Dib u dhicii ku yimid qabsoomidda shirka golaha wasiirrada oo laga gudbay

Magaalada Garowe ayaa waxaa goor dhoweyd lagu soo gabagabeeyey kulan ay si wadajir ah uga qayb galeen golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo golaha wasiirrada ee maamul goboleedka Puntland.
Shirka waxaa lagu waday in saaka uu halkaa ka dhaco, waxayse wararku sheegayaan in uu dib ugu dhacay sababo la xiriira khilaaf soo dhex galay mas'uuliyiinta federaalka iyo kuwa Puntland.
Khilaafka ayaa xallintiisa lagu guda jiray tan iyo shalay, ilaa iyo xalay, ilaa iyo gelinkii hore maanta, ayadoo ugu dambayntiina ay suurto gashay in kulanka uu qabsoomo.
Ma jirto cid labada dhinac ka tirsan oo si toos ah uga hadashay sababta khilaafka iyo waxa lagu xalliyey, hase yeeshee waxay dadka xog ogaalka ah, iyo ilo ku dhow labada dhinacba sheegeen in xiisad ay ka dhalatay ka baaqashadii uu ra'iisul wasaare Khayre ka baaqsaday dhagax dhigga dhismaha dekedda Garacad.
Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo shirka guddoominayey ayaa goor dhoweyd furay shir kale oo u gaar ah golaha wasiirrada ee xukuumadda Federaalka.
Saxaafadda ayaa loo ogolaaday in ay hoolka uu shirku ka socday ay soo galaan oo sawirro ay ka qaataan oo kaliya.
Halkan ka daawo sawirradii shirka


















