Boqorka Jordan iyo Kenyatta oo ka qeyb galay dhoolatus Millatari

Boqor Cabdalla iyo Kenyatta ayaa xariga ka jaray dhoolatus millatari oo ciidammada laba dal ay ka qeyb qaadanayaan

Xigashada Sawirka, PPSU

Qoraalka sawirka, Boqor Cabdalla iyo Kenyatta ayaa xariga ka jaray dhoolatus millatari oo ciidammada laba dal ay ka qeyb qaadanayaan
Published

Boqor Cabdalaha labaad ee dalka Jordan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay dalk Kenya.

Boqor Cabdalla iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa xariga ka jaray dhoolatus millatari oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidammada labada dal.

Dhoolatuskan ayaa socon doono sagaal maalmood waxaana diiradda lagu saarayaa sidii ay labada dhinac isu weydaarsan lahaayeen xeelado ku saabsan sida loo sugo amaanka wakhtiyadan casriga ah.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlaya arriimo la xiriira iskaashiga dhinacyada amniga iyo ganacsiga.

Boqorka ayaa bogaadiyay dadaalka ay Kenya ugu jirto waxa uu ugu yeeray la dagaalanka aragagixisada.

Booqashada Boqorka Jordan uu ku tagay Kenya ayaa daba socota booqasho uu Madaxweynaha Kenya bishii August ee sanadkii hore ku tagay dalka Jordan.