"Sawirrada geesiyadii ila duubtay ee aan weligey iloobi doonin"

Shaqaale ka tirsan isbitaalka Royal London

Xigashada Sawirka, Peter Pexington

Published

Waardiye ka howgalayay isbitaal ku yaalla bariga magaalada London ayaa sameeyay albam sawirro ah oo uu ku sharfayo "geesiyada" uu la shaqeeyay.

Piotr Peksa ayaa sawiiro ka qaadayay shaqaalaha isbitaalka Royal London xilligii uu farha ba'an UK ku hayay fayraska corona.

Mr Peksa, ayaa sheegay in sawirrada uu u sameeyay si uu ugu mahadceliyo isbitaalka. "Inaad dhakktar ama kalkaaliye noqoto, waxaad u baahantahay inaad geesi tahay,"ayuu yiri.

Shaqaale ka tirsan isbitaalka Royal London

Xigashada Sawirka, Peter Pexington

Presentational white space
Shaqaale ka tirsan isbitaalka Royal London

Xigashada Sawirka, Peter Pexington

Presentational white space

Inta badan sawirrada ayaa waxaa la qaaday saacadihii hore ee subixa kaddib marka laga soo baxo shaqada habeenki.

Mr Peksa ayaa BBC-da u sheegay in shaqadiisa ay u sahashay inuu arko shaqada adag ee ay hayaan saaxibadii.

"Khatar badan ayay u bareeraan, aad ayay u shaqeeyaan... marka sidaa darteed waxay mudan yihiin in la ixtiraamo sidoo kalana ay helaan madadaalo yar," ayuu yiri.

Shaqaale ka tirsan isbitaalka Royal London

Xigashada Sawirka, Peter Pexington

Presentational white space
Shaqaale ka tirsan isbitaalka Royal London

Xigashada Sawirka, Peter Pexington

Presentational white space

Sawir qaadaha mutadawaca ah ayaa sawirada ku baahiyay boggiisa Intstigram.

"Waxaan doonayay inaan mashruucan u sameeyo dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha sababtoo ah waxaan rabay inaan u muujiyo ineey yihiin geesiyaal."ayuu yiri.

"Mar la weydiyay hadalka uu jeclaan lahaa inuu ku yirahdo shaqaalaha isbitaalka Royal London: "Waxaan jeclaan lahaa inaan ku irahdo mahadsanidiin. Mahad weyn ayaan idin hibeeyay walaalayaal. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen."

Shaqaale ka tirsan isbitaalka Royal London

Xigashada Sawirka, Peter Pexington

Presentational white space
Shaqaale ka tirsan isbitaalka Royal London

Xigashada Sawirka, Peter Pexington