Dowladda Soomaaliya oo amar kasoo saartay rag lagu eedeeyay inay gabar ku xad-gudbeen

Muqdisho

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan in lasoo qabto rag loo heysto inay gabar ku xadgudbeen.

Taariikhdu markii ay ahayd 19 kii June ayaa goob lagu soo dhawaanayay gabar caan ka ah baraha bulshada oo Muqdisho timid ayaa gabar ka mid aheyd dadka goobtaasi yimid waxaa 'xadgudub iyo fara xumeyn u geystay koox dhalinyo ah'.

Muqaal laga duubay dhacdadaas ayaa qabsaday baraha bulshada maalmihii ugu dambeeyay.

"Waa in si deg deg ah caddaallada loo horgeeyaa kuwii ku xad gudbay sharafta gabadha Soomaaliyeed".

Wasaaradda ayaa sheegtay inay cambaareyneyso falkaas oo ay ku sheegtay mid xadgudub ku ah cirdiga iyo sharafta gabar Soomaaliyeed.

"Falkan wuxuushnimada ah waxa uu si cad uga hor imaanaya diinteena Islaamka, dhaqanka suuban ee Soomaalida, xuriyadda, sharafka iyo cirdiga muwaadinka , waxaana dhammaanteen waajib naga wada saaran yahay inaan ka dhiidhino falkaas bahalnimada ah ayadoo bulshadeena aan ka dhex saareyno kuwa xad gudubkaas weyn sameeyey" ayey si kulul u tiri Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi.

Wasaaradda ayaa fartay laamaha ammaanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo qabtaan ragga falkaas ku kacay.

Waxa ay sidoo kale ku boorrisay waaliddiinta, qoysaska iyo cid kasta oo garan karta tuhmanayaasha in ay la shaqeeyaan hay'adaha ammaanka oo ay ka fogaadaan gabbaad inay siiyaan.

Somalia

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuqul Insaanka JFS

Qoraalka sawirka, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale, waxaa jiray dibadbaxyo shalay galab ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasoo looga soo horjeeday dhacdadan.

"Waxaan la noolahay cabsi joogto ah, waxaan ahay gabar. Caddaalad darradu waxey dhiirri galisaa kufsiga." Waa qaar ka mid ah halku dhigyada ay soo bandhigeen gabdho ka bannaanbaxay xadgudub loo geystay gabadhaasi...

Sidoo kale, war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliayaha guud ayaa lagu sheegayay in ay wadaan baaris ku saabsan dambiyo ka dhan ah anshaxa iyo dhaqanka suubban ee bushada Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xeer ilaaliyaha ee qaranka uu tallaabo adag ka qaadi doono cid waliba oo lagu helo in ay qeyb ka eheyd falka foosha xun ee lagula kacay gabadhaha Soomaaliyeed.

Wuxuu faray dhammaan hey'adaha amniga in ay gacanta ku soo dhigaan isla markaana ay sharciga u soo gudbiyaan kuwii ku lug lahaa falkaasi.

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa war qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga codsaday dadweynaha ciddii hesho xog ku saabsan dhalinyaradii falkaasi geysatay inayla soo xiriiraan booliiska.

Booliiska ayaa sheegay in tuhmanayaasha ay ka soo muuqdeen muuqaallo baraha bulshada ay ku wada xiriiraan iyagoo ku guda jira falal ka dhan ah dhaqanka suubban ee Islaamka iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed. Maamulka ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno rasmi ah iyo howlgallo dabagal ah oo lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday goob fagaare ah oo lagu soo dhaweynayay mid ka mid ah YouTuber-rada magaalada Muqdisho, iyadoo gabadha ay hareereeyeen dhowr wiil oo dhalinyaro ah oo la arki karay in ay jirkeeda taatabanayeen oo ay jiijiidayeen halka qaar kalena ay duubeen dhacdada. Muuqaalka ayaa markii dambe lagu faafiyay khadka internetka, taasoo caro ka dhalisay baraha bulshada ee Soomaalida.

Booliisku waxa kale oo ay xasuusiyeen dadka deegaanka in soo dhawaynta dadweynaha ama isu imaatinka YouTubers, TikTokers iyo shakhsiyaadka kale ee warbaahinta bulshada ay tahay inay raacaan nidaamka sharciga, amniga iyo nidaamka guud.