Iiraan ma waxaa cunaqabatayn laga saaray dawooyiinka?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .
Published

Iiran ayaa sheegtay in cunaqabataynta lagu hayo ay hor istaagtay in dalkaasi ay gaaraan daawooyiinka muhimka ah ee noolasha lagu badbaadiyo ,iyda oo ay jirto in daawooyiinka iyo qalabka caafimaadka aysan qayb ka ahayn cunaqabataynta Mareykanka.

Xukuumadda Washington ayaa dhankeeda arrintan beenisay.

"Cunaqabataynta Mareykanka qayb kama aha daawooyiinka iyo qalabka caafimaadka ee Iran loo dhoofiyo," waxaa sidaasi sheegay Brian Hook ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Iiraan.

Hadaba side cunaqabataynta u saamaynaysaa helida daawooyinka ee Iiraan?

Maxay yihiin daawooyiinka ay Iiraan soo dhoofsato?

Iiraan ayaa soo saarta inta badan daawoioyiinka dalkaas laga isticmaalo,balse marka ay timaado daawooyiinka hormarsan waxa ay ku tiirsan tahay daawooyinka la soo dhoofiyo.

Iyada oo lagu qiyaaso in 4% oo kali ah ay daawooyiinka ka yimaadaan dalka dibaddiisa ayaa haddana waxa daawooyiin badan oo qaali ah uga yimaadaan dalal kale.

Daawooyiinka la soo dhoofiyo ayaa inta badan leh taariikh xaddidan oo ay dhacayaan ,balse waxaa soo baxaya caddeymo muujinaya xaaladda dhabta ah.

Laanta luuqada Persian-ka ee BBC ayaa waxa ay dhageystayaasheeda u sheegeen in qiimaha dawooyiina ay sare u sii kacayaan.

Cudurada halista ah ayaa la sheegay inay adagtahay in daawooyiinkooda la helo.

Cunaqabataynta ayaa sare u qaaday qiimaha islamarkana qiimaha lacagta Iiraan ayaa hoos u dhacday

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Cunaqabataynta ayaa sare u qaaday qiimaha islamarkana qiimaha lacagta Iiraan ayaa hoos u dhacday

BBC ayaa la hadashay qaar ka mid ah shirkadaha daawooyiinka keena gudaha Iiraan waxayna sheegeen in gabaabsi dhanka dawooyiinka ah uu jiro islamarkana qiimuhu oo aad u sareeyo.

"Waa in aan u safraa magaalooyiin kale si aan u baadigoobo bal in Farmasiyada laga helayo daawooyiin," ayya yiraahdeen.

"Qaar ka mid ah daawooyiinka ayaa la helaa, balse qiimaha ayaa aad u sareeya".

Dawooyiinka cudurka Kansarka,iyo daawooyiinka cudurka macaanka ayaa gaar ahaan aad u adag in la helo, sida ay sheegeen.

Sida ku cad qiimayn ay soo saartay Iiraan 12 bilood ee ugu dambeeyay qiimaha adeegyada caafimaadka ayaa ahaa kuwa aada u sareeyay 19%.

Balse qiimaha aadka u sareey ayaa waxaa jira kara sababo kale oo aan ka ahayn cunaqabataynta Iiraan.

Baaritaan indho

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Baaritaan indho

Qaabkee cunaqabataynta u shaqaysaa?

Cunaqabatayntii caalamiga ahayd ayaa Iiraan laga qaaday 2016 ka dib heshiis ay Iiraan la galeen dowladaha quwadaha waawayn.

Balse Mareykanka ayaa cunaqabataynta dib ugu soo rogay Iiraan bishii November 2018.

Mareykanka ayaa ugu hanjabay ciqaab adag iyo in nidaamka dhaqaalaha Mareykanka laga saari doono shirkadaha ajaaniibta ee isku daya in ay iska dhaga tiraan xannibaadaha Iiraan lagu soo rogay.

Hasa yeeshee hay'adaha iyo shirkadaha dhoofiya alaabaha gargaarka sida daawooyiinka iyo qalabka caafimaadka iyo shirkadaha fududeeya ganacsiyada noocaasi ah ayaan lagu ciqaabi doonin in xiriir ganacsi la sameeyaan xukuumadda Tehran.

Iiraan ma gaaraan dawooyiin?

Tiro ay Iiraan soo saartay oo ay BBC aragtay ayaa muujinaysa in 16 kii bilood ee ugu dambeysay ayaa waxaa jira guud ahaan dawooyiin loo dhoofiyay gudaha Iiraan.

Dhoofintaasi waxay gaartay meel sare taasi oo ahayd $176 milyan bishii September 2018, ka dib hoos ayay u dhacday.

Bishii June 2019, ayaa dawooyiinka loo dhoofiyo Iiraan waxay hoos u dhacday 60% taasi oo u dhiganta $67milyan oo doolar.

Hoos u dhaca waa mid loo aanayn karo cunaqabataynta, balse tirada wa mid yar suuragalna ma aha in la dhaho waxaa ka musuul ah cunaqabataynta.