Haweeneydii darbi-jiifka ahayd ee ay heesteedu qabsatay baraha bulshada

Qoraalka Muuqaalka, Emily Zamourka oo qaadaysa hees
Published

Markii askari booliis ah oo ka shaqeeya Los Angeles uu joogsaday wadada si uu muuqaal uga duubo haweenay darbi-jif ah oo hees ku luuqaynaysa baartamaha waddada ma uusan filayn in muqaalka uu haweeneydan ka duubay uu noqon doono mid qabsada baraha bulshada oo aad loo hadal hayo.

Emily Zamourka ayaa laga arkayay muuqaalka iyada oo ku luuqeynaysa heesta Puccini's O Mio Babbino Caro.

Waaxda booliska Los Angeles ayaa muuqaalkan soo dhigay bartooda Twitter-ka halkaasi oo malaayiin jeer la daawaday.

Codka hal-haasiga leh ee haweeneydan 52 jirka ah ayaa taabtay quluubta dad badan.

Mid ka mid ah dadka isticmaala Tweetarka ayaa soo qoray : "Codkeeda waa mid la yaab leh! waxaan u rajeynayaa noolal wanaagsan , wuu mahadsan yahay askariga muqaalka so duubay ee baraha bulshada la wadaagay!"

Balse qaar kale ayaa su'aal galiyay inay darbi jiif tahay Ms Zamourka ,.mid ka mid aha dadkasi ayaa soo qoray : "boorsadeeda,dharkeeda iyo timaheeduba waa nadiif waxayna u muuqataa innay dukaamaysanayso."

Ms Zamourka ayaa u sheegtay wargeyska Los Angeles Times in Mareykanka ay timid iyada oo 24 jir ah ayna ka timid Ruushka halkaasi oo ay ku baratay garacidda Biyaanada iyo Kabanka.

Barta internetka ee lagu qoro dadka caanka ah ee loo soo gaabiyo TMZ ayaa baahisay in haweenayda qandaraas shaqo uu siiyay nin soo saara muusiga ah.

Wepsit-ka LAPD ee wax ka qora dadka caanka ah ayaa u mahadceliyay askariga soo duubay muuqaalka haweeneydan ee baraha bulshada soo dhigay.

Dhowr shirkadood oo ah kuwa baraha internetka ayaa iyagu sheegay in diyaar ay u yihiin inay caawiyaan Ms Zamourka sidii ay ku heli lahayd guri loogana badli lahaa qalabka muusiga ee ay wadato .

Afhayeenka dowladda hoose ee Los Ange,es , Branimir Kvartuc, ayaa yiri : "waan aragnay muuqaalka iyada oo ku heesaysa af Taliyaani ,waxaa fiicnan lahayd in ay noo heesto,waa in aanu shaqo siinaa.

"Isniintii ayaan wacay waana helay waxaana u sameeyay ballan qaaday wayna ku faraxday ayuu intaa ku daray."