Coronavirus: Siduu u sameyn doonaa dadka ku jira xeryaha qaxootiga?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Labadii ilbidhiqsiba, meel kasta oo dunida ka mid ah, qof ayaa si xoog ah loogu barakiciyaa, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Tirada dadkaasi ee sii kordhayso ayaa si gaar ahaaneed ugu nugul faafitaanka cudurka Corona.
Xaaladaha cidhiidhiga iyo nadaafad darrada ah ayaa macnaheedu yahay in ay talooyinka caafimaad ee loogu talagalay in lagu joojiyo faafitaanka coronavirus - kala fogaanashaha iyo gacmo-dhaqista joogtada ah - ay yihiin kuwo aan u sahlanayn qaxootiga.
Cabsida ayaa sii kordheysa in haddii fayrasku gaadho xeryaha qaxoontiga adduunka, natiijadiisu ay noqon karto masiibo.
"Haddii fayrasku uusan wali ku fidin halkan. Haddii uu ku faafo xeryaha, waxaan u malaynayaa in boqolkiiba 80% ay qaadi doonaan cudurka, maaddaama ay dadku isku dul nool yihiin "ayay mid ka mid ah qaxootigu u sheegyay BBC-da.
Khatarta ugu weyn

Xigashada Sawirka, Chekufa
Chekufa waxay kula nooshahay ninkeeda, labadeeda hablood iyo walaasheed teendho yar oo cabirkeedu yahay saddex mitir iyo afar mitir oo gudaha xerada "Kutupalong Camp" oo ku taal Cox's Bazar, Bangladesh.
Si ay uga baxsadaan xasuuq ba'an oo ka dhaca Myanmar, in kabadan 700,000 oo dadka Rohingya ah ayaa u yaacay dalka deriska la ah ee Bangladesh sanadkii 2017. Waxay u badheedheen duurjoogta iyo wabiyada qulqulaya si ay u helaan nabadgelo.
Saddex sano ka dib, qalalaase kale ayaa isa soo taraya, mana haystaan meel ay aadaan.
"Waxaan haysanaa hal musqul iyo toban qoys, hal tubo ahna waxay u adeegtaa 50 guri. Sidee dadkeenu uga baxsan karaan fayraska xilli ay jirto xaaladdan?" ayay tidhi.
Joojinta dhaqdhaqaaqa oo dhan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Diyaar garow ayaa socda si fayraska ay uga fogaadaan intii suurtagal ah.
Chekfa ayaa yidhi "Maalmihii la soo dhaafay xerada way aamusnaya. Suuqyada, iskuulada diinta iyo xarumaha waxbarashadu dhamaantood way xidhmeen."
"Dadka qaar ayaa iibsanaya maaskaro ama marada afka lagu xirto. Waxaan maqlay in qaar ka mid ah hay'adaha samafalka ay dadka siiyaan saabuun oo ay barayaan sida ugu wanaagsan ee ay gacmahooda u dhaqaan."
Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaaseysa in inkabadan 6.6 milyan oo qof ay ku nool yihiin xeryaha qaxootiga oo dhan. Waxay sameeyaan hawl muhiim u ah bulshada qaxootiga adduunka, oo lagu qiyaaso inay gaadhayaan 26 milyan.
Qiyaastii laba milyan oo dad ah ayaa dagan xeryo iskood loo sameeyo oo caadiyan laga sameeyay agab aasaasi ah oo deegaanka laga heli karo.
Bangladesh waa mid ka mid ah wadamada dadku ugu badan yihiin adduunka iyo intaanba la eegin halka ay u geli karayaan feyraskan safmarka ah.

Xigashada Sawirka, UNHCR
Dalka ayaa ilaa iyo hadda waxaa laga diiwaan geliyey shan dhimasho ah oo uu sababay cudurkan faafa ee coronavirusah, waxaana Chekufa ay dooneysaa in ay helaan shaqaale caafimaad oo dheeri ah oo loo daad gureeyay xeryaha si ay uga war hayaan barakacayaasha.
Hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa sheegtay in aysan jirin kiisas looga shakisan yahay oo ah "Covid-19" xeryaha qaxootiga ee laga sameeyay Bangladesh.
Waxay abuurtay xarumo go'doomin ah oo xammili kara 400 bukaan waqti go'an isla markaana waxay raadinayaan dhul ay dhigaan 1,000 sariirood oo dheeri ah.
Laakiin Kutupalong waa xerada ugu weyn dunida.

Xigashada Sawirka, UNHCR
Qiyaastii 7000km meel u jirta Bangaladesh, oo ku taal Bosnia, qaar ka mid ah qaxootiga waxay u muuqdaan inay kalsooni aad u badan ku qabaan awooddooda ay kula tacaali karaan waxa soo socda.
Rozhan oo 28 sano jir ah, waxay ka carartay Ciraaq iyada iyo ninkeeda iyo seddex caruur ah oo ay dhaleen, waxayna ku noolayd xerada qaxootiga Bihac lixdii bilood ee lasoo dhaafay.
Qoysku waxay isku dayayaan in ay u diraan Finland, halkaas oo walaasheed iyo qaar ka mid ah saaxiibbadeed ay ku nool yihiin.
Rozhan ayaa u sheegay BBC-da "Waan ka soo cararney gurigeena si aan u badbaadinno nolosheenna, oo aan uga baxno dagaal, haddase waxay u eeg tahay inaan wajahayno Coronavirus,"
Waxay tidhi dadku waxay ka hadlayaan fayraska, wayna ka walaacsan yihiin, laakiin hadda si xad dhaaf ah ma aha. Way faraxsanayd waxayna sheegtay inay hesho macluumaadka ay u baahan tahay.
"Mar kale ayay noloshu is-beddeshay"

Xigashada Sawirka, Sima
Sima waa gabar kale oo qaxooti ah oo ka carartay dagaal iyada oo jirta 19 sano jir ah. Waxa ay halkan la joogtaa qoyskeeda oo ka kooban lix qof. Qoyskeedu waxa ay ku noolaan jireen meel ku dhaw xuduudka ay leeyihiin Pakistan iyo Afghanistan.
"Waxaan nahay Pashto, nolosha aabbahayna waxay ku jirtay halis. Qoyskeygu waxay go'aansadeen inay ka baxaan oo u guuraan Faransiiska - waxaan wadnay qorshahaas seddexdii sano ee la soo dhaafay."
Qoyskeeda ayaa ku jira bandow ay iyagu iskood u galeen, waxayna sheegtey inay haystaan cunno ku filan iyo qalab kale oo ay isku ilaaliyaana. Qoysku waxay ku dedaalayaan inay ammaan ahaadaan.
"Markii ugu horraysay ee aan maqlay wax ku saabsan Coronavirus, waxay ahayd 20 maalmood ka hor, oo nolosheenuna hadda mar kale way is beddeshay - waxaana u baahan nahay inaan la qabsanno duruufahaas cusub."

Xigashada Sawirka, Melisa KLJUCA, IOM
Dad badan oo ka yimi Afghanistan iyo Pakistan ayaa raaca marinka dhulka ee loo maro Iran - halkaas oo cudurkani uu si xun ugu dhuftay - si ay u gaadhaan Yurub.
Peter Van der Auweraert, Wakiilka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) Bosnia iyo Wakiilka Herzegovina ayaa yidhi waxay halis ugu jiraan feyraskaas hadday halkaasi maraan.
Bihac waxay hoy u tahay 7,500 muhaajiriin ah, kuwaas oo 5,200 ka mid ahi ay ku sugan yihiin xarumo rasmi ah oo baadhitaanno caafimaad lagu kordhiyey, iyo aagag go'doomin ah oo loo sameeyay kiisaska cudurka coronavirus.
Kuwa ku nool meel ka baxsan xerooyinkan ma helaan wax ilaalin ah.


Khatarta meelaha ka baxsan xeryaha
"Khatarta ugu weyn ayaa ah dadka soogalootiga ah ee ku nool bannaanka xarumaha rasmiga ah, ha ahaadaan hoy gaar ah ama dhismayaal la dayacay. Kooxdan lama baadhin, helitaankooda daryeel caafimaad waxa uu yahay mid aan jirin," Auweraert ayaa sidaas leh.
IOM waxay leedahay haddii ay jiraan kiisas Coronavirus ah oo dhexdooda ka jira, waxay ahaan kartaa mid aan la ogaan karin, sidaasna khatar ku noqon karto muhaajiriinta la nool iyaga iyo dadka deegaanka.
Dadka deegaanku waxay heli karaan daryeel caafimaad oo aan heli karin kuwa ku nool hoyga aan caadiga ahayn. IOM waxay ka shaqeyneysaa inay dhisto xarumo caafimaad inta ay kari karto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haayadda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in ay la shaqaynayso dalal kala duwan, si xarmuha Qaramada Midoobey u gaadhsiiyaan caawimaad kuwa nugul.
Qaramada Midoobey lafteeda ayaa sheegtay in aanay illaa iyo hadda jirin wax xog ah oo ku saabsan safmarka Corona oo ka jira goobaha qaxootiga.
Laakiin, haddii iyo goorta uu yimaado "Covid-19", dal kasta waxaa si weyn loogu dayn doonaa wuxuu haysto, af-hayeen u hadlay WHO ayaa sidaa u sheegay BBC.
Laakiin waddamadaas, kuwooda martigeliya qaxootiga ugu badan ayaa inta badan haysta kheyraadka ugu yar ee lagu caawin karo.













