhiim ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Victor waxaa la horgeeyay maxkamadda Lewes isagoo wajahay eedeymo xooggan oo kalluumeysi sharci darro ah.
Arrinta xusuusta mudan ayaana tan ah.
Kaddib markii ay maxkamadeyntu bilaabatay, farriin ayaa ka timid qareennada dowladda taas oo sheegeysa in kiiska si tartiib ah looga laabto, si looga fiirsado.
'Wuxuu ahaa geesi'
Dowladda Britain ma aysan dooneyn inay si shaac ah u tijaabiso sax ahaanshaha Heshiiska Bruges iyo awoodda sharciyeed ee heerka shakhsiyadeed ee ay Boqorrada iyo Boqoradyaashu ku dhex lahaayeen maxkamad furan. Marka loo eego Victor iyo shaqaalaha kalluumeysiga ee Bruges waxay u ahayd khidad ay ku doonayeen oggolaansho.
Wiilka Victor, Paul says ayaa sheegay in kalluumeysatada Bruges ay aqoonsan yihiin guushiisa: "Wuxuu ahaa geesi," ayuu yiri.
Sanadkan dabcan heshiisku waa uun qeyb ka mid ah wada xaajoodyo diblomaasiyadeed oo isku qasan.
















