Coronavirus: Ma kugu dhici karaa corona haddii aad raashinka baceysid?

Woman looks at bag of frozen food

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Su'aalo badan ayaa la iska weydiinayaa in fayraska corona laga qaadi karo baceynta raashinka, kaddib markii kiisaska cudurkan ee caalamka ay sii bateen. Haddaba suuragal ma tahay?

Dhawaan waxaa dalka Shiinaha laga soo tabiyay in dadka qaar ay fayraska ka qaadeen howlaha baceynta raashinka, gaar ahaan kalluunka la barafeeyay iyo hilibka digaagga ee laga soo dhoofiyo Koonfurta Ameerika.

Arrintan ayaa mar kale xoojisay su'aalaha ku saabsan in coronavirus laga qaadi karo raashinka.

Halistu ilaa heerkee ayey gaarsiisan tahay?

Si guud marka loo eegayo, waa macquul in cudurka Covid-19 laga qaado alaab la xidhxidhayo.

Daraasad lagu sameeyay sheybaar ayaa muujisay in fayraska uu saacado, ama maalmo, ku dul noolaan karo alaabta dusheeda - gaar ahaan waxyaabaha ku jira bacaha iyo caagagga.

Taas waxaa sii dheer in fayraska uu si fiican ugu noolaan karo qabowga. Raashin badanna waxaa la dhoofiyaa iyagoo qabow ku dhex jira.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah seynisyahannada caafimaadka ayaa su'aal galiyay in natiijadaas ay waxtar ku leedahay sheybaarka bannaankiisa.

Dr Julian Tang, oo culuumta ku saabsan neef mareenka ka dhiga jaamacadda Leicester, ayaa sheegay in dunida ay ku kala duwan tahay xaaladaha bey'ada deegaanka, taasoo micnaheedu yahay in fayrasku uusan noolaan karin muddo dheer.

Sidoo kale, Barfasoor Emanuel Goldman, oo wax ka dhiga jaamacadda Rutgers, ayaa isagana hoosta ka xariiqay in daraasadaha lagu sameeyay sheybaarkaas loo adeegsaday ilaa 10 milyan waxlo yar yar ah, halka tirada walxaha yar yar ee hindhisada kasoo baxa, kaddibna ku hari kara alaabta dushooda ay gaadhi karaan oo kaliya qiyaastii 100.

"Warbixin uu aqoonyahankan bishii July ku qoray wargeyska Lancet ayuu ku yidhi: "Fikir ahaanteyda, khatarta ku saabsan in alaabta dusheeda laga qaado cudurka aad bay u hooseysaa, mararka kaliya ee fayraska la qaadi karana waa xilliyada uu qof cudurka qaba ku dul qufaco ama ku dul hindhiso alaabta, islamarkiina uu qof kale taabto (muddo hal ilaa labo saacadood gudahood ah).

Sidee fayraska la isugu gudbiyaa?

Halista ku saabsan in cudurka la isu gudbiyo waxay ku saleysan tahay malo'awaal la xidhiidha in shaqaalaha cuntada baceeya ee warshadaha ka howl-gala ay taabtaan alaabta dusheeda, kaddibna ay gacmahooda ku taabtaan sankooda iyo afkooda.

Fresh vegetables in a supermarket

Xigashada Sawirka, Getty Images

Seynisyahannadu hadda uma maleynayaan in habkani uu yahay sida ugu badan ee lagu kala qaado kiisaska Covid-19.

"Waa suuragal in qof uu cudurka ka qaado taabashada sheey uu fayraska ku dul noolaa," ayaa lagu yidhi qoraal lasoo dhigay bogga waaxda caafimaadka dadweynaha iyo xakameynta cudurrada ee Mareykanka.

Wuxuu qoraalka intaas ku daray: "Laakiin taasi ma aha sida ugu badan ee uu cudurka ku fido".

Run ahaantii, waxaa aad loogu maleynayaa in qaababka ugu badan ee uu fayraska ku faafo ay yihiin xiriirro toos ah oo dadka dhex maray, sida:

  • Labo qof oo xidhiidh toos ah sameeyay (iyagoo isu jira masaafe 2m gudahood ah)
  • Faniinka qoyaanka qof cudurka qaba oo qufaca ama hindhisa ama hadla
  • Fafiinka oo qofka ka gaadha sanka ama afka (ama uu gudaha u neefsado ilaa uu sambabbada ka gaadho)

Dr Tang wuxuu sheegay inay aad u adag tahay caddeynta in qof uu cudurka ka qaaday baceynta raashinka.