You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sida loola dagaallamo jiirka iyo kutaanka
Markii Jiir aad u badan uu khalkhal geliyay howlaha jikada uu ku shaqeysanayay Shane Boner, oo u dhashay Gobolka Wicklow ee Ireland, wuxuu go'aansaday inuu raadiyo nidhaamka jirka lagula dagaallami karo oo ka duwan sunta.
"Ma aha ganacsiga wanaagsan in goobta shaqada mar weliba koronto lagu ilaaliyo, dadkuna aad ayey u dhibsanayaan, tijaaabadii aan sameeyayna ma noqon mid ay dadku aad ugu baahan yihiin. Falcelintii ka dhalatay ma ahayn mid nagu filan," ayuu yiri ninka la yimid hal abuurka habkan cusub ee cayayaanka lagula dagaallamo.
"Haddii aan jiirka dabinka ku qabanno ma ogaan karno muddada ay birtaasi qabatay, sida ay u qabatay, halka aan ka heleyno iyo sida dhismaha looga saari karaba, taas oo saameyneyso jawiga oo dhan gaar ahaan markaad ku jirto ka ganacsiga cunnada."
Marka wuxuu doortay qaab wanaagsan oo teknooljiyadda casriga la xiriirta.
Nidhaamkan cusub, wuxuu shirkadda ka caawinayaa in si fudud loo helo digniinaha iyo farriimaha la xiriira jiirka, iyada oo la adeegsanayo xiriirka internet-ka.
Habkan lagula dagaallamayo jiirka iyo kutaanka ayaa ah ganacsi ku kaca lacag gaareysa $602 milyan oo dollar sannadkii, marka la eego sida looga adeegsado Britain iyo Mareykanka.
"Waxay taa ka dhigan tahay in kharashka ku baxaya la dagaallanka iyo maareynta cayayaanka uu sababayo in boqolkiiba 20% uu hoos u dhacayo, shaqaalahana door badan kuma lahaanayaan sida nidhaamyada horay u jiray looga bartay."
Kaameerooyiinka amniga waxay ka mid yihiin waxyaabaha inta badan loo isticmaalo la dagaallanka iyo la socodka cayayaanka, gaar ahaan xilliyada habeenkii iyo goobaha sida fudud aan lagu gaari karin, waxayna kaameeraddu sahleysaa in ay sawirto halka ay ku jiraan doolliga iyo kutaanka. Waxay taa fududeyneysaa in la arko, si fududna loola dagaallamo.
"Waagi hore wey nagu adkeyd inaan si fudud ku helno cayayaanka xataa innaga oo shanqartiisa maqleyno, wakhti badanna waan ku lumin jirnay," ayuu yiri Thomas.
Wuxuuna intaa ku daray nidhaamkan cusub ee lagula dagaallamayo cayayaanka uu noqday "mid si weyn looga soo dhaweeyo hoteellada, si ay uga baxaan dhibaatada ay ku qabaan cayayaankan."
Daraasad 2016-kii ay sameysay shirkadda Orkin oo la dagaallanta cayayaanka waxay sheegtay in sannadkii hore lagu guuleystay 8 ka mid ah 10-kii kiis ee kutaanka ama dhiqlaha hoteellada iyo jiirka, kharash ahaanna adeeggiba ay ku kacday $6,383 doolar.
Inta badan kutaanka ama Dhiqlaha wuxuu dhibaato badan ku hayaa hoteellada, wuxuuna galaa furaashyada iyo barkimaha.
"Dadka waxay inta badan aaminsan yihiin in kutaanka ama dhiqlaha gala barkimaha iyo furaashyada ay ugu wacan tahay nadaafad-darrada hoteellada," ayuu yiri Mr Fryers.