Dhoolatus uu Trump amray oo sannad dib loo dhigay

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES
Ammin hore oo Khamiistii ah ayay saraakiil Maraykan ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP in la qiyaasayo in qabashada dhoolatus kaas ay ku kici doonto 92 milyan oo doolar.
Ninka madaxda u ah miisaaniyadda dhoolatusyada ayaa soo bandhigay qiyaas lacageed oo gaaraysa 10 ilaa 30 milyan markii uu Aqalka Cad iclaamiyay codsiga arrintaas bishii Feebaraayo.
Qoraal aan rasmi ahayn ayaa wakhtigaas lagu sheegay in aan taangiyo la adeegsan doonin si aan waxyeelo loo gaarsiinin waddooyinka casimadda.
Guddiga maamula magaalada ayaa ka soo horjeedsaday qorshahaas, in aysan raali ka ahayna waxay ku soo qoreen Twitterka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1
Xubnaha xisbiga dimuqraadig ayaa sidoo kale ka soo horjeedsaday iyadoo Jim McGovern oo Kongareeska ka tirsan uu ku tilmaamay "mid qaab daran iyo dhaqaale lagu ciyaarayo" isaga oo Twitterka ku soo qoray Trump dhaqankiisu wuxuu u janjeeraa dhanka kali talisnimada badalkii madaxweynenimada".
Wasaaradda gaashaan dhigga ayaa sheegtay in ay qorshaysay in dhoolatusku uu ka billowdo Aqalka Cad ilaa caasimadda, marka dambana lagu soo gabogabeeyo mid culus oo dhanka cirka ah".
Waxaa la qorsheeyay in dhoola tuska ay ka mid noqdaan "gawaarida taayirrada leh oo kali ah.
Warbaahinta Maraykanka ayaa farta ku fiiqday in Donald Trump uu baajiyay dhoolatuskii milatari ee uu Kuuriyada Koonfureed la qaban lahaa bishii Luulyo, ka dib markii uu la kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un isaga oo ku sababeeyay in dhaqaale burburi lahaa la baajinayo.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2
Milatariga Maraykanka ayaa dhoolatus sameeyay 1991 ka dib markii uu si guul leh ku dhammaaday hawlagalkii ciidammada Ciraaq ee Saddaam Xuseen xoogga looga saarayay Kuwait.












