Hindiya ma ku guuleysaneysaa dagaalka ay ku xakameyneyso wasakheysiga hawada?

Nin wajiga xidhan si uu wasakhda hawada isaga ilaaliyo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Wasiirka qaabilsan Delhi Arvind Kejriwal, ayaa dooddiisa ku aaddan isbeddelka cimilada magaalada delhi soo dhigay bartiisa tweetarka, isaga oo sheegay iney jiraan arrima badan oo weli wax ka qabasho u baahan si loo yareeyo hawada wasakheysan ee caasimadda.

Delhi ayaa sanadihi la soo dhaafay wajaheysay xaalad adag oo dhanka hawada wasakheysan, iyada oo ay ugu daran tahay xilliyada jiilaalka.

Bishi November ee 2018-kii waxay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ka digtay iney 20 jibbaar sii korodhay hawada wasakheysan ee Delhi loona baahan yahay in la qaado tallaabbooyin lagu xakameynayo dhibaatadaasi.

Waxaana loo sabeebeeyey hawada wasakheysan ee Delhi iney sii korodho tirada gaadiidka oo aad u sii badanaya, warshadaha iyo dhismaha oo iyagauna si xowli ah ku socda, waxyaabaha kala duduwan ee la gubo sida qashinka oo magaalada ku badan, dab shidka aadka u badan ee munaasabadaha diimaha la shido oo aad u badan.

Maxaa isbeddelay?

Mr Kejriwal ma uusan sheegin marka uu leeyahay 25% ayey hoos u dhacday wasakhda hawada lagu sii deeynayey waxa is beddelay. Balse xog rasmi ah oo ay soo saareen koox fadhigeedu yahay oo daraasad sameeysa oo lagu magacaabo CSE ayaa tilmaameysa iney hoos u dhac 25% ay ku timid waxyaabaha wasakheynta hawada gacan ka geysta ee loo yaqaanno PM2.5 marka sanadda 2016-18 la barbardhigo 2012-14.

Ciyaartooyda Sri Lanka oo maaskaro xiran xilli ay Delhi kula ciyaarayeen dhiggooda Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciyaartooyda Sri Lanka oo maaskaro xiran xilli ay Delhi kula ciyaarayeen dhiggooda Hindiya

Kooxda CSE ee cilmi baadhista sameeysay waxaa kale oo ay warbixinta daarassadda ay sameyeen ku sheegeen:

  • Xaddiga PM2.5 oo malin walba hawada galayey inuu hoos u dhacay
  • Waxaa sidaoo kale hoos u dhacay hawada wasakheysan oo malin walba hawada galeysay
  • Inta maalmood ee ay wasakheysiga hawada aadka u badneydna inuu hoos u dhac ku yimid

Maamulka magaalada Delhina wuxuu qaaday tallaabbooyin dhowr ah si loo yareeyo wasakheysiga hwada magaalada oo ay ka mid yihiin: in injinnada gawaarida loo isticmaalo shidaal wasakhdiiso yar tahay, in la hakiyo gawaarida wakhtiyada kooban oo keli ah la adeegsado, joojinta in la isticmaalo gaaska warshadaha hawada wasakheysan sii daayo iyo in gaadiid duug ah la isticmaalo.

Dowladda dhexena waxay dhankeeda qaadday tallaabbooyin ay ka mid yihiin waddooyin waaweyn oo saxmadda gawaarida xal u noqda oo ay magaalada ka dhistay oo bariga iyo galbeedka Delhi.

CSE waxaa kale oo ay warbixinteeda ku sheegtay Delhi iney weli u baahan tahay 65% in hoos loo dhigo wasakheysiga hawada ee PM2.5.

Waxyaabaha kale ee hawada wasakheeya?

Nooca wasakheysiga hawada ee PM2.5 ayaa khatar weyn ku keena caafimaadka, waana nooca keli ah ee hawada wasakheeya ee dhibaatada keena.

PM10 waa walxa aad u yaryar oo hawada raaci karo si fududna sanka qofka uga geli kara si toos ahna sanbabbada u gaari kara wuxuuna inta badan keena cudurrada neefsiga sida neefta ama naqaska.

Jaantus

Haddaba waxaa jira astaama muujinaya in PM10 uu magaalada Delhi uu hoos u dhac uu ku yimid, sida ay sheegeyso xogta laga helayo daraasadda uu sameeyey Prashant Kumar Jaamacadda Surrey ee daraasadda hawada nadiifka caalamka.

Balse waxay daraasaddu sheegtay heerka PM2.5 iyo PM10 ay magaalada Delhi ka marayaan iney ka sarreyso heerka dalka Hindiya loo dajiyey iyo kan ay dajisay hay'adda caafimaadka Adduunka ee WHO.

Delhi magaalooyinka kale miyey ka wanaagsan tahay?

Wey adagtahay magaalada Delhi in magaalooyinka kale la barbardhigo balse waxaa si cad loo sheegi karaa iney hawada magaalada ay wanaagsan tahay marka loo eego magaalooyinka kale ee Hindiya.

Magaaladu hadda waxay leedahay 38 xaruumood oo kala duwan oo oo lagu baaro tayada hawada magaalada halka ay magaaloyinka yaryar leeyihiin hal xaruun oo weliba intooda badan ay yihiin kuwa duug ah.

Hay'adaha dowliga ee maamulka magaalada Delhi iyo dowladda dhexeba waxay diyaar u yihiin iney qaadaan tallaabbooyin kale oo ay hawada wasakheysan lagu xakameynaya, iyaga oo ujeeddadoodu tahay heerka PM2.5 iyo PM10 20% iyo 30% inay hoos u dhigaan marka la gaaro sanadda 2024.