Haweeneey xabad lagu dhuftay markii ay joojisay qoob ka ciyaar

Xigashada Sawirka, SUSHEEL SHUKLA
Dalka Hindiya haweeney aroos ka ciyaareysay ayaa isbataalka la dhigay, ka dib markii wajiga laga toogtay.
Sababta toogashada ayaa lagu sheegay in haweeneydan oo ka ciyaaraysay xaflad aroos ay joojisay qoob ka ciyaarka.
Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa muujinaya haweeneydan oo ka ciyaareysa goob ay ka socotay xaflad aroos.
Waxay joojisay ciyaaarta ka dib na waxaa la maqlay dhawaqa rasaasta, waxaana dhulka ku dhacday gabadha oo wajiga gacanta ku haysata.
Booliiska ayaa BBC u sheegay in ay aqoonsadeen ninka toogashada geystay ee muuqaalka ku jira islamarkana uu imika baxsad ku jiro, ayna wali ku raad joogaan.
Dhacdadan ayaa buuq iyo jahwareer ka dhalisay xafladda arooska ah oo 1-dii bishan December ka dhacday tuulo ku taalla gobolka Uttar Pradesh.
Balse waxay arrintan soo shaac baxday maalmo uun ka dib markii muuqaalkan lagu baahiyay baraha bulshada.
"Qofka la tuhunsan yahay baxsad ayuu imika ku jiraa, balse waxaan ku kalsoonnahay in sida ugu dhaqsiyaha badan aan gacanta ugu soo dhigi doonno," waxaa sidaasi BBC u sheegay booliiska.
Rabshadaha ka dhaca xafladaha arooska waa kuwo ku badan qaybo ka mid h dalka Hindiya.
Dadka xafladaha ka soo qayb gala ayaa qaarkood waxa ay sitaan hub ay kor u ridaan si arooska loogu dabaaldago.
Dhacdo tan la mid ah ayaa sanadii 2016-kii ka dhacday gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Punjab.
Sanaddii 2018, gobolka Punjab booliisk waxay xireen nin ka dib markii la sheegay in si aan ula kac ahayn uu u toogtay qof dariskiisa ahaa xilli loo diyaar garoobayay xaflad aroos.
Rasaas ayuu kor u riday isaga oo u dabaaldagayay arooska gabadh uu dhalay.
Balse mid ka mid ah rasaasta ayaa haleeshay haweeney dariskiisa ahayd halkaasi oo ay ku dhimatay.












