Coronavirus: Dawada been abuurka ah ee Covid-19 ee dukaamada qaar ee London lagu iibiyo

Acharya Balkrishna and Baba Ramdev advertise Patanjali Ayurved

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Patanjali Ayurved waa shirkad bilyamaad ku kacda oo dhanka caafimaadka ah oo uu aasaasay Acharya Balkrishna (lbidix) iyo Baba Ramdev
Published

Daawo lagu sheegay kor u qaadaha habdhiska difaaca aadamaha ayaa lagu iibinayaa qaar ka mid ah dukaamada London, sida baadhitaanka BBC-da lagu ogaaday.

Daawada loo yaqaan 'Coronil', ee ka timaadda geedaha lagana keeno Hindiya, ayaa laga helay iyada oo lagu iibinayo dukaamo ku yaal aagagga ay u badan yihiin Aasiyaanku ee ku baahsan caasimadda.

Soosaarayaasha Patanjali Ayurved waxay sheeganayaan in kiniinkani ay ka hortagaan "infekshinka saameeya neef mareenka".

Tijaabooyin loo qaaday BBC-da ayaa muujinaya in kaniiniyadu aysan wax difaac ah ka geysanayn coronavirus.

Tijaabo shaybaar oo dawada ah oo ay u sameysay jaamacada Birmingham warbaahinta BBC ayaa muujisay kaniiniyada in ay ku jiraan maaddooyin ku saleysan dhir oo aan difaaci karin Covid-19.

Dr Maitreyi Shivkumar oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga fayraska ayaa sheegay in fikirka ah "kor u qaadida" difaaca uusan macno samaynaynin marka la eego daaweynta coronavirus.

"Waxaa jira waxyaabo badan oo oo aan macno lahayn oo ku saabsan sida habka difaaca jidhkeennu uga jawaabo fayraska. Xitaa ma ogin in kordhinta difaaca jidhka ay caawiso," ayay tiri.

Ma cadda waxa Coronil uu isku dayayo inuu ku sameeyo nidaamka difaaca jirka.

Acharya Balkrishna and Baba Ramdev advertise Patanjali Ayurved

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Patanjali Ayurved waa shirkad bilyamaad ku kacda oo dhanka caafimaadka ah oo uu aasaasay Acharya Balkrishna (lbidix) iyo Baba Ramdev

Shuruucda xayeysiinta ee UK ayaa mamnuucaya tixraacyada 'Covid-19' iyo 'kor u qaadista difaaca jirka'.

Sheegashooyinka kuwan la midka ah ayaa laga oggol yahay Hindiya, halkaas oo Patanjali Ayurved uu ku leeyahay taageerayaal badan.

Hal dukaan oo ku yaal Wembley ayaa uu ku xayeysiiya Coronil inuu yahay "kordhiyaha habdhiska difaaca jidhka" dukaankooda iyo degelkoodaba.

BBC waxay heshay ugu yaraan afar dukaanno kale oo kaniinigan iibiya, iyagoo ku andacoonaya inay daweeyaan Covid-19.

Mid ka mid ah macaamiisha ayaa u sheegay BBC: "Waxaan u qaatay sababta oo ah waxaan ahay 78.

"Haddii aan u baxo dukaameysiga waxaan ka qaadi karaa qof kasta coronavirus. Taasi waa sababta aan u qaato… inaan naftayda u ilaaliyo."

'Daaweeynta Covid'

Ma jiraan sheegashooyin caafimaad oo la oggol yahay oo ka jiri kara Boqortooyada Midowday (UK) in walax kasta ay "kor u qaadi karto" difaac, sida ay sheegtay Hay'adda Heerarka Xayeysiinta (ASA).

Ka hortagga, daaweynta ama yareynta calaamadaha coronavirus lama sameyn karo wax khuseeya iyadoon liisan laga haysan Hay'adda sharciyadaas u qaabbilsan dalkan (MHRA) ee dawooyinka iyo caafimaadka.

MHRA, oo aan ansixin Coronil in la isticmaalo, waxay tiri: "Tallaabo ku habboon ayaa laga qaadi doonaa meesha wax soo saar dawo oo aan loo oggoleyn lagu bixiyo ama lagu iibiyo suuqa UK."

Aasaasihii Patanjali Ayurved Baba Ramdev ayaa bishii Juun sheegtay in Coronil uu daweeyey bukaannada Covid-19.

"Daawadayadu waxay keentay in 69% bukaanada loo yaqaan in ay qabaan 'coronavirus ay tijaabiyaan saddex maalmood ka dib waxay caafimaadi doonaan 100%

Dowlada India ayaa sheegtay in Patanjali Ayurved uu suuq geyn karo coronil-ka si uu u xoojiyo xasaanadda laakiin uusan daawo u aheyn.

Patanjali Ayurved ayaa hada ka noqday sheegashadiisa ah in Coronil ay daawo u tahay Covid-19.

Sida laga soo xigtay Full Fact, oo ah hay'ad madax-bannaan ayaa sheegtay, "macluumaad khaldan oo sidan oo kale ah ayaa waxyeello u geysan kara caafimaadka iyo dhaqaalaha dadka".

Abbas Panjwani, oo ah cilmi baare ka tirsan shirkadda Full Fact, ayaa yiri: "Inta lagu jiro aafada, waa wax dabiici ah oo malaha la fahmi karo in dadku jawaabo raadsadaan."