Maxaad ka taqaanaa xayawaanada qeybta ka ah koobka Afrika ee AFCON?

Published

Koobka kubbadda cagta Afrika ayaa ka soconaya dalka Masar, waxaana ka qeybgalaya 24 dal, dhammaantoodna waxa ay leeyihiin astaamo kala duwan oo durba lagu kala garan karo iyo magacyo naanays ah.

Naanaysta waa arrin muhiim u ah dadka Afrikaanka ah, gaar ahaan kubbadda cagta dadka ku hawlan, mana ahan oo kaliya in dadka taageerayaasha ah ay ku aqoonsanayaan, ee sidoo kale waxa ay dhiirogalin u tahay ciyaartooyda laftooda.

Gorgorka

Muddo 3 todobaad ah, haadkan waxa uu si cad uga dhex muuqan doonaa ciyaaraha ka socda Masar, waxaa magacan loo yaqaanaa xulka qaranka Nigeria.

Waxa ay magacan ka keeneen astaanta ciidanka oo uu xayawaankani ku sawiranyahay.

Sidoo kale kooxda Tunisa ayaa loo yaqaanaa gorgor, waxayna arrinta la xiriirtaa ilbaxnimo hore oo uu dalkaas soo maray, taas oo astaan ka dhigatay noolahan.

Hana hilmaamin Gorgorada Maali.

Kooxda dalka Uganda ayaa waxaa loo yaqaanaa Cranes, oo la micno faanta maroodiga.

Xayawaanada kale sida libaaxa, maska iyo shabeelka dhammaan waxa ay astaamo u yihiin xulalka Afrikaanka ah.

Qaar ka mid ah magacyada kooxaha iyo astaamahooda

  • Libaaxyada Cameroon - Waa magac u shaqeeyay marka la eego ciyaaraha ay soo bandhigeen, afar jeer ayay ku guuleysteen kooxkan, waana kuwa hadda difaacanaya koobka.
  • Morocco - Libaaxyada
  • Senegal - Libaaxyada
  • Ivory Coast - Maroodiga waana astaanta qaranka dalka, waxaana ugu wacan ka ganacsi foolka maroodiga ee dalkaas caanka ku ahaa
  • Benin - Dabangaalayaasha waa xayawaanka ugu yar ee liiska ku jira
  • Angola - Deerada
  • DR Congo - Shabeelada
  • Algeria -Dawacada
  • Guinea-Bissau - Yeyda

Boqorada iyo halyeeyada

Xushmadda loo hayo dadka xukunka haya waa dhaqanka Afrikaanku leeyihiin, mana ahan wax la yaab leh in kooxaha qaar loogu magac daray.

Kooxda Masar oo 7 jeer qaadday koobkan ayaa waxaa loogu magacdaray boqorada Afrika, waana magac ku habboon maadaamaa Fircoon dalkaas kasoo jeedo.

Kooxda faraaciyiinta waxa ay isku koox ka dheelayaan Halyeeyada Zimbabwe.

Balse Kenya iyo Ghana iyaga magacyada meelo kale ayay kasoo hindiseen, kooxda Kenya waxaa lagu magacaabaa Harambee Stars, oo loola jeedo "Wadajir wax u wada qabsi".

Kooxda Ghana waxaa loo yaqaanaa The Black Stars ama xidigaha Madmadoow, taas oo ka dhigan xiddigaha ku yaala calanka dalkaas.

Taageerayaasha kubbadda cagta Afrika ayaa sugaya dhammaadka tartanka oo ku beegan 19-ka July si ay u ogaadeen xulka qaadi doono koobka iyo magaca xayawaanka ee uu wato xulkaas.