Carruurta lagu la'yahay Nigeria: "Waxaan ku khasbanaaday inaan labadeyda cunug mid ka tago midna badbaadiyo"

.
Qoraalka sawirka, Shubeyb wuxuu ka mid yahay kumannaan carruur ah oo qoysaskooda ka maqan
Published

Sheekooyin aad u naxdin badan ayaa ka dambeeya dadka lagu la'yahay waddanka Nigeria, kuwaasoo u badan carruur, tanina waa qisada qalbiyo badan gilgishay ee ku saabsan hooyo ku khasbanaatay inay labadeeda cunug mid ka dhaqaaqdo, iyadoo weerar uu ku socdo.

Hooyadan da'da yar oo lagu magacaabo Asibi waxay weysay wiilkeeda 5 sano ka hor, mar ay ka baxsaneysay weerar ay xaafaddeeda kusoo qaadeen xoogagga kooxda Boko Haram.

Hase yeeshee, waxay dad badan uga duwan tahay qisada xanuunka badan ee ay mar walba ku qarawdo, taasoo sida ay BBC-da u sheegtay, aysan marnaba illoobi karin.

"Waxaan ogaa in haddii aan carari waayo, halkaasna ay igu soo gaaraan kooxda Boko Haram, inay i dili lahaayeen aniga iyo dhammaan carruurteydaba, taas ayeyna ahayd sababtii igu kalliftay inaan ka tago wiilkeyga, ilaa maantana waan ka qoomameeyaa go'aankaas", ayey tidhi Asibi.

.
Qoraalka sawirka, Hooyadan da'da yar waxay ku khasbanaatay in labadeeda cunug ay mid ka dhaqaaqdo

Waxay haweeneydan wajahday kala doorasho aan macquul ahayn.

Wiilkeeda yar waxaa xanuunayay lugaha, maadaama ay habeenkii oo dhan isku qarinayeen meel ciriir ah, mana uusan awoodin inuu intaas ka badan sii lugeeyo.

"Wiilkeyga Shuceyb ma uusan socon karin, anigana waxaa la iiga baahnaa inaan si deg deg ah go'aan ku gaaro, haddii ay tabarteyda ii saamixi lahayd inaan xambaaro, waan xambaari lahaa laakiin ma awoodin inaan labadoodaba isla qaado hal mar".

Iyadoo cabireysa xanuunka joogtada ah ee ay dhacdadaas sababta u tahay ayey tidhi: "Marxaladda aan maalinkaas ku sugnaa mar walba qalbigeyga ayey kusoo noq-noqotaa, Waxaan dhabta ku heystay cunug yar oo naaska jaqaya, aad buu u oynayay cunugga yar, sidaas awgeed waxaa khasab igu ahayd inaan ka tago hal cunug".

Wiilkeyga ayaa mar walba ka fikiraa

.
Qoraalka sawirka, Asibi waxay mar walba ka fikirtaa wiilkeeda maqan

Asibi ayaa iyadoo aad u ilmeyneysa BBC-da u sheegtay in wiilkeeda uu mar kasta qalbiga uga taagan yahay.

"Waxay ahayd xaalad ciriir badan sidii aan wiilkeyga ku waayay, laakiin mar walba waan ka fikiraa isaga uun, xilli kasta oo aan ka fikirana waan sii qalbi jabaa, siduu Alle igu ogyahay".

In ka badan 22,000 oo qof ayaa ilaa hadda lagu la'yahay dagaallada ka dhaca waddanka Nigeria, qoysaska ay dadkan ka maqan yihiin ayaana dowladda ka diiwaan galiyay tiradan.

Hase yeeshee, hay'adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in dadka maqan tiradooda saxda ah ay intaas aad uga badan tahay.

In dib loo mideeyo dadka la la'yahay iyo qoysaskooda sugaya ayaa lagu tilmaamay arrin aad u adag, inkastoo uu dadaal jiro.

.
Qoraalka sawirka, Hooyadan waxay ku hungowday wiil aan ahayn wiilkeeda oo la helay

Hooyadan oo lagu magacaabo Yamiram waxay maqashay in la helay wiilkeeda oo ka maqnaa muddo 4 sano ah.

Aaad bay u faraxday, laakiin goor dambe waxay ogaatay in qofka la helay uusan ahayn wiilkeeda balse uu yahay mid lagu khalday magaciisa, wayna muraara dillaacday.

60% ka mid ah dadka maqan waxaa la sheegay inay yihiin carruur.

.
Qoraalka sawirka, Qoyskan waxay wiilkooda dib u heleen bishii May

Waxaa jiray dad tiro yar oo nasiib u yeeshay inay qoysaskooda dib ula midoobaan.

Kumannaanka ruux ee maqan, waxaa dib loo helay 367 ruux oo kaliya.