Ma raali gelin baa la gudboon Macron xilligan xuska Mowliidka?

Dunida muslimka waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo Faransiiska

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dunida muslimka waxaa ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo Faransiiska
Published

In badan oo kamid ah warbaahinta kasoo baxa dalalka Carabta ayaa si weyn u tebiyay xuska maalintii uu dhashay Nebiga taas oo kusoo beegantay xilli dunida muslimka ay ka socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo hadalkii kasoo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaas oo kiciyay dareenka muslimiinta.

Macron wuxuu dhawaan sheegay in dalkiisa uusan ka laaban doonin daabacadda sawir gacmeedka laga sameeyay Suubanaha, arrintaas oo caro xooggan ka dhex dhalisay dunida muslimka, waxay horseeday in la qaadaco badeecadaha uu soo saaro Faransiiska.

'Raalin gelin kasoo baxda Macron'

Xamda Faraacinah waxay wargeyska Al Dastuur ee kasoo baxa Urdun ku qortay sidatan "Mowqifka madaxweynaha Faransiiska ee ku aadan Islaamka iyo Muslimiinta wuu naga nixiyay, haddaladiisa aan loo meel dayin ee aan macquulka aheyn waa kuwo aan innaba aqbaleyn mabaadii'da dal ay aheyd in uu noqdo mid saaxib ah oo casri ah, waxaana laga doonayaa in uu aqoonsado micnaha waxa ay dadku rumeysan yihiin iyo ilaalinta mabaadii'da diiniga ah"

Waxay intaas ku dartay Xamdah "Waxaan diidanahay in dhexdeena ay qalalaase ka dhacaan iyadoo aan la eegeyn danaha iyo hadafka laga leeyahay arrintaas, waxaan rumeysanahay in wadahadal iyo saaxibtinimo wax lagu dhameeyo, waxaan rumeysanahay wax uu sameeyay madaxweynaha Faransiiska in uu yahay dambi aan wax qiil ah laheyn, waxaa haboon in uu kasoo laabto oo uu raali gelin bixiyo maadama dalka Faransiiska ay ku nool yihiin malaayiin muslimiin ah sababta oo ah Faransiiska wuxuu xiriir la leeyahay dalalka carabta iyo waddamada Islaamka, tolow, madaxweynaha Faransiiska maku dhiiran doonaa in uu raali gelin u jeediyo muslimiinta?"

Iyadoo cinwaan looga dhigay "In Macron uu raali gelin ka bixiyo arrinta waa mid khasab ah" Basam Rubin oo wax ku qoray wargeyska Ra'yul Yawm ee kasoo baxa London ayaa sheegay "Waxay u muuqataa in madaxweynaha Faransiiska uu dambi weyn ka galay muslimiinta kaddib markii uu faray in la aflagaadeeyo diinta Islaamka iyo Nebigeena Maxamed N.N.K.H.H, waxaan rumeysanahay in dhaqankan garabka midig looga gollahaa in lagu cabiro dareenka muslimiinta, muslimiinta Faransiiska ka hor inta aysan dhibaato kala kulmin qarankan, kaas oo ka aamusay qorsheyaal ka dhan ahaa iyaga iyaga oo lagu beegsanayay taariikhdooda, dalalka ay kasoo jeedaan, dadkooda iyo sharaftooda"

Hadalka Macron ayaa ka careysiiyay Turkiga

Xigashada Sawirka, REUTERS / GETTY

Qoraalka sawirka, Hadalka Macron ayaa ka careysiiyay Turkiga

Qoraaga wuxuu ka codsaday madaxweynaha Faransiiska "In uu bilaabo sidii uu raali gelin ugu jeedin lahaa muslimiinta isla markaana uu joojiyo in uu wax ka sheego Islaamka iyo muslimiinta, culimada islaamka waa inay gutaan waajiboodka ku aadan aadan arrimaha diinta, maadama arrinta ay tahay mid khuseyso Rasuulkeena sharafta leh, weli waxaad u hoseeyaa dareenka laga muujiyay arrintani, Raali gelin ayaa ku siineynaa seyidkeena, Rasuulka Ilaahey"

1px transparent line

Jawad Al-Cali ayaa warbixin uu ku qoray wargeyska Al Caraby Al Jadeed ciwaan uga dhigay "Denbiga Macron iyo wax aka dhalan karo" "Wargeyskii daabacay sawir gacmeed laga sameeyay Nebiga ee Denmark sanadkii 2005-tii ayaa waxaa ka dhashay kacdoon ballaaran iyo in la qaadaco badeecadihii ka imaan jiray Denmark, tallaabadaas oo Denmark ku qasabtay inay raali gelin ka bixiso"

Qoraaga ayaa intaas ku daray "Macron raali gelin kama uusan bixin arrinta balse wuxuu sii wadaa caqabadda ah in lasii daabaco sawirrada aflagaadeynta ah ee ka dhanka Nebiga, taas oo ay ka dhalatay dhaleeceyn iyo eedeymo..Macron wuxuu khalay khalad uu ku bartilmaameedsanayo Islaamka"