Madaxweyne bangiyada ku amray iney maal gelin ku sameeyaan eeyda

Xigashada Sawirka, TDH
Madaxweynaha Turkmenistan oo lagu magacaabo Gurbanguly Berdimuhamedov ayaa bangiyo dhowr ah ku amray iney maalgeliyaan mashaariicda lagu hormarinayo tirada eeyda yaryar ee loo yaqaanno Alabay.
Wakaaladda warbaahinta TDH waxay sheegtay, warqad wareegta oo madaxweynaha ka soo baxday in lagu sheegay in bangiyada lagu amray in bangi kasta uu maalgelinta uu ku yeesho saami gaaraya 12.5% boqolkiiba.
Eeyga Alabay ayaa ah nooc la carbisto oo laga helo waddamada bartamaha Aasiya ku yaalla oo keli ah, wuxuuna Mr Berdimuhamedov u muuqdaa mid aad u jecel eydaasi.
Horraanti sanadkan xilli uu ku jiray fasaxiisa, wuxuu qoray buug uu kaga warramayo eyga Alabay, sida ay warbaahinta dalkaasi sheegtay.
Sannadki 2018-kii, wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay sannadki eyda, isaga oo telefishinka Qaranka ka soo muuqday isaga oo xayawaanaad kala duwan la jooga.
Buuggiisa wuxuu cinwaan uga dhigay "Turkmen alabay". Ficilkaas madaxweynaha ayaa gudaha dalkaas si weyn looga dhalleeceeyay.
Madaxda sare ee dowladda iyo aqoonyahanno ka qayb galay xafladdii lagu soo bandhigay buugga "Turkmen alabay" oo lagu qabtay caasimadda Turkmen ee Ashgabat, waxay si weyn u soo dhaweeyeen wax qabadka madaxweynaha.
"Buuggan wuxuu ka mid yahay taariikhda ma guurtaanka ee Turkmen oo shacabka lagu la socodsiinayo, kaas oo uu madaxweynaha ku deeqay," ayey lagu qoryay wargeyska Neytralnyy oo ku hadla afka dowladda.
"Buuggan waa hadiyadda ugu qaalisan oo maalinta xorriyadda dalkaas uu hoggaamiyaha Turkmen ku deeqay, waxaanna rajeeynayaa in dad badan oo buugaagta akhristo oo dalkan ku nool uu soo jiito," ayuu wargeyska sii raaciyey.
Mashruucan eeyda ee Mr Berdimuhamedov ayaa dad badan la yaab ku noqday, sida ay warbaahinta dalkaas u buunbuuniyeen. Waa dal lagu tiriyo waddamada ugu hooseyo xorriyadda saxaafadda oo weliba ka sii hooseeya dalka Kuuriyada Koonfureed, sida ay sheegtay hay'adda u qaabilsan xorriyadda saxaafadda adduunka ee RSF.
Eeyda iyo Fardaha
Eeyga Alabay ayaa durbaba lagu daray hantida ma guurtada ee uu qaranku leeyahay, si la mid ah roogagga gacanta lagu sameeya ee dalka Turkmenistan uu caanka ku yahay iyo fardaha dalkaasi ee Ahal Teke.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyne Berdimuhamedov oo fardahana aad u jecel haddana waxay dadka baraha bulshada isticmaala qaarkood isweydiiyaan jeceylka uu Eeyda u qabo.
Wariye Dmitry Smirnov ayaa bartiisa Tweetarka ku qoray, eed uu u jeedinayo hay'adaha dalka Turkmen sida ay ugu diideen fiisaha dal ku gal si uu uga qayb galo shirka waddamada ururka barwaaqa sooranka ee Ashgabat ka dhacayey.
Wuxuuna sheegay inuu rumeysan yahay sababta fiisaha loogu diiday ay dhici karto qoraal uu sannad ka hor uu bartiisa tweetarka soo dhigay oo uu isku barbar dhigay Berdimuhamedov iyo Putin sida ay labadooduba eyda u jecel yihiin.












