Sheek Xamad bin Khalifa Al Nahyan: Maxay taajiriinta Carabta ee Imaaraatka lacag u siinayaan kooxda Islaamka 'neceb' ee Israa'iil ka jirta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sheekh Xamad bin Khaliifa Al Nahyaan, oo xubin ka ah qoyska boqortooyada Abu Dhabi, ayaa saxiixay heshiis maalgashi ah oo uu la galay kooxda kubadda cagta ee laga leeyahay Israa'iil, Beitar Jerusalem.
Heshiiska uu amiirka la galay kooxdaas wuxuu dhigayaa in isaga la siiyo 50% ka mid ah milkiyadda kooxda, laguna daro maamulka sare ee agaasima kooxdan.
Beitar waa koox caan ku ah inay ka mid tahay naadiyada sida weyn uga soo hor jeeda siyaasadaha dalalka Carabta iyo shacabka Falastiiniyiinta, mana jiro ciyaartoy Carab ah oo ka tirsan.
Kooxdan waxay ka ciyaartaa Horyaalka Kubadda Cagta Israa'iil ee Premier League-ga.
Tallaabada uu amiirka ka tirsan qoyska boqortooyada Imaaraadka ku iibsaday kooxdan ayaa timid xilli ganacsiyo waaweyn ay dhex marayaan Israa'iil iyo Imaaraadka Carabta kaddib markii labada dhinac ay soo nooleeyeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed bishii September.

Xigashada Sawirka, Reuters
Bayaan lagu shaaciyay bogga internet-ka ee kooxda Beitar Jerusalem ayaa lagu shaaciyay in sidoo kale Sheekh Xamad bin Khaliifa Al Nahyan uu diyaar u yahay inuu kooxdan ku maalgaliyo lacag ka badan $92.18 milyan oo doolar, tobanka sano ee soo socota.
Kooxda Beitar Jerusalem Club ayaa sheegtay in ay sameyn doonto gole cusub oo agaasimeyaal u ah maamulka kooxda, maadaama uu milkiile cusub kusoo biiray, waxaana Sheekh Xamad wakiil ka noqon doona wiilkiisa.
Warka ay kooxdan shaacisay maalintii Isniinta ayey ku soo qaadatay hadal laga soo xigtay Sheekh Xamad, oo yidhi: "Waan ku faraxsanahay inaan qeyb ka noqdo milkiileyaasha kooxdan weyn ee aan mar walba maqli jiray, kana dhisan magaaladan weyn ee Qudus, oo ah caasimadda Israa'iil kana mid ah magaalooyinka ugu barakada badan ee caalamka."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Erayga ku saabsan in Qudus ay tahay caasimadda Israa'iil waa mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee saldhigga u ah colaadda ka dhaxeysa Israa'iil iyo Falastiiniyiinta oo iyaguna aaminsan in magaaladaas ay caasimaddooda tahay, taasoo ay mar walba ku doodaan.
Israa'iil waxay aaminsan tahay in magaalada Qudus oo dhan ay tahay caasimaddeeda, mowqifkaas oo ay taageersan tahay dowladda Mareykanka balse aysan aqoonsaneyn inta badan dalalka caalamka.
Falastiiniyiintuna waxay doonayaan in Bariga Qudus, oo Israaiil ay ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee dhacay sanadkii 1967-kii, ay noqoto caasimadda dowladdooda mustaqbalka.
Boqortooyada Imaaraadka Carabta ayaa markii ay aqbashay dib usoo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Israa'iil waxay sheegtay inay ka shaqeyn doonto sidii loo aasaasi lahaa dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin oo caasimaddeeduna ay tahay bariga Qudus.












