Erdogan oo ku wajahan Mareykanka si uu ula kulmo Trump

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadada booqasho labo maalmood ah ka billaabi doona Waddanka Mareykanka kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa waddankaas Donald Trump, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Anadolu.
Warkan ayey wakaaladdu kasoo xigatay waaxda isgaarsiinta ee dowladda Turkiga.
Madaxweyne Erdogan ayaa Arbacada kulan wadahadal ah la qaadan doona Mr Trump, isagoo ka arrinsan doona dhammaan arrimaha khuseeya xiriirka labada dal iyo sidoo kale xaaladaha ka jira gobolka, gaar ahaan waddanka Suuriya, sida ay sheegtay waaxda isgaarsiinta ee xukuumadda Ankara.
Bayaanka ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Mareykanka ay isla meel dhigi doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Xigashada Sawirka, Reuters
Inta uu Erdogan booqashada ku joogo Mareykanka wuxuu khudbad ka jeedin doonaa kulanka bulshada ganacsatada ee ka dhacaya waddankaas.
Sidoo kale madaxweynaha Turkiga ayaa la kulmi doona jaaliyadda Turkiga iyo Muslimiinta ku dhaqan Mareykanka.
Booqashadan ayaa daba socota heshiiskii ay Mareykanka iyo Turkiga kala saxiixdeen 7-dii bishii October ee dhigayay in xoogagga kurdiyiinta ee YPG ay si nabad ah dib uga gurtaan waqooyiga bari ee Suuriya, gaar ahaan meesha uu Turkigu damacsan yahay inuu ka sameeyo aagga ka caaggan dagaallada.
Turkiga ayaa urur argagixiso ah u aqoonsan kooxdaas oo mar xulafo la ahayd Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Labada Waddan ayaa hadallo kul kulul isweydaarsaday markii ay Milatariga Turkigu 9-kii October billaabeen howlgalkooda gudaha Suuriya.
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga haddii Turkiga uu tallaabo aan loo meel dayin qaado ka dib go'aankii lama filaanka ahaa ee ciidammada Mareykanka ay uga baxeen waqooyi bari ee Suuriya.
Qoraallo uu xanaaq badan ka muuqdo oo is daba joog ah oo uu Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka isagoo difaacay tallaabdaasi oo la aamisan yahay inay waddada u furi karto weerar Turkigu uu ku qaado dagaalamayaasha Kurdiyiinta ee xadka dhinaca Suuriya ku sugan.
Go'aanka uu Trump ciidammadiisa kula soo baxay waxaa xitaa si weyn u cambaareeyay masuliyiinta xisbiga Jamhuuriga oo uu Trump ka tirsan yahay.
Kurdiyiinta ayaa bixitaanka ciidammada Mareykanka ku tilmaamay inay tahay "waran dhabarka uga dhacay".
Turkiga ayaa dhankooda caro weyn ka muujiyay hab dhaqanka Mareykanka iyo sida uu Trump uga falceliyay howlgalka Milatari.












