You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mudaharaad caddaalad loogu raadinayo gabar Soomaali ah oo ka dhacay London
Dibadbax ay dad badan ka qeyb galeen oo caddaalad loogu dalbanayo gabar yar oo Soomaali ah ayaa maanta ka dhacay magaalada London.
Gabdha yar ee caddaaladda loo raadinayo ayaa dhawaan geeriyootay, waxaana qoyskeedu ay sheegeen in dhimashadeeda ay ka dambeysay dhibaateyn badan oo loogu geystay Iskuulkii ay dhiganeysay.
Shukri Cabdi ayaa la sheegay in muddo dhowr bilood ah lagu dhibaateynayay goobtii ay waxbarashada u joogtay.
Dadka dibadbaxa ka qeyb qaadanayay ayaa isugu tagay bannaanka hore ee xafiiska ra'iisul wasaaraha UK.
Waxa ay sidoo kale ku wareegeen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada, iyagoo sitay boorar uu ku qoran yahay halkudhigga ka turjumaya ujeeddada mudaharaadka.
Meydka Shukri ayaa 27-kii bishii Juun laga helay wabiga Irwell, kaddib markii ay boolisku sameeyeen howlgal baadigoob ah.
Hooyadeed oo lagu magacaabo Zamzam Tuure ayaa qeylo dhaan u gudbisay laamaha ammaanka, markii ay gabadheeda iskuulka kasoo laaban weyday.
Dhibaatooyinka foorjada iyo qashqashaadda ah ee loo geysto ardayda ayaa sababa musiibooyin ay ka mid yihiin dhimasho iyo xanuunnada dhinaca dhimirka ah.