You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wararkii ugu dambeeyey ciyaaraha
Kooxda Chelsea ayaa meel wanaagsan waxa u maraya wadahadal ay kula jirto kooxda Athletic Bilbao ee ka dheesha Spain taasoo ay ka doonayso goolhayaheeda Kepa Arrizabalaga, waxaana la sheegaya inuu ku kici karo lacag dhan £71m, oo noqonaysaa lacagtii ugu badneyd ee abid lagu iibsado goolhaye.
Chelsea ayaa u muuqata mid ka niyad jabtay goolhayaheeda caalamiga ah ee Koortuwaa, kaasoo la sheegay inuu doonayo inuu u wareego kooxda Real Madrid, welina aan kusoo laaban garoonka Stanford Bridge.
Kooxda Liverpool-na waxa ay ciyaaraheeda saaxiibtinnimada xalay kusoo afjartay guul ay ka gaartay kooxda Torino ee ka dheesha Talyaaniga, waxaana ay uga badisay 3-1.