Sidee loo sameystaa dad badan oo ku taxnaada bartaada Instagram?

Edwin Lane wixii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay Instagram-ka waxaa uu ku jiraa saacad ka yar, durbaba waxaa uu helay oo like saartay ama laga helay inkabadan kun jeer.
Aad ayaa ugu faraxsanahay, waana sawir aan ka qaaday baasto aan ku qadeeyay oo aan dusha sare ka sawiray, durbaba waxaa arkay dad aad u badan.
Hasayeeshee xaqiiqda waxaa ay tahay in dadka sida dhabta ah uga helay sawirka aan so dhigay ay gaarayaan saddex qof oo keliya, oo kun kalena ay yihiin been abuur.
Likes-ka been abuurka ah waxaa ii sameeyay nin lagu magacaabo Dries Depoorter, kaas oo aad ugu takhasusay arrimaha tiknolojiyadda.
Barnaamijka uu adeegsaday ayaa lagu magacaaba Quick Fix- waa barnaamij ama App qofka u sameynaya in dad badan ay ku taxnaadaan akoonkiisa, sidoo kalena ay ka helaan waxyaabaha uu soo dhigo.
Ninkan ayaa dadka ka qaata lacag aan sidas u bandeyn.
Waxaa uu sameeyay akoono badan oo been abuur ah, kuwaas oo qofka ka caawinaya in ay si toos ah ugu xirnadaan akoonkiisa, kana helaan waxwalba oo uu soo dhigo.
"Dhab ahaantii waxaan heystaa kumanaan akoono oo been abuur ah, kuwaas ayaana kugu taxmaya ama ka helaya waxyaabaha aad soo dhigto," ayuu yiri.
"Waa in aad ogataa in waxa ka soo muuqanaya shaashadda taleefoonkaaga aysan ahayn wax jira oo sax ah".
Been abuurka

Dries waxaa uu sameynayaa ciwaano been abuur ah iyo kuwa like saara waxyaabaha dadka ay soo dhigaan, taas oo qeyb ka ah tiknolojiyadda casriga ah ee xiligan.
Wuxuu arrintan u sameeyay si uu u helo lacag. In badan oo ka mid ah dadka isticmaala aaladda Instagarm-ka, waa kuwa heysta caanimo aan waxba ka jirin oo loo farsameeyay sidan oo kale.
Marka aad barta wax laga raadiyo ee Google aad ku dhufato daka kaa caawin kara arrintan, waxaa kuu soo baxaya xarumo badan oo doonaya in ay kaa caawiyaan sidii aad u heli lahayd Likes been abuur ah, kuwaas oo dhaqaale ka sameeya tallaabadan.
In aad hesho kun qof oo kugu taxnaato waa in aad bixisaa 10 doolar ilaa iyo inta u dhaxeysa 15 doolar.
Arrintan ayaa waxaa ay keentay in shirkadaha waaweyn ee caalamka ay lacag ku bixiyaan Instagarm-ka, si ay u helaan dad badan oo arka sawirada badeecadaha ay soo dhigayaan baraha bulshada, kuwaa oo balaayiin doolar ka hela alaabta ay halkaas ku iibiyaan.
Su'aashu se waxay tahay ma khasaaro ayay ku jiraan madaamaa kumanaanka been abuurka ah ee ay soo iibsanayaan ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin.
Andrew Hogue oo ah cilmi baare ku takhasusay arrimaha tiknoljiyadda, kana shaqeeya barnaamij lagu ogaado inta Likes ee been abuur ah ee uu qofka heysto ayaa sheegay in 20-30 boqolkiiba dadka saameynta ku leh Instagaram-ka ay yihiin kuwa iibsaday Likes iyo followers been abuur ah.
"Waxaad iga dhigtaa qof saameyn leh"

Weriye ka tirsan BBC-da oo u kuura galay Instagram-ka been abuurka ayaa arrintan ogaaday kadib markii uu isku dayay in uu noqdo qof saameyn ku leh Instagarm.
Wuxuu sheegay in uu talo ahaan ugu tegay Harry Hugo, oo ka mid ah asaasayaasha shirkad inta badan dadka ama shirkadaha ka caawisa in ay saameyn ku yeeshaan baraha bulshada.
Markii uu u tegay ayaa waxaa lagu yiri "waxaad u baahan tahay shan kun oo qof oo kugu taxnaato".
Harry waxaa uu ciwaankiisa @londonpastaguy soo dhigay sawiro muujinaya isagoo cunaya baasto. Mudo yar kadib, waxaa u arkay dad badan oo kusoo biiray ama Followers u noqday.
Dadka samaeynta ku leh Instagarm-ka ee caalamka ayaa la sheegaa in intooda badan ay yihiin kuwa heysta taageerayaal been abuur ah, dhaqaale badan ka sameeyaa, maadaama ay ku xayeysiiyaan dharka, kabaha iyo badeecadaha kale ee ay soo saaraan shirkadaha waaweyn.











