You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Haweeney ka sheekeysay "fadeexaddii ay u dhinteen labadii nin ee soo guursatay"
Liz Hooper waligeed kuma aysan talo-galin inay jeclaato labo nin oo si isku mid ah u qaba xanuunka dhiig dareerka, mana aysan jecleyn inay labo jeer carmal noqoto. Laakiin inay jeclaato labadoodaba way dhacday. Haddana oo uusan midna ka nooleynna waxay sheegtay in qalbigeeda uu si isku mid ah u wada jecelyahay.
Waxay ahaayeen labo shakhsi oo aad u kala duwan, dabeecad ahaan iyo muuqaal ahaanba.
Jeremy wuxuu ahaa nin furfuran oo cod dheer, dadkana dhex gala oo jir dhisan leh. Laakiin Paul wuxuu ahaa lidkiisa.
Iyadu dareenka ay labadooda u heysay wuxuu ahaa mid cad oo khaas ah. Waxay sheegtay in Jeremy uu ahaa Jacaylkeedii ugu horreeyay, halka Paul uu ahaa lamaanihii nolosheeda.
Liz waxaa wali ka go'i la' xanuunka jacaylka iyo xasuusta labadii nin ee soo guursatay, xilli ay hadda geerida Paul kasoo wareegtay lix bilood ku dhawaad toban sanona laga joogo markii uu geeriyooday Jeremy.
Marka laga soo tago jacaylka ay u qabeen Lix, hal arrin oo labadoodaba mideysay waxay ahayd fadeexaddii ay naftooda ku waayeen.
Waxaa lagu tilmaamay fadeexaddii ugu weyneyd ee soo martay waaxda qaran ee adeegga caafi,maadka UK, dadka qaarna waxay sheegeen inay fadeexaddaas sabab u noqotay dhimashada 2,883 qof oo British ah oo qabay xanuunka dhiig dareerka - inkastoo aan ilaa hadda cidna lagula xisaabtamin arrintaas.
Fadeexadda ayaa ku saabsan in dad badan oo qulqulka dhiiggooda uu xadkiisa soo dhaafayay, sida in qofka uu sanka dhiig ka dareero, ay u dhinteen dawooyin khaldan oo la siiyay.
Jeremy iyo Paul waxay ka mid yihiin dadka iyagoo laga daweynayo xanuunkaas dawada khaldan la siiyay ee durbana u geeriyooday.
Liz waxay goob joog u ahayd labadeeda sey oo si naxdin badan ugu jeeriyoonaya natiijadaas.
Jacaylka ay labadoodaba u qabtay
Haddii uusan Liz ka dhiman lahayn Jeremy ma aysan la kulmi lahayn Paul. Taasina dabcan waa macaan iyo kharaar wadajira, sida ay sheegtay.
"Sababtoo ah waxaan jeclaan lahaa in labadooduba aysan dhimanin, haddana sidaas oo ay tahay ma jeclaan lahayn in midkood uu ka maqnaado nolosheyda", ayey tidhi.
Jeremy
Sanadkii 1978-kii, Liz oo 13 jir ah ayuu Iskuulkeeda kusoo biiray Jeremy Foyle, dhammaan ardaydana waxaa markaas loo sheegay in uu qabay xanuunka dhiig dareerka, sidaas awgeedna waxaa lagu amray inaysan cidna la dagaalin wiilkaas.
Way isbarteen, muddo ayey wada socdeen ka dibna way isguursadeen.
Jeremy wuxuu dhashay 17-kii bishii April ee sanadkii 1965-kii.
Waxyaabaha ay sida weyn ugu xasuusatay waxaa ka mid ah cajal uu siiyay habeenkii ugu horreeyay ee ay isbarteen Liz, waxayna cajalkaas heysay muddo sannado ah ka hor inta aysan isguursanin.
Nasiib wanaag, shan sano ka dib isbarashadoodii, waxaa dhacay aqal galkooda, isla markii ay iyadu waxbarashadeeda iskuulka dhammeysatayba.
Muddo dheer ayuu xanuunka dhiig dareerka la noolaa, inta badanna wuu ka qarin jiray saaxiibadiisa kale iyo asxaabta ay isla shaqeeyaanba.
anadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii, waxaa soo baxay dawooyin loogu talagalay dadka xanuunka dhiig dareerka qaba, waaxda qaran ee adeegga caafimaadkana waxay billowday in ay kasoo dhoofsato dalal dibadda ku yaalla oo uu ka mid ahaa Mareykaka.
Hase yeeshee goor dambe waxaa warbaahinta laga sheegay in dawooyinkaas ay ku lifaaqnaayeen jeermisyo watay cudurro kale oo halis ah.
Ugu dambeyntiina Jeremy wuxuu u geeriyooday xanuunnada uu ka qaaday dawooyinkaas khaldanaa.
Paul
Markii ay Liz xoogaa kasoo kabsatay murugadii badneyd ee kasoo wajahday geerida seygeedii hore, wiilkeeda ayaa ku dhiirrigaliyay inay mar kale isu furfurto dunida.
"Sidan ma fiicna, waa khalad hooyo", ayuu ku yidhi. Wuxuu u sameeyay ciwaan Facebook ah. Markaas waxay ahayd sanadkii 2009-kii. Liz waxba kama aysan aqoonin waxa uu Facebook yahay.
Maalin maalmaha ka mid ah ayey comment ka bixisay sawir uu soo dhigay qof saaxiib kula ah Facebook-ga. Kadib qof ayaa kusoo dul jawaabay qoraalkeedii. Qofkaas magaciisu wuxuu ahaa Paul Hooper, wuxuuna saaxiib Facebook kula ahaa qof ay Liz saaxiib ahaayeen.
Liz jawaab kale ayey ka bixisay qoraalkiisii, isaguna wuu soo laba jawaabay. Kadib waxay isweydaarsadeen farriimo khaas ah, sidaas ayeyna isku barteen lamaanihii nolosheeda.
Laakiin arrinti waxay noqotay lama filaan. Liz markii ay jeclaatay Paul ka dib ayey ogaatay inuu qabo xanuunka dhiig dareerka, uuna ku jiro isla xaaladdii uu ku jiray nikeedii hore.
"Ma aanan raadineynin inaan nin kale is guursanno, iskaba daa inaan rabay nin xanuunkaas qabo", ayey tidhi.
Maalin ku beegneyd dabayaaqada isbuuca ayey Paul iyo Liz isugu imaadeen guri uu lahaa qof saaxiib ah, halkaas ayeyna markii ugu horreysay isugu arkeen si fool-ka-fool ah.
Labadooduba way iska heleen, wayna is jeclaadeen.
Wax badan kama soo wareegin markii ay guur ku heshiiyeen, sidaas ayeyna nolosha ku wadaageen.
Ka hor inta uusan xiriirkooda aad usii weynaanin, Paul wuxuu xusay inuu qabay cudurka HIV iyo cagaarshowga nooca loo yaqaanno hepatitis C, labada cudurna wuxuu ka qaaday dhiig khaldan oo lagu shubay, isagoo laga daaweynayo xanuunka dhiig dareerka.
Laakiin sida qeybaha kore ee sheekada ku xusanba, Paul wuxuu u dhintay dawada khaldan ee xanuunkiisa loo isticmaalo, taasna waxaa sabab u ahayd qeyb ka mid ah fadeexaddii dishay Jeremy.