Hooyo carruurteeda u dirtay shaleemo ay geeridooda kula kulmeen

cinema tickets

Xigashada Sawirka, Mansi Thapliyal

Published

Neelam Krishnamoorthy carruurteeda waxay jeclaayeen daawashada filimada - laakiin wuxuu wakhtigu wareegaba, hal galab ayey musiibo weyn ka dhacday shaleemo uu filim ka socday, waxayna taasi sabab u noqotay in Neelam ay muddo tobannaan sano ah dagaal ugu jirto sidii ay caddaalad u heli lahayd.

Sidii ay wax u dhaceen

Subaxnimo ay taariikhdu ku beegneyd 13-kii June, sanadkii 1997-kii, Neelam Krishnamoorthy waxay telefoon ka wacday shaleemo caan ah oo ku taalla magaalada Delhi, ee caasimadda u ah waddanka Hindiya - taasoo lagu magacaabo Uphaar - waxayna ka iibisay labo tigidh oo lagu galayay filim lagu magacaabo Border, oo ah filim ay shirkadda Bollywood ka sameysay dagaalkii Hindiya iyo Pakistan dhex maray sanadkii 1971-kii.

Isla maalintaas ayuu markii ugu horreysay kasoo muuqanayay shaashadaha shaleemooyinka.

Waxaa lagu jiray xilli fasax laga ahaa Iskuullada, gabadheeda Unnati, oo 17 jir ahayd iyo wiilkeeda Ujjwal, oo 13 jir ahaa ayaana doonayay inay soo daawadaan filimkaas.

"Unnati waxay ahayd qof aad uga dambeeya filimada", ayey tiri Neelam. "Waxay dooneysay inay filimkan soo aragto maalintiisa ugu horreysa ee lasii daayo. Sidaas darteed waxaan ka ballan qaaday inaan u iibin doono tigidkiisa".

Neelam Krishnamoorthy

Xigashada Sawirka, Mansi Thapliyal

Qoraalka sawirka, Neelam way xasuusataa wax kasta oo dhacay June 13 1997

Qoyska oo dhan hal mar ayey isla wada qadeeyeen maalintaas - xitaa Neelam way xasuusataa inay cuneen digaag uu u kariyay seygeeda Shekhar.

Waxay sidoo kale xasuusataa dhunkashadii ay Unnati dhabandha ka siisay markii ay guriga ka baxayeen iyada iyo Ujjwal.

Laakiin waxay ahayd markii ugu dambeysay ee ay aragtay carruurteeda oo nool.

Saacaddu markii ay ahayd 4.55pm galabnimo, dab ayaa ka kacay qeybta gawaarida la dhigto ee shaleemada. Qiiqii ayaa kusii fiday jaranjarada wuxuuna galay hoolkii filimka lagu daawanayay. Goob joogeyaal ayaa sheegay in dadkii gudaha ku jiray ay isbuurteen iyagoo doonaya inay bannaanka u baxaan, qaarkoodna ay daaqadihii muraayadaha ahaa jabiyeen ayna ka boodeen.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhammaan dadkii dhintay waxay fadhiyeen qeybta kore ee shaleemada

Laakiin kuwo badan ayaa ku xannibmay gudaha shaleemada, maadaama gawaarida damdamiska ee gurmadka deg degga ah ay ku xayirmeen saxmadda baabuurta ee xilliga gabbal dhaca ah.

59 ruux oo ay ku jireen 23 carruur ah ayaa ku geeriyooday halkaas. Unnati iyo walaalkeed Ujjwal waxay ka mid noqdeen dadkii dhintay.

"Maalintaas ayey nolosheenna mugdi gashay", ayey tiri. "Wax walba halkaas ayey nooga dhammaadeen".

Firemen rescue people during the fire at Uphaar Cinema in 1997

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, The fire at Uphaar cinema killed 59 people including 23 children

Tan iyo xilligaas Neelam waxay maxkamado la tiigsaneysay shirkadaha dhismaha, ka dib markii ay dareentay in haddii dhismaha shaleemada uu si habboon u dhisnaan lahaa ay carruurteeda badbaadi lahaayeen.

Sawirrada Unnati iyo Ujjwal oo yaalla qolka fadhiga ee Krishnamoorthy

Xigashada Sawirka, Mansi Thapliyal

Qoraalka sawirka, Unnati waxay ahayd 17 jir, Ujjwal, isaguna wuxuu ahaa 13 jir, markii ay ku dhimanayeen dabka

Krishnamoorthy way ka guurtay gurigii ay dagganeyd markii ay carruurteeda noolaayeen, laakiin waxay qolkooda ugu diyaarisay sidii uu horayba u ahaa. Uma oggolaato dadka aan qoyskeeda ahayn inay qolkaas galaan, balse waxay sheegeysaa inay wax walba oo ay lahaayeen ugu ilaalisay sidii ay ku ogaayeen - xitaa wiilkeeda Ujjwal koobkii uu shaaha ku cabi jiray wuxuu saaran yahay sariirtii uu dul saaray markii uu noolaa.