Waa tuma Sahle-Work Zewde, madaxweynaha cusub ee Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters
Xubnaha Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta madaxweynaha waddanka u doortay Sahle-Work Zewde, ayadoo noqonaysa haweeneydii ugu horraysay ee dalkaas madaxweyne ka noqota.
Ms Sahle-Work ayaa xilkeedu wuxuu yahay mid aan wax fulin ah lahayn, hase yeeshee Afrika oo dhan ayey u noqotay gabadhii ugu horraysay ee madaxweyne noqota.
Markii xilka loo dhaariyey ayey ballan qaadday in ay aad uga shaqaynayso sinaanshaha ragga iyo dumarka dalka Itoobiya.
Ayadoo Baarlamaanka la hadlaysay ayey sidoo kale ku yaboohday inay dhiirri galinayso nabadda "waxaan idinka codsanayaa dhamaantiin in aad nabadda sarraysiisaan, magaca hooyooyinka, oo ah kuwa ugu horreeya ee ku dhibtooda nabad la'aanta".
Ms Sahle-work baarlamaanka ayaa u codeeyey ka dib markii uu is casilay madaxweynihii Itoobiya, Mulatu Teshome.
Madaxa xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Fitsum Arega, ayaa bartiisa Twitter ku soo qoray in talaabadaas ay tahay mid dumarka looga qayb galinayo "go'aan gaaridda".
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Waa tuma Sahle-Work Zewde?
2011 ilaa iyo maanta oo loo dhaariyey madaxweynenimada dalkeeda waxay Sahle-Work ahayd agaasimaha guud ee xasiiska Qaramada Midoobay ee Nairobi.
Waxay soo noqotay wakiilka gaarka iyo madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka nabad dhisidda ee jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (BINUCA).
Xilalka kale ee ay soo qabatay waxaa ka mid ahaa wakiilka Itoobiya u qaabilsan Midowga Afrika iyo guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha Afrika (ECA), iyo sidoo kale agaasimaha arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.
Ms Zewde ayaa sidoo kale soo noqotay safiirka Itoobiya u fadhiya Faransiiska, hay'adda UNESCO, waxayna kaloo u xil saarnayd dalalka Tunisia iyo Moroco 2002 - 2006.
1993 - 2002 waxay noqotay safiirka dalkeeda u fadhiya Jabuuti iyo IGAD, iyo Senegal, waxayna kaloo u xil sarnayd dalalka Mali, Cape Verde, Guinea-Bissau, Gambia iyo Guinea oo ay safiir ka soo noqotay 1989-1993.

Xigashada Sawirka, AFP
Muddo 30 sano ah ayey arrimaha diblomaasiyadda iyo hawlaha Qaramada midoobay ku jirtay.
Waxaa la filayaa in ay la timaado waayo aragnimo baaxad leh.
Ms Zewde waa mutacallimad cilmiga sayniska dabiiciga ah ka baratay Jaamacadda Montpellier ee Faransiiska, waxayna si fiican ugu hadashaa luqadaha Amxaariga, Faransiiska iyo Ingiriiska.
Waxay dhalatay 21 Febraayo 1950, waxayna dhashay laba wiil.












