Cudurka Corona iyo Ecuador: Dal ay maydadka jidadka yaaleen bishii hore oo dadkiisa hadda ay bannaanbaxayaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kumannaan dad ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Ecuador, si ay uga mudaaharaadaan jawaabta dhaqaalaha ee dowladda ee ku saabsan cudurka dillaacay ee coronavirus.
Qiyaastii 2,000 oo qof ayaa ku mudaaharaaday caasimadda Quito, iyagoo diiddan xayiraadaha looga golleeyahay la dagaalanka feyraska.
Isbuucii hore, Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin ay ka mid yihiin xiritaanka qaar ka mid ah shirkadaha ay dowladdu leedahay iyo dhimista mushaharaadka shaqaalaha dowladda.
Ecuador ayaa ka mid ah waddamada uu sida xun u saameeyay cudurka ee ku yaalla koonfurta Mareykanka.
Qiyaastii 37,000 oo xaaladood ayaa la xaqiijiyey, in inkabadan 2,000 oo qofna waxay u dhinteen fayraska, sida ay sheegtay jaamacada Johns Hopkins.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, EPA
Dibadbaxayaasha oo xiran wejiga calankana kor u siday, ayaa ka qeybgalay isu soo baxa ay soo qabanqaabiyeen ururada shaqaalaha iyo ururada bulshada, kuwaas oo ka carooday wareegto uu soo saaray Madaxweyne Lenín Moreno.
Sida laga soo xigtay Mr Moreno, 150,000 oo shaqooyin ah ayaa lagu waayay coronavirus dartiis.
Mudaaharaadyada ayaa sidoo kale lagu qabtay magaalada labaad ee Guayaquil, halkaas oo masuuliyiinta ay bishii la soo dhaafay aad uga caroodeen dadkii u dhintay cudurka oo aan meydkooda la aasin.

Xigashada Sawirka, Reuters
"Haddii cudurka corona uusan na dilin, dowladda ayaa ina dileysa," waxaa sidaasi wakaaladda Reuters u sheegay, hogaamiyaha ururka ganacsiga ee magaalada ka jira.
Duqa magaalada Quito, Jorge Yundo Machado, ayaa qoraal uu barta twitter-ka soo dhigay ku baaqay "caqli wanaagsan".
"Aan raadinno habab kala duwan oo lagu mudaaharaado, laakiin shaqsi ahaan ma aha," ayuu yiri, wuxuu intaasi raaciyay, in ay jirto "khatar sare oo ah in la is-qaadsiiyo cudurka, waxaan ku jirnaa xaalad caafimaad oo degdeg ah".

Xigashada Sawirka, EPA
Wasiirka arrimaha gudaha María Paula Romo, ayaa wariyeyaasha u sheegay, in qiyaastii 4,000 oo qof ay ka qeyb qaateen bannaanbaxyo ka dhacay waddanka oo dhan, isla markaana hal boolis ah uu ku dhaawacmay.
Toddobaadkii hore, hay'adda caafimaadka adduunka (WHO), ayaa ku timaantay koonfurta Mareykanka "xudunta cusub ee cudurka uu si ba'an u saameyn doono".
Dalka Brazil, oo diiwaan geliyay in ka badan 23,000 oo dhimasho, waa tirada labaad ee ugu badan ee la xaqiijiyay adduunka oo dhan. Dalka deriska la ah Ecuador ee Peru, ayaa dhanka kale ka jira in ka badan 120,000 oo kiisas ah.
















