"Hooyadey ayaa la isku dayay in labo jeer horteyda lagu dilo"

Shuhra ayaa imika daryeelaysa hooyadeed

Xigashada Sawirka, Shuhra Koofi

Qoraalka sawirka, Shuhra ayaa imika daryeelaysa hooyadeed
Published

"Fadlan ha isku qaban indhahaaga, ma haysto qof kale, mana haysto qof nolosha iga taageera. Maxaan sameeynayaa la'aantaa?"

Shuhra Koofi, baahi badan ayay u qabtay hooyadeed.

Hooyadeed oo labo muddo xileed ka mid noqotay baarlamaanka Afqanistaan, ayaa la toogtay xilli ay ku sii laabanaysay magaalada Kabul.

"Aad ayaan u argagaxay sababtoo ah waxaan mooday in aan hooyadey waayay, balse xoogaa ka dib waan is xakameeyay, sababtoo ah waxay u baahnayd caawinteyda," ayay tiri Shuhra.

Labo weerar

Fawzia Koofi waa haweeney si aad ah u cambaareysa kooxaha asal raaca ah, islamarkana waxay marar badan wajahday kooxda Taliban oo ay isugu yimaadeen miiska wadaxaajoodyada.

Shuhra Koofi iyo hooyadeed

Xigashada Sawirka, Shuhra Koofi

Qoraalka sawirka, Shuhra Koofi iyo hooyadeed

Waxay siyaasaddeeda ku muteysatay dhibaatooyiin badan.

Sanaddii 2010-kii waxaa gaari ay la socotay weerar gaadmo ah ku qaaday kooxda Taliban.

Bishii August ee sanadkanna, waxaa toogtay dabley aan heybtooda la aqoon xilli safar dhanka dhulka ah ay ku jirtay.

Gabadheeda ugu yar ayaa goobta ku sugnayd islamarkana dhibaatadu ay horteeda ka dhacday.

Shuhra, oo 20 sano jir ah, ayaa BBC uga warrantay sida ay dareemaysay markii ay aragtay hooyadeed oo ay dabley hubaysan isku dayayaan inay dilaan.

Waxaa sidoo kale xusid mudan sababta ay u doonayso iyada oo khatarradaasi oo dhan jiraan in hooyadeed ay sii waddo dagaalka ay ugu jirto hammiga ay leedahay.

Sidii ay wax u dhaceen

14 bishii August, Fawzia iyo gabadheeda Shuhra ayaa ku soo laabanayay magaalada Kabul iyaga oo ka soo laabtay gobolka Parwan oo ku yaalla waqooyiga dalka Afqanistaan.

Fawzia Koofi oo ay barbar fadhiyaan labadeeda gabdhood

Xigashada Sawirka, Shuhra Koofi

Qoraalka sawirka, Fawzia Koofi oo ay barbar fadhiyaan labadeeda gabdhood

Waxay arkeen macbad ay leeyihiin dadka Hindida oo ku taalla dhanka midi ee waddada.

"Fawzia ayaa igu tiri macbadkan aad ayuu u qurux badan yahay, waxaa lagu qurxiyay midabka cagaarka iyo nalal casaan ah," ayey tiri Shuhra oo dib u mulicsatay xusuusteeda.

Ka dib waxay dareemeen waxyaabo ay ka shakiyeen.

"Waxaan aragnay labo gaari oo na daba socda, ma aannaan aqoonin halka ay ka yimaadeen." Ayay sii raacisay hadalkeeda.

Shuhra iyo hooyadeed waxay garteen in la doonayo in weerar gaadmo ah lagu qaado.

"Ka hor weerarka waxaa na dhaafay gaari madow islamarkana darawlkeennii ayaa hoonka u yeeriyay," ayay tiri Shuhra.

Ka dib waxaan maqalnay rasaas gadaal laga so ridayo, dhanka hooyadey ay fadhidayna lala beegsanayo. Waxay fadhiday dhanka midig ee gaariga," ayay tiri.

Gabadhan ayaa xusuusata in labo mar rasaasta la soo riday, islamarkaana rasaasta hore ay seegtay gaarigooda.

Shuhra waxay fadhiday kuraasta dambe ee gaariga, waxayna isku dayday in madaxa hooyadeed ay hoos galiso ayna u sheegto in kursiga hoostiisa ay gasho.

Darawalkii ayaa gaariga si xawaaro leh u kaxeeyay si uu uga hortago weerarka.

Shuhra ma aysan arkin ragga weerarka geystay.

"Waxay ahayd inaan ka baxsanno haddii kale mar kale ayay na toogan lahaayeen" ayay tiri.

Weerarkii kowaad

Weerarkaasi ma ahayn weerarkii ugu horeeyay oo Shuhra ay aragto, kaasi oo lagu qaado hooyadeed.

Madaxwaynihii hore ee Afqanistaan Hamid Karzai oo al jooga Fawzia Koofi

Xigashada Sawirka, Shuhra Koofi

Qoraalka sawirka, Madaxwaynihii hore ee Afqanistaan Hamid Karzai oo al jooga Fawzia Koofi

Sanddii 2010-kii, Fawzia Koofi waxay ka mid ahayd xubnaha baarlamaanka Afghanistan, waxayna siyaasad ahaan isku dhawaayeen madaxwayne Hamid Karzai.

Waxay u safreysay gobolka Nangarhar markaasi oo kolanyadii ay la socotay weerar gaadmo ah lagu qaaday.

"Xilligaas waxaan jiray 10 sano, waxaan fadhiyay hooyo iyo walaashey dhexdooda," ayay tiri Shuhra.

"Waxaan xusuustaa dhawaaqa rasaasta, waxayna ahayd mid darandoori u dhaceysay," ayay tiri.

Fawzia ayaa weerarkaasi 2010-kii ka badbaaday mana jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray.

Booliiskii ilaalada u ahaa ayaa goob ammaan ah geeyay, waxaana markii dambe loo soo duuliyay magaalada Kabul.

"Xilligaas qof walba wuu naxay, balse waxaan ku faraxnay in hooyo ay ka badbaadday weerarkaas, sidoo kalena aysan jirin cid wax ku noqotay, balse weerarka imika wuu ka duwanaa sidaas," ayay tiri.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii 2010-kii.

"Way sahlanayd in la aqbalo sababtoo ah waan ogeyn cidda ka dambeysay.

Weerarkii labaad lama aqoon cidda fulisay, mana jirin cid masuuliyadda sheegatay, marka waa arrin adag oo argagax ku ah qoyskeena", ayay tiri Shuhra.

Tariikhda xasaradda Afghanistan

Sida Fawzia, oo kale labada gabdhood waxay ku dhex koreen rabshado iyo dagaallo.

Mararka qaar xubnaha qoysaskooda ka mid ah ayaa ku waxyeellooba.

Fawzia Koofi oo ay soo booqdeen qaar ka mid ah dadka

Xigashada Sawirka, Shuhra Koofi

Qoraalka sawirka, Fawzia Koofi oo ay soo booqdeen qaar ka mid ah dadka

Shuhra awowgeed hooyo oo sidoo kale ka mid ahaa baarlamaanka Afqanistaan ayaa waxaa dilay kooxaha hubeysan.

Aaabaheed waxaa ku dhacay cudurka Qaaxada ka dib markii ay xireen Taliban, waxaa uuna dhintay iyada oo Shuhra wali ay caruur tahay.

Fawzia ayaa soo korisay labada gabdhoodba iyada oo waliba ku jirta siyaasadda.

"Waxaan mar walba ka baqaa in aan waayo qof ka mid ah qoyskeyga mana aanan helin nolol caadi ah, balse taasi igama hor istaagin inaan dhiso riyadeyda."

'Waxaan u maleynayaa inaan dhaawacmay'

Shuhra ayaa xusuusata cabsidii ay soo martay xilligii ay caruurta ahayd, markaasi oo ay ka badbaadeen weerarka waddada Parwan.

Fawzia Koofi iyo labadeeda gabdhood xilligii ay caruurta ahaayeen

Xigashada Sawirka, Shuhra Koofi

Qoraalka sawirka, Fawzia Koofi iyo labadeeda gabdhood xilligii ay caruurta ahaayeen

"Ilbiriqsiyo ka dib toogashadii hooyadeey, waxaa i eegtay hooyo, waligey ma hilmaami doono sidii ay ii eegtay," ayay tiri Shuhra.

Shuhra ayaa intaa ku dartay in ay markaas ka dib ogaatay in hooyadeed ay xabadda kaga dhacday gacanta.

"Waxaan u maleeyay in hooyo aan waynayo, waxaan ku qeylinayay fadlan indhahaaga ha xirin, ila hadal, waxaan isku dayay inaan toosiyo."

Shuhra ayaa argagaxday waxayna bilowday in ay oyso.

"Madaxa ayaan madaxa u saaray hooyo, waxaana ku iri 'fadlan kor ha eegin mar kale ayay ku toogan karaan'."

Dhiig ayaa qubanayay

Shuhra ayaa xijaabkii ay xirnayd inta ay iska bixisay ku duubtay gacantii ay hooyadeed ka dhaawacantay si ay dhiigga u joojiso.

Hooyadeed dhawaan ayey ka soo kabatay feyriska Corona.

"Ma jiro qof kale oo aan haysanno oo aan ka ahayn hooyo, waa qofka kali ah ee na taageera," ayay tiri.

Waxay intaa ku dartay in weerarka 40 daqiiqo ka dib ay isbataalka gaareen.

Dhakhaatiirta ayaa xabaddii ka soo saaray gacanta Fawzia.

Fowzia ayaa waxay ku qaadatay in isbataalka laga soo saaro muddo toddobaad ah, balse wali waa mid ka fog inay bogsatay.

Waxay ahayd qof Taliban cambaareeya

Fawzia Koofi ayaa lagu tilmaamay inay tahay rajada haweenka Afghanistan, oo iyagu codkooda inta badan la iska dhaga-tiro.

Shuhra Koofi

Xigashada Sawirka, Shuhra Koofi

Qoraalka sawirka, Shuhra Koofi

Markii ay la fariisatay kooxda Taliban sanadki aynu soo dhaafnay, waxay u sheegtay in miiska wadaxaajoodka ay soo fariisiiyaan haween wadaxaajoodka ka qeyb gala.

Wakiilladii Taliban ayaa ku qoslay soo jeedinteeda.

Ms Koofi ayaa waxay door firfircoon ku leedahay wadahadaada imika socda.

Siyaasiyiinta ayaa uga shakisan in weerarkii ugu dambeeyay ay ka dambeeyaan dad ka soo horjeeda wadahadalada nabadda.

Kooxda Taliban ayaa dhankooda beeniyay in weerarkan ay iyaga ka dambeeyaan.

Fawzia Koofi

Xigashada Sawirka, Shuhra Koofi

Qoraalka sawirka, Fawzia Koofi oo isbataalka ku sugan

Waxaa sidoo kale dalka Afghanistan ka jira kooxo kale oo hubaysan oo ka howlgala gobolka uu weerarka ka dhacay.

Shuhra ayaa sheegtay in iyada iyo hooyadeed uu argagax ku abuuray weerarkaasi.

'Waddadan ayaan doorannay'

Shuhra aya imika daryeelaysa hooyadeed, islamarkana walaasheed ka wayn Shahrzad ayaa ku sugan Mareykanka, halkaasi oo ay wax ka baranayso.

"Xaqiiqdii aad ayaan ugu dhawahay hooyadey, saaxibo ayaan nahay," ayay tiri.

Dalka Afghanistan ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay dal aan dumarka u wanaagsanayn oo ay haweenka siyaasiyiinta ah ku wajahayaan dhibaatooyiin badan.