Coronavirus: Shaqada qeybta daryeelka degdegga ah ee Boris Johnson la seexiyay?

Hospital bed

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Published

Ra'iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa weli lagu daweynayaa qeybta caafimaadka degdegga ah (ICU) ee isbitaalka St Thomas ee ku yaalla magaalada London.

Downing Street wuxuu leeyahay waa taxadir la xiriira taladii dhakhaatiirtu ay u soo jeediyeen, iyo haddii uu u baahdo daryeel ka sii adag.

Haddaba waa maxay daryeelka deg degga ah?

ICU waa qeybo takhasus leh oo loo diyaariyo inay bixiyaan daaweyn iyo korjoogteyn dhow, taas oo loogu talagalay bukaannada si aadka ah u xanuunsan oo aan lagu daryeeli karin qaybaha kale ee isbitaalka.

Waxay leeyihiin bukaanno yar iyo shaqaale badan, si ay mid mid ugu daryeelaan marka loo baahdo.

Waxaana sidoo kale lagu xiray qalab kormeer oo casri ah.

Isbitaalka NHS ee dhowaan laga furay magaalada London, waxaa yaalla 4,000 oo sariirood oo loogu talagay daryeelka degdegga ah.

Presentational white space

Xaaladda qofka u baahan daryeelka degdeg ah

Waxaa jira sababo badan oo kala duwan oo uu qofku ugu baahan karo daryeelka noocan oo kale ah.

Bukaannada qaar waxay u baahan yihiin marka ay ka bogsanayaan qaliin adag. Qaar kale waxay u baahdaan marka uu ku dhaco shil adag, tusaale ahaan shil gaari.

Waxaa maalintii Axadda la seexiyay isbitaalka Thomas Boris Johnson isagoo ay ka muuqdaan caalamado joogto ah oo ay ku jirto qandho.

Raiisel wasaaraha Britain, ayaa loo qaaday halkaas, si looga taxaddaro xaaladdiisa, ka dib markii uu ku siyaaday astaamaha cudurka coronavirus.

Cudurka coronavirus wuxuu weerari karaa sambababada, wuxuuna umuuqdaa in ra'iisul wasaare Boris Johnson uu hadda dhibaato ku qabo neefsashada, inkasta oo uusan wali ku jirin mashiinka hawo-mareenka.

Sidee loo daryeelaa?

Bukaan kasta oo ku jira ICU ee qaba coronavirus uma baahna in lagu xiro hawo-side, si uu ula wareego shaqada neefsashada.

Qaarkood waxaa lagu xiri karaa mashiinka taageerada neefsashada ee loo yaqaan CPAP, kaasi oo u adeegsada cadaadis fudud inuu ku riixo oksijiinta marinnada neefta. Bukaannada way ka soo kaban karaan, mana loo seexin karo arrintan, si ka duwan sida kuwa u baahan in la dhigo isbitaalka.

Bukaanada ku jira daryeelka deg degga ah (ICU), waxaa lagu xiraa qalab badan oo kala duwan, iyagoo adeegsanaya tubooyin iyo fiilo, si ay ula socdaan habka uu jirkooda u shaqeynayo.

Waxaana la siin karaa daawooyin xididada laga siiyo iyo dawooyin kale oo kaalmaati ah oo ay ku jiraan nafaqo.

St Thomas, wuxuu khibrad u leeyahay daweynta bukaanka qaba cudurka Coronavirus ee ku jira daryeelka degdegga ah (ICU).

Bukaannada ay xaaladooda aadka u daran tahay waxaa loo isticmaali karaa qalab ka caawiya nolosha oo loo yaqaano ECMO, kaasi oo beddelaya qaar ka mid ah shaqooyinka wadnaha iyo sanbabada.

Tiro yar oo Mashiinadan ah ayaa yaalla dalka Britain oo dhan.

Ka soo kabashada daryeelka deg degga ah

Isla marka uu qofka caafimaad ku filan helo, waxaa dib loogu celin doonaa daryeelka degdegga ah qaybaha kale ee isbitaalka. Tani waxay sariirta u baneyneysaa bukaan kale oo si degdeg ah ugu baahan.

Qaar ka mid ah bukaanada waxay ka bixi karaan maalmo ka dib, balse qaar kale ayaa u baahnaan kara in ay ku jiraan todobaadyo ama bilooyin.

bb
bb