Meydadka tahriibayaashii ku geeriyooday gaarigii xamuulka ahaa ee UK oo dalkooda dib loou celiyay

Xigashada Sawirka, BBC News Still
Dhammaan 29-kii qof ee ku geeriyootay gudaha gaarigii xamuulka ahaa ee UK ayaa qoysaskoda dib loogu celiyay shan toddoobaad ka dib markii lag helay gudaha gaari firinjeer saararn yahay.
Dadkan oo dhintay iyagoo u tahriibaya dalkaasi Uk ayaa waxaa ka mid ahaa siddeed haween ah iyo 31 rag ah oo ay ku jireen labo dhalinyaro ah oo 15 sano jirro ahaa.
Meydadka ayaa la helay bishii Octoobar ee sannadkan iyagoo ku jira gaari xamuul ah, waxaana ilaa haatan weli ay baaritaano ka socdaan UK iyo Vietnam.
Darawalkii gaariga siday muhaajiriinta ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu dilaa yahay waxa uuna qirtay inuu caawinayay muhaajiriin sharci darro ah.
Meydadkii ugu horreeyay ayaa 27-kii November laga dajiyay elaboorka magaalada Noi Bai, waxaana qoysaskooda u geeyay ambalaasyo.

Xigashada Sawirka, AFP
Qaar ka mid ah qoysaskooda ayaa BBC-da u sheegay iney deyn kaga tageen caruurtooda oo haatan laga rabo iney iyaga bixyaan, lacagtaasi oo iyaas ahaan gaareyso £2,200.

Xigashada Sawirka, PA Media
Caroline Beasley-Murray oo ah sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegtay: Waan ku faraxsanahay in dhammaan meydadkii ku dhintay musiibadii gaariga xamuulka dib loogu celiyay guryahadood waxaana markasta u dhibaatada la qeyb saneynaa eheladii ay dhibaatada ku dhacday.
Darawakii gaariga xamuulka ah, Maurice Robinson ayaa qirtay inuu gacan ka geystay tahriibinta muhaajiriinta sharci darrada ah uuna la shaqeynayay shirkad dadka tariibisa oo lagu magacaabo ''Cash'' intii u dhaxeeysay 1-dii May 2018-kii ilaa iyo 24-kii Octoobar ee 2019-ka.

Xigashada Sawirka, Facebook












