corona fayras: Mas’uulkii ku taliyay amarka xayiraadda oo saaxiibtiis darteed sharciga u jabiyay

Published

Prof Neil Ferguson ayaa iska casilay xilkii la taliyaha dowladda ee arrimaha coronavirus kaddib markii uu qirtay "inuu sameeyay khalad".

Seynisyahankan, oo taladii uu siiyay Ra'iisul Wasaara UK ay horseedday in lasoo rogo amarka xayiraadda dhaqdhaqaaqyada, ayaa sheegay inuu ka qoomameynayo "inuu dhayalsaday" talooyinka la xiriira kala fogaanshaha dadweynaha.

Wargeyska The Telegraph ayaa tabiyay in haweeney la sheegay inay saaxiibtiis ahayd ay gurigiisa ku booqatay, xilli uu jiro amarka xayiraadda oo dadweynaha ka mamnuucaya inay guryahooda kasoo baxaan.

Wasiirka Caafimaadka ee UK, Matt Hancock, ayaa sheegay in tallaabada iscasilaadda ay ahayd mid "qeyrul-caadi ah" oo go'aankii habboonaa ah.

Wuxuu warbaahinta Sky News u sheegay inaysan 2suurtagal sii noqon karin" in Prof Ferguson uu lataliye usii ahaado dowladda.

Mr Hancock ayaa intaas ku daray in sharciyada kala fogaanshaha bulshada "ay khuseeyaan qof kasta" ayna "dhab yihiin".

Booliska ayaa sheegay in ficilka seynisyahanka uu sharciga ku jabiyay uu ahaa mid niyad jab ah laakiin waxay meesha ka saareen inay tallaabo dheeraad ah ka qaadi doonaan.

Qiimeyn uu horay ugu sameeyay Prof Ferguson xaaladda cudurka corona ayuu ku sheegay in ay u dhiman karaan 250,000 haddii tallaabo wax ku ool ah loo qaadi waayo xakameyntiisa.

Arrintaas ayaa sababtay in Ra'iisul Wasaare Boris Johnson uu 23-kii bishii March ku dhawaaqo go'aanno lagu joojinayay dhaqdhaqaaqyada, kuwaasoo saameyn weyn ku yeeshay nolosha dad badan.

Ujeeddada ayey dowladda ku tilmaantay mid lagu yareynayo faafitaanka cudurka.

Dadka ayaa lagu wargaliyay inay aad u yareeyaan dhaqdhaqaaqooda bannaanka. Lammaaneyaasha meelaha kala duwan ku nool ayaa lagu adkeeyay inay guryahooda ku kala sugnaadaan oo aysan sidii hore u kulmin.

Bayaan uu soo saaray Prof Ferguson ayuu ku yiri: "Waan qirsanahay inaan khalad sameeyay aana qaaday tallaabo aan sharciga waafqsaneyn".

"Sidaas darteed waxaan iska wareejiyay xilkii aan dowladda u hayay.

Seynisyahankan ayaa sheegay in laga helay cudurka, uuna muddo labo isbuuc ah isku kali yeelayay gurigiisa.

Wuxuu ku dooday in mar haddiiba uu cudurka horay ugu dhacay uusan waxyeello ku ahayn qof kale.

Wasiirka Amniga, James Brokenshire, ayaa BBC-da u sheegay in "koox khubaro ah" ay sii wadi doonaan inay xukuumadda kala taliyaan arrimaha loo baahan yahay, maadaama uu hadda iscasilay Prof Ferguson.

Inkastoo Barfasoorka uu sheegay in uusan cidna cudur u gudbin karin, wali ma cadda in qof uu cudurka mar ku dhacay uusan mar kale ku dhaceynin.

Tirada dadka UK ugu dhintay cudurka Covid-19 waxay Talaadadii ahayd 29,427 ruux, waana tirada ugu badan ee fayraska ugu dhimatay Yurub.

Ra'iisul Wasaaraha UK, oo su'aal laga weydiiyay sababta ay aad ugu badan tahay dhimashada, ayaa jawaabtiisa ku koobay in geerida qof walba ay musiibo tahay.

Hase ahaatee wuxuu sheegay inaan wali la helin xog rasmi ah oo la isku barbar dhigo dhimashada dalalka caalamka.

Is casilaadda Prof Ferguson ayaa timid hal bil kaddib markii Dr Catherine Calderwood, oo ahayd Madaxa Caafimaadka ee Scotland ay shaqada ka tagtay kaddib markii la shaaciyay inay jabisay sharciga xayiraadda, ayna labo jeer u safartay gurigeeda labaad.

Xildhibaanka xisbiga Qaran ee Scottish-ka, Philippa Whitford ayaa BBC-da u sheegay in labada kiisba ay tusaale u yihiin shacabka, loona baahan yahay in ay ku waano qaataan.

Hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha Sir Keir Starmer ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in iscasilaadda Prof Ferguson ay ahayd tallaabo saxan.

"Dhmmaanteen waxaan door ku leenahay la dagaallanka fayraska, taas micnaheeduna waa in mas'uuliyad la isa saaro amarka dowladdana la raaco," ayuu yiri afhayeen u hadlay Sir Keir.