Shacabka magaalo ku taalla UK ee dhiibta codka 'micno darrada' ah

Xigashada Sawirka, Phil Harriss
Markasta oo ay dhacayaan doorashooyinka guud ee UK, waxaa jirta degmo dhan oo dadkeeda aysan u codeynin xisbiyada waaweyn ee tartamaya.
Waxaana dhalatay aragti ah in codka ay dhiibtaan dad gaaraya 80,000 oo qof oo daggan degmada Buckingham uusan meelna gaarin, islamarkaasna uu noqdo mid khasaaro tan iyo sanadkii 2005-tii.
Sababta ayaa lagu sheegay in ay ugu wacantahay in xildhibaanka degmadan kasoo gala uu yahay Mr John Bercow oo muddo 10 sano ka badan ahaa afhayeenka Aqalka Commons-ka.
Dhaqan muddo dheer soo jirey ayaa ahaa in xisbiyada ay ku heshiiyaan in Afhayeenka Baarlamaanka aanan lagula tartamin degmadiisa, isaguna uu noqdo qof aanan xisbi gaar ah ka tirsanayn.
Markii ugu dambeysay ee ninkan lasoo doortay ayaa ahayd 2017-kii, wuxuuna helay boqolkiiba 65%, taas oo u dhiganta codadkii ay dhiibteen 25 kun oo qof.
Nin magaciisu yahay Phil Harris ayaa billaabay ol'ole uu ugu magacdaray 'Codkeena dib usoo celiya', dooni mayno Afhayeen baarlamaan", wuxuuna ninkan sheegayaa in codkooda uusan meelna ka xisaabsanayn.
Dadka inta badan waxa ay u codeyn jireen Mr Bercow , iyaga oo u malaynaya in ay u codeynayaan xisbiga Conservative-ka, balse xaqiiqda waxa ay ahayd in codkooda aanan meel gaar ah loo tirin.
Halkaas kuma eka dhibaatada dadkan haysata, Mr Bercow marka uu baarlamaanka fadhiyo xaq uma lahan in uu codeeyo, mooshin kasta oo la keenana isaga waa dhexdhexaad maadaamaa uu yahay afhayeenka.
Taasi waxa ay saamaynaysaa dadka deegaanka oo aragtidooda aanan lagu matalin baarlamaanka.
Haddase waxa ay u egtahay in arrintaas ay soo afjarantay kadib markii Mr Bercow uu xilkii afhayeenimada ku wareejiyay xildhibaan Sir Lindsay Hoyle oo laga soo doorto deegaanka Chorley ee degmada Lancashire.

Xigashada Sawirka, UK Parliament
Taas waxa ay ka dhigantahay in dhibaatadii haysatay dadka reer Buckingham ay u wareegtay reer Chorley.
Magaaladan suuqa weyn leh waxay ku taallaa bartamaha deegaan baarlamaaneedka Lancashire - waana dhul baadiye ah oo dhinaca galbeed ka xiga magaalada Manchester.
Laura Crowther, oo ah haweeney 39 jir ah, kana soo jeedda magaalada Chorley, ayaa sheegtay "inay aad uga careysan tahay" in xilli siyaasadeed oo aad muhiim uga ah Britain uu kursiga xildhibaankeeda yahay mid ay baarlamaanka go'aamiyaan.

Xigashada Sawirka, Laura Crowther
Laura waligeedba codkeeda way ka dhiiban jirtay doorashada, laakiin waxay sheegtay inaysan hubin waxa ay markan sameyneyso, inkastoo ay horayba u ogeyd inuu codkeeda khasaari jiray.











