Jeff Sessions oo weerar rogaal celis ah ku qaaday Trump

Published

Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalka Maraykanka Jeff Sessions ayaa ka jawaabay weerarkii ugu dambeeyay ee uga yimid dhinaca Donald Trump, isagoo ku adkaystay in waaxda caddaaladdu aysan goradda u laadlaadin doonin cadaadis siyaasadeed.

Arrintan ayaa soo cusboonaatay ka dib markii uu madaxweynaha Maraykanku sheegay in Sessions uusan gacanta ku heynin maamulka waaxdiisa.

Trump ayaan la gabbanin eedaymaha uu u jeediyo waaxda caddaaladda.

Waxaa si gaar ah uga caraysiiyay sida ay waaxdaasi u maaraysay baaritaanka lagu hayo in Ruushku uu faro galiyay Doorashadii Maraykanka ee 2016-kii.

Sessions oo billawgii taageeray ol'olaha Trump ayaa dhinac uga istaagay baaritaankaas, si uu uga baaqsado in ay iska hor yimaadaan danihiisa gaarka ah iyo baaritaankaas, wuxuuna hawshaas u xil saaray ku xigeenkiisa Rod Rosenstein.

Go'aankaas uu qaatay Sessions iyo horumarka laga sameeyay baaritaanka uu wado Robert Mueller oo ah dambi baare khaas ah oo hadda la sheegay in uu eegayo in Trump uu carqaladeeyay caddaaladda ayaa horseeday in uu is hayn waayo madaxweyne Trump isaga oo afka iyo Twitterkaba adeegsanaya.

Madaxweynaha ayaa ku adkaysanaya in aysan wax wada shaqayn ah dhex marin ol'olihiisii doorashada iyo dawladda Ruushka, wuxuuna beeniyay inuu isku dayay carqaladeynta caddaaladda.

Hadalladaas markay is dhaafsadeen ka dib, labo xubnood oo sarsare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa muujiyay in ay taageeri doonaan Trump haddii uu damco in uu shaqada ka eryo Sessions wixii ka dambeeya doorashada xiliga dhexe ee Maraykanka ka dhacaysa bisha Nofembar.

Si kastaba ha ahaatee qaar kale oo ka mid ah xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa shirkadda warbaahinta dhinaca siyaasadda ee Politico u sheegay in ay la tahay in tallaabadaasi ay tahay mid xun ayna garab taagan yihiin xeer ilaaliyaha guud.

Muxuu Sessions yiri?

"Waxaan la wareegay maamulka waaxda caddaaladda maalintii xilka la ii dhaariyay," ayuu xeer ilaaliyaha guud ku yiri war qoraal ah.

"Inta aan anigu ahay xeer ilaaliyaha guud, waaxda caddaaladdu marnaba saameyn kuma yeelan doonaan mana daneyn doonto arrimo siyaasadeed.

"Waxaan dalbanayaa in caddaaladda lagu dhaqo xubnaha ugu sarreeya, haddii ay hogaansami waayaanna, waxaan qaadayaa tallaabo."

Wuxuu xeer ilaaliyaha guud intaas ku daray: "Ma jiro dal kale oo Mareykanka uga fiican xirfadaha shaqada caddaaladda, dadaalka, baaritaannada iyo dacwad soo oogidda.

"Waxaan ku faanaa inaan la shaqeeyo dadkaas xirfadda sare leh waxaana ku faanaa shaqada aan u qabannay horumarinta guulaha sharciga."

Markii hore, Mr Sessions ayaan aad u fir fircooneyn wixii ka dambeeyay eedeymo uga yimid dhanka madaxweynaha, maadaama uu Trump aaminsanaa in Mr Sessions uusan sidii loo baahnaa daacad ugu noqonnin isaga, oo taas baddalkeeda uu taageeray baaritaannada la xiriira fara gelinta Ruushka.

Muxuu Trump ka sheegay Sessions?

Wareysi uu goor sii horreysay siiyay barnaamijka Fox and Friends ayuu Trump ku yiri: "Waxaan ku xiranahay xeer ilaaliye guud oo aan waligiis gacanta ku dhigin maamulka waaxda caddaaladda. Jeff Sessions waligiis ma uusan xukumin waaxda caddaaladda taasina waa arrin lala yaabo.

Isagoo ka hadlaya baaritaanka fara gelinta Ruushka madaxweynuhu wuxuu yiri: "Jeff Sessions wuu badbaadiyay naftiisa, taasoo aan loo baahneyn inuu sameeyo. Ama wuu ii sheegi lahaa taas[ka hor] inta aanan soo xulanin isaga.

"Xitaa cadowgeyga waxay yiraahdaan Jeff Sessions waxay ahayd inuu kuu sheego inuu isaga kaliya is badbaadin doono, waayo markaas ma aadan u dhiibi lahayn xilkaas. Shaqadii ayuu qaatay ka dibna wuxuu yiri nafteyda unbaan badbaadsanayaa. Waxaan is iri: 'Muxuu ahaa ninka noocaan ah?'

"Ma ogtahay sababta kaliya ee aan u siiyay shaqadaas? waayo waxaan ka dareemay daacadnimo, wuxuu ahaa qof taageere asal ah ii soo ahaa. Wuxuu ku jiray ol'olahaha. Wuu ogyahay ineysan markaas jirin sir qarsooneyd."

Cadow awood sare leh

Jeff Sessions waxaa markiisi i hore ol'olaha Trump loogu soo daray sababo la xiriira fikradaha adag ee uu uga soo hor jeeday qaxootiga.

Mr Sessions ayaa muddo tobannaan sano ah u soo dagaallamaayay in la abuuro sharciyo lagu joojinayo soo galootiga.

Walina wuxuu u muuqdaa nin fikradihiisa ay taaganyihiin halkooda.

Mr Trump waxaa lagu yaqannaa in uusan is dhiibin, uuna ku dadaallo in go'aannadiisa uu ku taagnaado - wuxuuna isla dabeecaddaas mid la mid ah ku arkay Mr Sessions.

Laakiin hadda waxay u muuqataa in ninkan uu madax xanuun ku ridayo Madaxweyne Trump.

Mr Sessions wuxuu hadda go'aan u gaarsiisanyahay isla sida Mr Trump - wuxuuna diidanyahay in uu dib u gurto ama tanaasulo.

Labada mas'uul ayaa muddooyinkaanba is dhaafsanayay hadallo kul kulul, waxaana xeer ilaaliyaha si weyn uga careysiiyay dhaliilo uu madaxweynaha si joogto ah ugu soo gudbiyo barta Twitter-ka iyo Telefishinnada.

Xeer ilaaliyaha waxa uu leeyahay awood dhinaca caddaaladda ah oo uu si toos ah ugula tacaali karo qof walba isagoo adeegsanaya qodobbada sharciga.

Sababahaas oo dhan ayaa Mr Sessions ka dhigaya cadow awood sare leh, waxaana dagaalka u dhexeeya labadan nin uu qaadan karaa muddo dheer.

Maxaa ku soo beegay hadda?

Mr Sessions ayaa hadalkiisa ku soo beegay isbuuc uu wareer badan ka taaganyahay Aqalka Cad.

Labo maalmood ka hor, sheekada ugu caajiibsan ee ka soo cusboonaatay arrimaha la xiriira fara gelinta Ruushka waxay ahayd markii madixii hore ee ol'olaha Trump Paul Manafort lagu helay dambi ah inuu bixiyay laaluush ku saabsan canshuurta iyo bangiga.

Sidoo kale qareenkii hore ee khaaska u ahaa Mr Trump oo lagu magacaabo Michael Cohen ayaa qirtay dambiyo ay ka mid tahay in canshuur la bixin waayay oo waliba wax is daba marin laga sameeyay dhanka bangiyada iyo si khalad ah loo isticmaalay dhaqaalihii lagu maareynayay Ol'olaha Trump.

Cohen oo maxkamadda ku dhaartay ayaa sheegay in dhammaan falalkaas uu ku fuliyay amar uga yimid Trump oo ku qasbay in xilligii ay doorashada soo dhaweyd uu si qarsoodi ah lacago ku siiyo haween sheeganayay in uu Trump xiriir galmo la sameeyay taasoo carqaladeyneysay xeerka dhaqaalaha loo isticmaalo Ol'olaha.

Madaxweyne Trump ayaa beeniyay in uu ku xad gudbay sharciga.

Iyadoo ay sidaas u sii kordheyso dhibaatada siyaasadeed ee heysata madaxweynaha ayaa waxaa khamiistii soo baxay warar ay saxaafadda Mareykanka ku shaaciyeen in dacwad oogeyaasha gacanta ku haya kiiska Cohen loo ogolaaday in ay xasaanad siiyaan gudoomiyaha shirkadda daabacda wargeyska National Enquirer, David Pecker oo saaxiib la ah Mr Trump.

Markii ay soo dhaweyd doorashadii 2016-kii ayay haweeneyda jilaaga filimada ah ee lagu magacaabo Karen McDougal ka iibisay wargeyskaas sheekadeeda ku saabsan in ay xiriir la lahayd Donald Trump.

Heshiiska ay la saxiixatay shirkadda ayaa dhigayay in sheekadaas ay ahaato mid khaas ah oo ay iyadu leedahay xuquuqdeeda waxaana uu heshiiska sidoo kale mamnuucayay in la shaaciyo sheekada. Sidaas awgeedna ilaa iyo hadda lama daabicin macluumaadkaas, hase yeeshee dacwad oogayaasha ayaa ku guuleystay in madaxa shirkadda la siiyo xasaanad uu ku jabin karo heshiiska si uu macluumaadka u bixiyo.

In kastoo ay arrimahaan oo dhan jiraan, haddana si guud waxaa loo rumeysanyahay in caadiyanba aysan waaxda caddaaladda dacwado ku soo oogi doonin madaxweyne Mareykan ah oo wali xilka haya.

Wariyeyaashana waxay sheegayaan in sidoo kale aysan u badneyn in siyaasiyiinta ka soo hor jeeda Mr Trump ay u ol'oleeyaan xil ka qaadistiisa marki la gaaro doorashada xilliga dhexe.

Taageerayaasha ugu daacwadsan ee Mr Trump oo uu ku tilmaamo kuwa uu ku taaganyahay ee ka baxsan siyaasadda iyo maamulka Washington DC ayaa u muuqda in ay la jah wareersanyihiin wararka cusub ee soo kordhay.

Maxaa kale oo uu Trump ku yiri wareysigiisa?

Intii uu socday wareysiga barnaamijka Fox ee sida tooska ah ugu baxay warka Khamiista, wuxuu madaxweynuhu:

  • Uga jawaabay hadallada la isla dhex marayo ee ah in xilka laga qaadi doono, wuxuuna sheegay in tallaabo noocaas ah ay bur bur u hor seedi karto dhaqaala dalka
  • Wuxuu ku adkeystay in lacagaha la siiyay haweenka sheeganaya iney xiriirka la lahaayeen aysan xad gudub ku ahayn sharciga doorashada
  • Wuxuu weerar culus ku qaaday kooxda dacwad oogeyaasha ah ee ku howlan kiiskaas, kuwaasoo uu ku dhaliilay habka ay wax u wadaan
  • Wuxuu ku sheegay in Cohen uu iska qafiifinayay xukunka uuna ka hor tagayay in la xiro 20 sano "haddii aad wax xun ka sheegtid Donald Trump... waxaad waqtiga xabsigaaga ku soo gaabin kartaa labo ilaa saddex sano, waana sida uu sameeyay"
  • Wuxuu ku sheegay in uu abaal marin darajada ugu sarrysa ah isku siin doono shaqada uu u qabtay madaxweyne ahaan..